Nin Ingiriis Ah Oo 4,000 Km Oo Socod Lug Ah U Soo Maray Taageerida Cusbitaalka Edna

0
488

 

Picture1Hargesa (Geeska)- Christopher Stanfield, oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa socdaal socod ah oo uu ku  dhiirigelinayo Cusbitaalka dhallaanka iyo hooyada ee Edna Aden  oo masaafadiisu gaadhaysa 4,000 km ku soo gaadhay Somaliland, waxaanu socdaalkiisa lugta ah soo bilaabay 9 September ee sannadkii 2012 ee dhammaaday.

Ninkan oo dabaakh ka ah hudheel ku yaala magaalada Leeds, ee Ingiriiska ayaa sheegay in keliya ujeedada socdaalkiisa lugta ah oo uu ku soo maray inta dhexeysa wadamada Masar, Sudan, Itoobiya iyo Somaliland ahaa siduu bulshada caalamka indhahooda ugu soo jeediyo waxtarka Cusbitaalka Edna u leeyahay haweenka Somaliland iyo guud ahaan shacabka.

Stanfiled; markii uu shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxa socod ku soo dhawaysay Edna Aden oo iyaduna garab lugaynaysay,  waxaanu Geeska Afrika u sheegay inuu muddo sideed bilood ku hawlanaa diyaarinta qorshahiisa oo badi dhaqaalaha ku baxay uu isagu lahaa, isla markaana ku adkaatay qoyskooda iyo asxaabtiisa markii u sheegay qorshahiisa, maadama, aanay aqoon badan u lahayn kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Ninkan ayaa sheegay in wax kastoo qofku qorshaysto inuu gaadho tahay wax u gaadhi karo haduu doonisteeda la yimaado, sida Somaliland u qorshaysatay inay ka soo kabato burburkii gaadhay, ee xilligana horumarka u higsanayso, “Wax kastoo qofku go’aansado gaadhitaankooda wuu samayn karaa haduu doonisteeda la yimaado, sida Somaliland uga soo kabatay burburkii, ee xilligan horumar u hiigsanayso, ama Adna u aasaastay dhakhtarkan waxtarka leh, loo baahan yahay dad badan iyo wadamo badan inay casharo ka qataaan.” Ayuu yidhi.

Edna Adan Ismaaciil, oo ka hadashay dareenkeeda ninkan masaafada inta le’eg ee halista leh ugu soo dhiiraday siduu taageero iyo dhiirigelin ugu muujin laha waxqabadka cusbitaalkan iyo guud ahaan Somaliland ayaa sheegtay inay dareenkeeda taabatay, kuna tilmaami karto deeq ilaahay siiyey.

Wareysi dhinacyo badan oo wargeyska Geeska Afrika la yeeshay ninkan iyo ujeedooyinka safarkiisa iyo waayuhuu kula soo kulmay muddaduu ku soo jiray, waxaad kala socotaan cadadka beri, haddii Alle idmo.