Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiir Samsam Iyo Guddiga Ilaalinta Hantida

0
611

ddddHargeysa(Geeska) -Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa  kulan la yeeshay Shalay Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysanayeen.

Kulankan oo Saacado qaatay ayaa labada dhinac warbaahinta u sheegeen inay isla afgarteen wixii mad-madow kaga jiray, haddana ku heshiiyeen wada shaqayn dhaw oo Wasaaradda iyo Guddida dhex marta.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaas ka hadashay ayaa  tidhi  “Guddidu waxay wax naga waydiisay Lacagaha oo ay lexejeclo ka leeyihiin anaguna aanu diyaar u nahay inaanu tusno shillin walba halkii uu maray oo xaqiiqdii ah wax loo baahan yahay.waa wax muhiim ah oo dadka Kalsooni galinaya inay ogaadaan in Gobol walba uu gaadhay wixii uu xaq u lahaa iyo waxyaabaha ka dhiman in laga wada halgalo. Waxaanu guddida isla garanay inaanu wax isla eegno oo wada shaqaynfiican yeelano”.

Gudoomiyaha Guddida Dabagalka hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa ka hadlay kulanka Masuuliyiinta Waxbarashada ay la yeesheen waxaanu yidhi “Guddidu baryahan ba way shaqaynaysay, Kulankan wasiirku wuxuu ku noqonayaa dhawr iyo Labaatan kulan oo aanu la yeelanay Wasiiro iyo Masuuliyiinta Hay’addo, waxaanu Wasiirka isla garanay in Wasaarad ahaan iyo Guddi ahaanba qolo walba waajibaadka Dastuurku na farayo dhinaceeda u gudato, waxaanu isla garanay inaanu wada shaqayn dhaw la yeelano wasaaraddan waxbarashada oo ah wasaarad aad u muhiim ah”.

Wuxuu ugu dambayn shgeegay inaanay jirin warbixin musuqmaasuq ka hadlaysa oo ay hore u soo bandhigeen.