Obama Oo Ka Hadlay Doorkii Uu Ka Qaatay Weerarkii Fashilmay Ee Lagu Qaaday Soomaaliya

0
809

 

obamaMadaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in Dowlada Maraykanku ay Qeyb ka ahayd weerarkii Todobaadkii Tagay lagu qaaday Deegaanka Buulo Marer ee Dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inay ugu biireen howlgalkaas si lo badbaadiyo Lahaystaha Faransiiska ah. Wuxuu Madaxweyne Obama arrinan iftiimiyay mar ay Al-Shabaab shalay soo bandhigay maydka askari Faransiis ah oo ay ciidamadii Kamaandoowsku ka carareen isagoo dhaawc ah, kaas oo dhaawac dhintay.

Howlgalka iyo Mareykanka

“Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa bilowgii howlgalka galay Hawada Soomaaliya si ay u caawiyaan Howlgalka Soo furashada, haddii loo baaahdo.Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ma isticmaalin Wax hub ah intii uu howlgalka socday,” Sidaas waxaa Congresska mareykanka u sheegay Madaxweyne Obama oo qoraal u qoray.

Obama ayaa warqad u diray golaha Congress-ka mareykanka taasi oo uu ugu sheegay inuu gutay waajib Daruuri ah oo isaga (Obama) u ogolaanaya in uu ku wergeliyo golaha muddo 48-saac gudahood oo ay ciidamadu howlgalka ku jiraan isaga oo aan fasax u qaadan fulinta weerarkaas.

Danta Mareynka ee Weerarka

Madaxweyne Mareykanka Obama ayaa waxaa u sheegay in weerarka Soomaaliya ee Buula Mareer uu muhiimad gaaar ah u lahaa Amaanka iyo Danaha Dowlada Mareykanka isaga oo taasi ka waday in weerar lagu qaaday Alshabaab oo ku xidhan Al-Qaaciida “Ciidamada Mareykanka si toos ah ugama qeybqaadan Howlgalka lagu qaaday dhismaha bartilmaaameedka lagu tuhunsanaa inuu ku jiray muwaadinka faransiiska ah iyo sidoo kale duqeynta lagu sameeyayba” Obama ayaa ku sheegay Qoraal uu u diray Congress-ka.

Xaalada Buulo Mareer

Xaalada Deegaanka Buulo Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose Sacaado kooban ka dib weerarka  waxay ahayd Xasilooni walow shacabka Deegaanka ay ahaayeen kuwo Cabsi dareemaya Xaalada goobta lagu dagaaalamay oo magaalada Geeskeeda ah waxaa ka jiray  Dhaqdhaqaqa Islaaamiyinta.

Alshabaab oo gacanta ku hayay Muwaadinka Faransiiska waxaa ay sheegteen in Goobta la weeraray aanu ku sugnayn Denis Alex xaalada denis-na ay tahay mid wanaagsan inkasta oo aanay soo bandhigin. Waxase ay shalay soo bandhigeen maydka askari faransiis ah oo ka mid ahaa ciidamadii hawlgalka weerarka ah qaaday, kaas oo ay Al-Shabaab qabatay isagoo dhaawac ah, balse ay sheegeen inuu dhaawac dhintay.