Darawal Ka Sheekeeyay Nin Baskiisa Ku Dhex Geeriyooday Iyo Baadhistii Booliska

1
875

 

basHargaysa( Geeska )- Basaska u baxa  xaafada Pepsiga ee magaalada  Hargaysa, ayaa uu hal qof oo nin ahi ku dhex dhintay, ninkaas oo la sheegay in baska uu soo koray isaga oo ka cabanaaya wadne xanuun.

Waxaana baskaas oo ay saarnaayeen ku dhawaad sodaneeye qof oo rakaab ah iyo darawalkii wadayba loo gudbiyay  xarunta baadhitaanka danbiyada ee CID-da, halkaas oo baadhitaan wakhti qaatay kadib xoriyadooda loo soo celiyay.

Mukhtaar Cabdi Ismaaciil oo ah darawalkii baskaas waday ayaa wargayska Geeska Afrika ugu warmay sida ay wax u dhaceen, baadhitaankii lagu sameeyay rakaabka iyo isaga iyo waliba sida uu noqday dareenkiisu markii uu ogaaday in gaadhiga uu wado uu qof mayd ahi dhex yaalo.

Mukhtaar Cabdi oo ugu horayntii uu wargayska Geeska Afrika  waydiiyay bal sida uu arinku u dhacay ayaa isaga oo arintaas ka waramaya waxa uu yidhi

“ Markii ugu horaysay ee aan ka dhaqaaqay istaanka Pepsiga ayay dadku iygu yidhaahdeen qofbaa xanuunsanaaya waanan u istaagay, markaas maanu fogaanbe saladhiga ayaanu hor istaagnay,  oo bartan istaanka markaan ka dhaqaaqay ayuun bay ahayd, kadib intaan gaadhigii ka degay ayaan saldhigii tagay waxa layga soo raaciyay askari, ninkii oo aanay nafiba ku jirin ayaanu  u wada nimid aniga iyo askarigii oo wada soconaa, markaas ayay nagu yidhaahdeen askariga raac oo Cisbitaalka guud geeya maydka, markaanu Cisbitaalkii istaagnay aniga oo macaa rakaabkaygii sita, waxaanay dhakhaatiirtii igu yidhaahdeen ninkani mid nool maaha oo ma dhigayno ee wax warqad ah ma sidataan, ugu danbayntii agaasimha cisbitaalka ayaa noo yeedhay markii uu arkay ninku inaanu noolayna waxa uu yidhi ku celiya saldhiga, markaas saldhigii ayaanu dib ugu soo celinay.”

Mukhtaar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Saldhigii ayaa haddana nagu yidhi waxaad gaysaan CID-da  inta dhawr askari oo kalena nalagu soo daray aniga iyo rakaabkiiba,CID-da markii nala geeyay waxa la dajiyay aniga iyo intii maydka u dhawayd oo wax nalaga qoray  baadhitaana waana lagu sameeyay, aniga waxa lay waydiiyay ninku markuu soo koraayay sidee buu ahaa markaas anigu maan ogayne laakiin gabadh baska saarnayd ayaa tidhi ninkaasu waxa uu yidhi wadnaha ayaa I xanuunaya, baskana waxa uu soo fuulay isaga oo cagahiisa ku socda oo waxa uu ka mid ahaa dadkii soo koraayay baska uun, markii baadhditaan la sameeyay ayaa nala sii daayay sideedii habeenimo.”

Ninkan dawaralka ah oo aanu su’aanay bal dareenkiisu sida uu noqday markii uu ogaaday inuu ku dhex dhintay mid ka mid ah rakaabkii gaadhiga saarnaa waxa uu yidhi “ Waxay igu noqotay mucjiso aanan hore u arag, mar hore ayaan maqlay bas uu qof  ku dhex dhintay oo waliba kaasu waxa uu kan kaga duwanaa darawalkii waxa uu ogaaday markii dadkii oo dhan ay ka wada degeen, kaas ayaaba naga dhib badnaa oo aniga dadkiiba igama ay dagin, runtiina dadkii gaadhiga saarnaa ayaaba dad wanaagsan ahaa oo markaan idhi fadhiya sidii ku fadhiyay, arin naxdin mudana waa uu ahaa.”

Comments are closed.