Obama Oo Ruushka Kaga Cabanaya In Uu Farogelinayo Tartanka Madaxnimada Maraykanka

1
707

Washington (Geeska)- Madaweynaha dalka Maraykanka Barak Obama iyo maamulka xisbigiisa Dimuqraaddiga oo dorraad soo gunaanaday tartan adag oo muddo dhawr bilood ah murashaxiinta xisbiga gudihiisu ugu soo baxayeen murashaxa rasmiga ah ee xisbiga Dimuqraaddiga uga qaybgalaya doorashada madaxweynaha ee foodda innagu soo haysa ayaa dalka Ruushka ku eedaynaya in uu farogelin ku hayo arrimaha siyaasadda gudaha ee xisbigooda si tartanka soo socda uu ugu guulaysto xisbiga Jamhuurigu.

1

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Putin ee Ruushku ay hoos u waddo farogelinta ol’olayaasha doorashada madaxtinimada Maraykanka si ay u cuslays o miisaanka Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, laakiin waxaa arrintaas si adag u diidan aqalka Kremlin ka ee looga taliyo Ruushka, waxa aanu ku celceliyey in aanu dalkiisu farogelin siyaasadaha gudaha ee dalalka kale.

Xukuumadda Madaxwyene Obama iyo xisbigeeda ayaa aaminsan in budhcad dhinaca Internet ka ah oo ay dabada ka waddo xukuumadda Vladimir Putin ay jabsadeen Emailka gaarka ah ee guddida sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kadibna kala baxeen farriimo ay xubnaha qaar isu dirayaan oo ay ku taageerayaan murashaxnimada Hilary Clinton, arrintaas oo fadeexad ku noqotay xisbiga dhexdiisa maadaama o guddidan laga filayey in ay dhex u noqoto murashaxiinta xisbiga, waana ta sababtay in ay toddobaadkii hore dabayaaqadiisii is casisho haweenaydii guddoomiyaha u ahayd xisbiga Dimuqraaddiga.

Sida lagu baahiyey war uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera, madaxweyne Obama oo talefishanka NBC News weydiiyey bal in ka bad-badini ku jirto tuhunka xukuumaddiisu dalka Ruushka ugu jeedinayso in uu ka dambeeyey jabsiga e-mailka guddida heer qaran ee xisbiga Dimuqraaddiga, waxa uu ku jawaabay Obama, “Wax kastaa waa suurtogal”

Madaxweyne Obama oo sii wata hadalkiisa ayaa waraysigan Arbacadii shalay lala yeeshay ku yidhi, “Haayadda Baadhista ee Federaalka FBI ayaa weli wadda baadhista jabsashada e-mailka iyo faafinta wixii ku jiray”

Masuuliyiinta ol’olaha ee Hilary Clinton ayaa iyaguna sheegay in khubaradooda arrintan baadhista ku samaysay ay xaqiijiyeen in Ruushku uu masuul ka yahay arrintan, waxa aanay ku eedeeyeen in uu murashaxa mayalka adag ee Jamhuuriga taageerayo Ruushku.

Laakiin Madaxweyne Obama isagu waxa uu sheegay in aanu waxba ka odhan Karin sababta rasmiga ah ee arrintan dabada ka wadda, iyo xitaa guud ahaanba hawsha jabsashada emailka xisbigiisa, laakiin uu haddana mar kasta dareen ka qabo hadallada joogtada ah ee uu Trump ka yidhaahdo dalka Ruushka, isaga oo si gaar ah u xusay in Trump uu in badan ku celceliyo in uu la dhacsan yahay madaxweyne Putin, taas oo uu sheegay in ay suurtogal ka dhigayso in uu abaal kaga helayo Ruushka.

Dhinaca kalana afhayeen u hadlay aqalka Kremlin ka ee Ruushka ayaa hadalka Madaxweyne Obama kaga jawaabay in madaxweynaha Ruushku uu marar badan ku celceliyey in aanu imika iyo hore midna u farogelin arrimaha gudaha ee dalalka ajaanibka ah, gaar ahaan marka ay arrintu khusayso

doroashooyinka.

Afhayeenku waxa uu intaas ku daray, “Haddii xiise loo qabo in tuhunno uun dawlad kale loo jeediyo, waxaa waajib ah in ugu yaraan arrimaha la sheegayaa ay noqdaan wax la taaban karo” waxa aanu carrabka ku adkeeyey in Moscow ay ku dadaalayso in ay ka fogaato ficil kasta iyo hadal kasta oo loo arki karo farogelin toos ah ama dadban oo ay ku samaysay ol’olahadoorashooyinka Maraykanka.

 

Comments are closed.