Nuxurka Khudbadaha Siyaasiyiinta Isbahaysigu Shalay Jeediyeen

0
596

Hargeysa(Geeska)-Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayo bahweynta siyaasiyiintii isbedel-doonka dimuqraadiyaddeed ee KULMIYE oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

1

Siyaasiyiintan oo hormuud u yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, wasiirkii hore ee cadaaladda, wasiirkii hore hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirkii hore ee waxbarashada, wasiirkii hore ee biyaha, wasirkii ku xigeenkii hore ee dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga, wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta, agaasimeyaal, xildhibbaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye u xigeenkii saddexaad ee KULMIYE, Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afraad ee KULMIYE.

Madasha oo ay ka qayb galeen dhawr kun oo qof, ayaa wuxuu xisbiga Waddani ku qaabilay siyaasiyiintan oo ah kuwo miisaan siyaasadeed xisbiga ku soo kordhiyay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay ku soo biireen xisbiga Waddani  “Waxaan leeyahay waxaanu ku raacnay xisbiga Waddani, waa mabaa’dii aanu isla qoranay oonu halkaas ku saxeexnay oo gebi ahaantiin aad ka tihiin goob joog. Waxaan shacbaka leeyahay, waxaanu maanta halkan u nimid inaanu dalka iyo dadka tusno inaanay qabyaalad shaqaynin, inaan la ina kala xidhi karin, waxaanu idin leenahay xorriyadaas idin ka ayuun baa leh.” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo intaas raaciyay “Waxaanu sheegnay inaanu aaminsanahay midnimada, qaranimada iyo Somalilandnimada, meel kastana aanu ka difaacayno dadka Somaliland iyo shacabkiisa. Waxaanu doonaynaa isku duubnaan, wax wada lahaansho, qaybsi meel mara oo dadka reer Somaliland ka bari jooga iyo ka galbeed joogaa iska arko.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Maxamed yidhi, “Waxaanu doonaynaa dawlad dheeli tiran oo dadka wax  ka maqanyihiin gaar ahaan bariga xuquuqdooda la siiyo oo aanay noqon reer keliya, waxaanu doonaynaa inay dhalato dawlad loo dhanyahay oo shacabku iska dhex arko. Waxaanu KULMIYE uga soo baxnay inaanu wax bedelno, oo maskax iyo aqoon ku bedelno oo far hunguri dambe aan umaddan lagu hoggaamin.”

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna halkaas wuxuu ka jeediyay khudbad, iyadoo markii uu madasha soo istaagay lagu boobay Xirsi ubaxyo tiro badan oo qoorta loo sudhay, kuwaas oo ahaa soo dhawayn uu isna ka mahadceliyay, “Waxaanu Waddani u nimid inaanu ku badbaadino waddanka oo aanu ka badbaadino hoggaan xumo,  Dadka Somaliland waxaanu rabnaa inaanu ka saarno qabyaaladdai iyo qoqobnaanta.” ayuu yidhi Xirsi oo sheegay inay doonayaan in la arko umadda Somaliland oo isku duuban oo danaheeda wada jir uga tashata, “Waxaanu doonaynaa dadka reer Somaliand inaanu ka saarno is xulufaygsiiya danaystayaasha, waxaanu rabnaa is garabsiga aragtiyada siyaasadeed ee ku dhisan daryeelka bulsho, walaalnimo oo la isku qiimeeyo wanaaga, kartida iyo aqoonta.” ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi, wuxuu u mahadceliyay madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay inuu la shaqeeyay madaxweyne wanaagsan oo aaminay islamarkaana tababaray, waxaanu yidhi “Waxaan la shaqaynayay madaxweyne wanaagsan oo I aaminay oo I dhisay, madaxweyne aan barbar taagnaa ayaan la shaqaynayay, welina waan jecelahay, Waddani haddaan imid ma necbi. waar madaxweynuhu waa xanjada qaranka isku haysa, waana astaantii qaranka.”

Wuxuu Xirsi ammaanay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo uu ku tilmaamay hoggaamiye dhab ah, waxaanu yidhi “Waxaan ku kalsoonahay inaad ahaydeen xisbi qiime leh, waxaan arkaynay sidii lanoo qiimeynayay, waxaan guddoomiyaha u qirayaa hoggaamiye inuu yahay, waxaan xasuustaa ilaa lix jeer ayuu albaabkayga soo garaacay oo uu muujinayay sida uu noo danaynayo;  saaxiibadayna nin aanu isla taagin aanu ku jirin, nasiib darro xisbigii KULMIYE een ka tirsanaa ninkii murashaxa loo afduubay iskumuu dayin bal inay ku yeelaan ka daba tag, wuxuu islahaa malah waa la soo afduubayaa oo reer hebel ayaa soo afduubaya. “

1. Wasiirkii hore ee hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad siyaasadeed isugu jirtay kaftan iyo duurxul. Sidoo kale dhammaan masuuliyiintii kale eek a tirsanaa isbahaysiga ayaa iyaguna hadalo halkaas ka jeediyay.