Nuxurka Khudbadii Cirro Ee Xafladii Dabaal-dega Wadani

0
523

 

ciroHargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha Xisbiga Waddani,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Ciro) ayaa u soo jjeediyey xisbiga UCID inuu garto cidda (Xisbiga) uu mucaarad ku noqonayo, oo Muuse Biixi iyo Maxadweyne Siilanyo ay ku mucaaradaan, balse WADANI is kaashadaan.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xisbiga WADANI oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbigu qabsaday ayuu sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey xukuumada Somaliland iyo Koomiishanka Doorashooyinka ku saabsan doorashooyinkii goleyaasha ee dalka ka qabsoomay. Tacsina u diray shacabkii ku dhintay, kuna dhaawacmay natiijooyinkii doorashooyinka. “Waxaynu galnay doorasho, laakiin, khaladaad badan ayaa ka soo baxay, WADANI ahaan markaan qiimaynay laba arrimood. Ta koowaad siduu Koomiishanka Doorashooyinku u maamulay, oo maamul-xumo baahsan taasoo lumisay kalsoonidii shacabka, dhaawaci gaadhay haybadii dawladnimo. Waxa kaloo cabasho ka soo baxday markii la dooranayey goleyaasha deegaanadda in xukuumada Somaliland faro-gelisay. Xisbi Wadani ahaana waan u tacsiyadeynaynaa intii ku dhimatay ama dhaawacantay mudaharaadyadii natiijooyinka doorashada iyo intii ka danbaysay.”

Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha Xisbiga Waddani,  waxa uu sheegay inay deg -degayaan xisbiga UCID, sidaa awgeed  loo baahan yahay inay gartaan cida ay mucaaradka ku noqonayaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Xisbiga UCID waa xisbi mucaarid ah waxa la doonayaa in cida uu mucaaridka ku noqonayo uu garto, waad soo yara deg degteene mucaaradadiinu waxa ay ahayd inaad mucaaradaan Muuse Biixi iyo saaxiibkay Axmed Siilaanyo oo labadeena waxa la inaga rabay inaynu iska kaashano mucaaridada".ayuu yidhi.

 Guddomiye Cirro, wuxuu ku dooday inay sharci tahay inuu laba xil isku hayo, isagoo yidhi,  "Waxaad moodaa in siyaasiyiinta qaarkood shacbiga ku hayaan jiho habaabin, Waxa jira xeerar Dastuurka ku qeexan oo aan laysku qaban karin,  kuwaasna waxa cadeeyey oo ay si cad ugu qoran yihiin Dastuurka jamhuuriyada Somaliland, qaranku wuxuu ka kooban yahay sedex waaxood oo midi sharci dajin tahay,  midna waa fulin, midna waa garsoorka, oo aanu xubin ka mida 3-daa xubnood midkood aanu mid kale qaban Karin, ninka ku jira Golaha wakiilada ee wasiir loo magacaabo waxaa ku waajiba inuu iska casilo, si uu xukuumada uga mid noqdo.  Saaxiibaday mudo dheer ayay ku qaylinayeen Gudoomiyaha Golaha wakiiladu xaqma u leeyahay in uu noqdo gudoomiye Urur, sanad bay ka baadhayeen Dastuurka oo ay gaadheen inay Looyaro qabsadaan,  waxay u tageen xisbiga talada haya ee kulmiye waxayna ku yidhaahdeen meel ay ku taalo laba xil iskuma hayn karo maanu arrag, waxa kale oo ay u tageen Ururadii siyaasada iyaguna waxay ku yidhaahdeen meel ay ku qoran tahay maanu arrag inaan labada xil lay is ku ahayn Karin.”Ayuu yidhi Cirro.