Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Biixi Ka Jeediyay Munaasibaddii 26 Juun Ee Madaxtooyada

0
501

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Qodob ka hadlayey Is-dhex-galka Bulshooyinka Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ahaa Heshiis lagu gaadhay Wada-hadallo labada dhinac ku dhex maray Dalka Jabuuti.

Qodobka Is-dhex-galka ayaa dhigaya in Kooxaha Fanka, dhaqanka, Ciyaartoyga iyo Ganacsatadu isku socon karto, haddii aanay siyaasad ku salaysnayn, laakiin Shacabka reer Somaliland ayaa arrintaasi shaki ka muujiyey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Munaasibad loogu dabbaal-degay 60 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa wuxuu sheegay inay in qodobkaasi aanu ahayn sida loo fahmay.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in maaddaama oo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku socdeen Nidaam ah Laba Dawladood oo siman aanay taasi waxba iska beddelin, sidaasi darteed Kooxaha Ciyaartoyga ah iyo kuwa Fanka iyo Cid kasta oo si Wadar ah u tagaysa Muqdisho ay Soomaaliya u fiisaynayso Baasaaboorka Somaliland.

Madaxweynaha oo ugu horrayn ka hadlaya bilowgii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Shirkii 2012-kii waxa ka soo baxay inaynu wada-hadalno innaga oo laba Dawladood oo siman ah, waana Tallaabadii u horraysay ee Wada-hadalkeenu ku bilaabmay, Wada-hadalkeenu wuxuu ku socdaa laba Dawldadood oo siman, waxaanu ku dhamaanayaa laba Dawladood oo siman, wax ka yarna Cidi soo qaadi mayso.”

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah isku dul-taagay Qodobka Is-dhex-galka ee ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Soomaaliya “Ergayga Is-dhex-galka, heshiiska waxaanu ku soo galnay waxa weeyaan, siyaasadda la iskuma dhex galayo, waxa la yidhi yaan laga hor-imanin wixii aan siyaasadda ahayn ee isku socodka ah, weliba Qows baa la geliyey saddex Qodob, Ciyaaraha, dhaqanka, Ciyaaraha oo ku cusub, Ganacsigu wuu innaga horreeyay oo Dhaqaalaheena iyo Shirkadaheenu way isku mulaaqan yihiin. Isku socodku wuu socdaa oo Dad Soomaaliyeed oo Walaalo ah ayaynu nahay, laakiin Siyaasaddu way reebban tahay, sidii Guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay xeer baa joojiyey oo kuma jirto (Isku socodka), Qofkii iska taga ee siyaasad ka qayb-galaa waa dambiile Qaran. “ ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Is-dhex-galka kale wuxuu ku xidhnaanayaa, Tusaale ahaan Koox kubadda ciyaaraysa ayaa la doonayaa inay tagto Koonfur (Soomaaliya) waa inay tagaan iyagoo Baasaaboorka Somaliland sita oo Dawladda Somaliland dirtay oo Magaca Somaliland ku Ciyaaraya, koox Miyuusigga ah ayaa tagaysa oo Riwaayad dhigaysa waxay ku tagaysaa Baasaaboorka Somaliland, Calanka Somaliland iyo Magaca Somaliland, Qof keligii wuu tagi karaa, Qof Muraad lihi hadduu socdo waa yeelkii, laakiin wixii koox ahi waxay ku tagi karaan Baasaaboorka Somaliland oo Muqdisho ayaa Fiiso siinaysaa oo waa loogu dhuufanayaa, haddii intaa la waayo Cidna tagi mayso, Waayo? is gaadi mayno, iyagu (Soomaaliya) ma ogola inay sidaa yeelaan oo ay Fiise bixiyaan oo waxay inoo arkaan Gobollada Waqooyga, innaguna waxaanu u aragnaa inaynu laba Dawladood nahay, Qof aan Baasaaboorka Somaliland loo fiisaynayna isugu tagi mayno.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu la yaabo Dadka Shakiga ka muujiya Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland “Somaliland, marmar baan la yaabaa Dadka baqda ee yidhaahda ‘waxbaa sidan ah iyo waxbaa sidan ah’. Waxaynu nidhaahnaa xornimadii innaga luntay Lixdankii, Raacdo ayaynu nahay, Ninka Raacdada ahina dhib walba wuu maraa, mana baqdo, shakina ma qabo ee isagaa baadidiisa doonaya, Qolada Geela raadisaa marka socodku dheeraado ee Geelu in badan maqan yahay Saalada Geela ayay taabtaan, Saalo qoyan ayay helaan, dabadeedna iyagoo 7 Cisho Qatanaa oo ordayey ayay yidhaahdaan hadda ayuu dhow yahay, daalkiina wuu ka baxaa, markaa Anigu waxaan qabaa inaynu Maanta Saalo qoyan hayno oo Baadidii aynu doonaynay ay dhawdahay oo meel laga daalo iyo meel laga leexdo midna aynaan joogin, labadana iyagaa (Soomaaliya) ayaa wax la dhuumanaya oo wax aanay lahayn sheeganaya oo inay baqdaan ah ee innagu inaynu baqanaba maaha, Waayo? dhammaanteen gurmad baynu u nahay Xorriyaddeenii luntay lixdankii, waynuna u siman nahay, Nina ku eedayn maayo nin kale.”

Madaxweynuhu wuxuu midnimo ugu baaqay Shacabka reer Somaliland “Waxa inoo ballan ah midnimo, wax wada qabsi, baadi-doon loo midaysan yahay, Qaranka oo la wada ilaaliyo, in la isku dul-qaato, inaynu Mustaqbal ka wanaagsan kan aynu joogno dhawaan gaadhno ayaa inoo ballan ah dhamaanteen.”ayuu yidhi.