“Midnimo Dambe Oo Soomaaliya Ina Dhexmartaa Ma Jirayso..”

0
541

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay qorshaha Wasiiraddiisa ee Tiknooliyadda iyo doorka ay ka qaadatay shaqada Dawladda, muddadii ay fasaxa ku jireen, xilli uu maalmo koobani ka hadheen xayiraad ka qaadista uu sababay xanuunka Covid 19.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay sinaba u dhacayn in midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay in Calanka Somaliland ee tawaxiidku ku qoran yahay in aanu marnaba meesha ka baxayn, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya wada-hadallada “Inaynu Soomaaliya la hadalo, oo aynu xaqeena kala hadalo oo aynu u caddayno inaynu kala nahay laba dal, caalamkana u soo bandhigo inaynu nahay dal madax banaan, waa caadi, qorshe fiicana waynu la tagnay Jabuuti, isla qorshe fiican oo guul lehna weynu kala soo laabanay, mar kasta oo aynu Soomaaliya la hadlayna wax danteena ah ayeynu kala hadlaynaa, sidaas darteed in arintii is dhexgalka ee sida khaldan loo turjumay Madaxweynaha ayaaba dhameeyay oo waa kii ku caddeeyey khudbaddii munaasibadda 26-june, cid kasta oo dalkeena ka tagaysa iyo cid kasta oo dhanka Soomaaliya ka imanaya qodobada ay raacayaan Madaxweynaha ayaaba sheegay, khudbaddii uu Jabuuti ka soo jeediyey Madaxweynuhu wax walba oo dhankeena ah wuu ku caddeeyey, midnimo dambe oo Soomaaliya ina dhexmarta ma jirayso,  astaanta calankeena ee uu ku qoran yahay tawxiidkuna marnaba lagama yaabana inuu dhaco, inuu dhaco iska daaya xittaa lama dejin karo, sidaas darteed Madaxweynuhu dalkiisa iyo dadkiisaba waa u daacad, cid uga lexe-jeclo badana ma jiro”.

Mar uu ka hadlayey Shir ay beri Wasaarradiisu qabsanayso ayaa yidhi “Dabcan Axadda haddii ALLE idmo waxaanu qabanaynaa Shir Online ah oo casriya, Shirkaasi wuxuu si toos ah uga wada qayb galaya Shaqaalaha Wasaaradda ee dhammaan Gobolada kala duwan ee Somaliland, Dawlad ahaana waxaanu rabnaa inaynu la jaanqaadno Caalamka, gaar ahaan waxaynu hiigsanaynaa Wadamada ka horumaray dhinaca Tiknooliyadda, insha allaahna horumarka aynu hiigsanayno weynu gaadhi doonaan, dadaalkeedii iyo qorshaheediina waanu ku jirnaa, dhanka kale waxaynu ku guulaysanay in wakhtigii ay Shaqaalaha Dawladdu fasaxa ahaayeen in iyagoo guryaha jooga in nidaamkan casirga ah ay ku shaqeeynayeen”

Dhanka kale,  wuxuu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay iska ilaaliyaan Xanuunka Covid 19, oo uu Wasiirku ka mid ahaa dadkii uu ku dhacay, waxaanu u ducayeey dadka u dhintay oo uu ugu ducayey jano, dadka xanuunsanayana wuxuu ugu ducayey inuu ALLE caafimaad siiyo.