Nuxurka Shir Ay Yeesheen Gudida Dhalinyarada Cismaan Xuseen

0
503

Wararka ka soo baxaaya shirarkii ay yesheen aqoonyahanka, dhalinyaradda iyo wax garadka beesha cismaan xuseen oo ay ka yesheen mustaqbalka beesha iyo deganadooda aadka u balaadhan oo ka kooban waqooyi iyo oogaba ee dalka somaliland,   siba deganada waqooyiga sida ceelsheekh,ceel lahelay iyo hulka  oo ay aad ugu taagtaagsadeen tilmameena in  ay  yihiin kuwa bud dhiga leh oo loo ogyahay.

Waxa kale oo ay ku gorfeyeen kulankaa ay yesheen aqoonyahanada iyo wax garadka beesha cismaan xuseen  in ay dhidibada u adkeyaan maamulka ka jira hulka , ceel lahelay iyo ceel sheekh. Isla shirkan waxa aqoonyahanka iyo wax garadka beesha cismaan xuseen ku garwaqsadeen in ay talo wadaag iyo wada tashi la leeyihiin deganada la daga goobaha waqooyiga ee ay soo shegeen lana wadaagi karaan iyaga oo ka hor tagaaya in cidi aan taladu ka gu’in  dusha u ridato kana talaabsadaan biri ma gaydadii degaanka. Beesha cismaan xussen waxay ku boorinaysaa maamulka iyo xukumada maanta jira in ay xasuustaan soona noleyaan degaanka waqooyiga taas oo kaalintii dawladnimo ka maqantahay sida bahiyihii asaasiga ahaa. Waxaay beesha cismaan xuseen ku magacawday shirkan gudigii ka hawlgasha hirgelinta qorshihii hore  u yaalay iyo mapingkii deegaanada waqooyi ee ay sida tooska ah u mumaamulaan.

Ugu danbayntii waxay ku soo xidheen in ay kulamo kale yeelan doonaan taas oo ay isugu iman doonaan dhamaan dhalinyarada,aqoonyahanka,culimada,odoyaasha,cuqaasha iyo  qurba joogta beesha cismaan xuseen halkaas oo ay ka soo saari doonaan qodobo hagi doona mustaqbalka beesha. Wabiilaahi tawfiiq

ALLAA MAHADLEH

Gudida Dhalinyarada Beesha Cismaan Xuseen