Sidee Gobalada Iyo Degmooyinka Dalka Looga Xusay Maalinta Qaranimada Somaliland?

6
595

18 18Hargeysa (Geeska) – Shacabi-weynaha Somaliland, ayaa shalay subax iyo ilaa xalay saqdii dhexe u debaal-dagayey xuska 18 May oo ku beegan 22 guurada Madax-banaanida Somaliland isla-markaana sanad kasta la xuso.

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa dadwaynaha reer Somaliland ee kala dhaqan Gobolada iyo dedmooyinka Somaliland waxay u dareereen fagaarayaasha loo asteeyay in lagu waynayo xuska 18-ka May, iyagga oo yar iyo weynba ku lebisnaa calanka Jamhuuriardda Somaliland, qaarkoodna siteen.

Hargeysa

Hargeysa oo caasimadda Somaliland oo ilaa habeen hore aan lagu kala saxeexan isla-markaana dhalinyarada iyo dad kale oo aad u ugu qiiraysan xuskani hadba dhinac u qaadayeen jidka Wadnaha oo dib u casriyeyn lagu sameeyay, ayaa shalay abaaro 5 subaxnimo waxa mowjado dadwayne reer Somaliland ah oo ku lebisan calanka Somaliland waxay isugu soo urureen hareeraha jidkaasi oo aad amaankiisa loo adkeeyay isla-markaana ciidamada kala duwani si feejigan isha ugu hayeen dhaqdhaqaaqa dadwaynaha si looga hor-taggo cid kasta oo dhibaato ku soo tallo-gasha, maadaama oo madasha munaasibadani ka dhacaysay ahayd albaabka aqalka Madaxtooyadda.

Dadwaynaha oo qaarkood iyagga oo aan queecan guryahooda ay uga soo kalaheen inay wayneeyaan xuska 22 guurada Madax-banaanida Somaliland, adduunkana u soo bandhigan in qadiyadoodu tahay muqadas, ayaa waxa xuska kala qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wefti xildhibaano ah oo ka socday dalka Jabuuti iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo madaxda xisbiyadda iyo baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo laftoodu sitay calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadwaynaha oo aad ugu samrayey cadceeda iyo dhibaatada is-riix-riixooda, ayaa waxa halkaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysay uga jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasi oo uu kaga hadlay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Dadwaynaha ka qayb-galay xuskaasi oo tiradoodu kumanaan ahayd, ayaa markaa ka dib waxay si qiiro leh sacab iyo debaal-deg ugu soo dhaweeyeen cutubyo ciidamada qalabka sida ah iyo gaadiidka tiknikada ah oo si aad u qurux badan jidka wadnaha gaardis ugu maray isla-markaana salaan siiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu dhowr saacadood u taagnaa saalanta ciidamada.

Madaxwaynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka (Milatariga), Booliska, Asluubta, ilaalada xeebaha iyo ciidamada laanta socdaalka, kuwaasi oo gaardiska ay halkaasi ku ku soo bandhigeen ay ka muuqatay diyaar-garow aad u badan oo ay muddo soo sameeyeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale markii ugu horeysay xukunka Madaxwayne Siilaanyo gaardiskooda ka sakow waxay ku soo bandhigeen gaadiidka tiknikada ah, sida gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Beebeeyada, gaadiidka xambaara hubka altalariga, gaadiidka madaafiicda qaada, gaadiidka ciidamada daabulo iyo weliba gaadiidka yar-yar ee dagaalka.

Cududada iyo gaardiska cajiibka ah ee ay ciidamadu halkaasi ku soo bandhigeen, ayaa sababay in dadkii halkaasi joogay ee daawanayey qaarkood la ilmaeeyaan qiiro waddaniyadeed.

Debaal-degga xuska 22 guurada Madax-banaanida Somaliland oo soo gabo-gaboobay markii ay ciidamada qalabka sida gaardiskoodu dhamaaday, ayaa si nabadgalyo ah shacabku ugu kala dareeray, inkasta oo shacabka reer Hargeysa, gaar ahaan dhalinyarda oo baabuur aad u badan wata ay ilaa fiidkii xalay jidadka ay hadba dhinac u marayeen.

Burco

Magaalada Burco ee caasimada Gobolka Togdheer oo ah halkii Somaliland lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland 22 sanadood ka hor, ayaa waxa shacabka reer Burco si weyn ugu soo bandhigeen sida ay ugu weyn tahay qadiyadda madax-banaanida Somaliland iyo sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin calanka saddexda midab leh ee uu ku xardhan yahay towxiidku.

Dadwaynaha reer Burco oo si aad ah caan ugu ah xamaasad iyo inay jiritaanka calankooda difaacaan, ayaa waxay subaxnimadii hore ee shalay ku kalaheen fagaaraha beerta xoriyadda Burco oo si gaar ah loogu qurxiyey calanka Somaliland, isla-markaanaloo diyaariyey inay shacabka reer Burco ku muujiyaan waddaniyadooda iyo inay door muuqda kaga jiraan ilaalinta qadiyadda.

Sidoo kale, Dadwaynaha ku dhaqan Magaalooyinka Berbera, Borama, Ceerigaabo iyp Laascaanood ee xarumaha Gobolada Awdal, Saaxil, Sool iyo Ceerigaabo, Baligubadle, Gabiley, Oodweyne, Salaxley iyo kuwo kale, ayaa waxay isugu soo baxeen si isku mid ah, waxaana dadwaynuhu buux dhaafiyeen fadaagarayaasha loo asteeyay inay ka qabsoonto xuska 22 guurada Madax-banaanida Somaliland.

Dadwaynaha reer Somaliland ee dhaqan Magaalooyinkaasi iyo degmooyinka hoos yimaada, ayaa waxay intooda badan ku labisnaayeen calanka Jamhuuriyadda Somaliland yar iyo weynba.

Comments are closed.