Nuxurka Dood Uu Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Gudbiyay Danjire Nicholas Kay

0
570

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay xafiikiisa ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Kay, ayaa wuxuu kula hadlay luuqad dood ah oo uu ku soo bandhigay aragtida Somaliland ee arrimo badan.

sssssssssssss

Kulankaas oo aan loo ogolayn saxaafadda madaxabanaan, ayaa waxa khudbadii uu Madaxweynuhu ka jeediyay warsaxaafadeed ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Xuseen-Deyr, waxaanu yidhi “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Jamciyadda Quruumaha (UN) u qaabilsan dalalka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Nicholas Kay. Danjirahan oo shaqadiisii dhammaatay balse aan weli xilka wareejin, ayaa Booqasho Sagootin ah ugu yimid Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo. Kulankan isaga ah waxa kale oo Madaxweynaha ku wehelinayey M/weyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ugu horraan DanjireNicholas Kay uga mahad-naqay booqashada sagootinta ah ee uu ku yimid Jam. Somaliland, wuxuuna uga garaabay xaaladaha iyo marxaladaha adag ee uu shaqadiisa ku gudanayey muddadii uu hayey xilka haatan laga bedelay. Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu Danjire Nicholas Kay xasuusiyey in bilowgii, markii uu shaqada qabtay, ay jirtay marxalad uu cakirnaa xidhiidhka uu la lahaa Jam. Somaliland, balse markii dambe ay labada dhinac ku guulaysteen inay abuuraan jawi ku dhisan is-fahan iyo ka wada-shaqaynta danaha labada dhinac.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu Danjiraha xilkiisii dhammaaday u sheegay: “In Jam. Somaliland laga bilaabo la soo noqodkii qarannimadeeda (May 1991-kii) ay si toos ah iyo si dadbanba ula shaqaynaysay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Ilaa xilligaana waxa jiray Hay’ado ka tirsan UN-ta oo ka hawl gala dalka Jam. Somaliland, halka ay waqtigan xaadirka jiraan ilaa 20 Hay’adood oo heerar iyo adeegyo kala duwan uga hawl gala Somaliland. Hay’adahani waxay Qaranka Jam. Somaliland ka taageeraaan xagga arrimaha bulshada, dhismaha maamulka dawliga ah iyo kobcinta dhaqalaha taasoo aanu UN-ta ugu hayno mahad-naq weyn.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo; mar uu Nicholas Kay kala hadlayey Nidaamka Dawladnimo iyo qaabka ay ummadda Jam. Somaliland ugu guulaysteen inay dhistaan hannaan Dawli ah, nabadgelyo iyo xasilooni waarta wuxuu Danjiraha u sheegay: “Ummadda Somaliland iyagaa la yimid nabad-iyo-xasilooni- waarta. Iyagoon cidna u daba-fadhiisanin nabadaynta iyo walaalaynta shacabkeedii colaaduhu ka dhex jireen, Jam. Somaliland waxay si buuxda u dhamaystirtay dhammaanba kaabayaasha nabadgelayada ee lagama-maarmaanka u ah jiritaanka Qaran ku dhisan sharci, nidaam iyo kala dambayn. Ummadda Somaliland waxay is-waafajiyeen Hannaanka Dimuqraadiyadda, Dhaqanka iyo Hab-nololeedka bulshadayada, taasoo si dhab ah uga tarjumaysa duruufaha iyo baahiyaha dhabta ah ee jira.”

Dhinaca kale, mar uu Madaxweyne Axmed Maxamed SiilaanyoNicholas Kay kala hadlayey arrimaha nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada caalamka wuxuu Danjiraha u sheegay: “Dawladda iyo Shacabka JSL iyagoon bulshada caalamka weli ka helin aqoonsi iyo ictiraaf buuxa, haddana waxay si buuxda uga soo baxeen masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa dalalka deriska ah iyo guud ahaanba bulshada caalamka. Ummadda JSL waxay la dagaallameen arga-gixisada caalamiga ah, xag-jirnimada, budhcad-badeedda, ka hortagga boobka iyo wasakhaynta badaha, ka hortagga colaadaha, iwm. Ummadda JSL iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaamanyihiin, haddana waxay dadkayagu ku guulaysteen inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida dalkooda. Muran, is-maan-dhaaf siyaasi ah iyo xaalad kasta oo cakiran oo nala soo derista, ummadda JSL waxay dhaqan soo jireen ah u leeyihiin inay kaga gudbaan wada hadal, is-qanci, isu-tanaasul iyo iyagoo mar walba mudnaanta siiya halka ay ku jiraan danaha iyo masaaliixda dadka iyo dalku.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo; mar uu Nicholas Kay kala hadlayey Qarannimada iyo Gooni-isu-taagga Jam. Somalilad iyo wada-hadalladii hakaday ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu Danjiraha si cad ugu sheegay:

“Dadka Somaliland waa ummad iyagu si dhab ah uga tashaday aayahooda iyo masiirkooda ummadnimo oo go’aansaday inay ka baxaan midowgii ay la galeen dalka Soomaaliya 1-dii July 1960-kii, isla markaana ku qancay inay dib ula soo noqdaan madaxbanaanidoodii. Sidaa darteed qarannimada iyo madax-bannaanida JSL maaha mid gor-gortan geli karta. Mudane Danjire, sidaad adiguba ka war qabto Jam. Somalilad kama mid aha, kamana tirsana waxa la yidhaa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dalkayagu kama aha qayb, kumana jiro nidaam kasta oo dawladnimo ama doorasho kasta oo la leeyahay waxay ka dhacaysaa Soomaaliya 2016-ka. Sidoo kale, waanu ka war qabnaa inay jiraan ashkhaas iyagu dhalasho ahaan ku abtirsada Jam. Somaliland oo ku hawlan wada-hadallada iyo arrimaha ka socda Soomaaliya. Waxaan si cad kuugu sheegayaa in ashkhaastaasi aanay haba yaraatee annaga na matalin oo aanay ku hadli karin magaca  dalka, dadka iyo dawladdayada. Ummadda Jam, Somaliland waxa matala oo ka masuula Dawlad iyo Gole Barlamaan ku yimid doorasho xor iyo xalaal ah iyo rabitaanka shacabka, waana iayaga kuwa keliya ee ummaddooda matali karaa.” 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo; mar uu Nicholas Kay kala hadlayey wada-hadalladii hakaday ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu u sheegay: “Jam. Somaliland waxay mar walba u diyaar ahayd, hadeerna diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadaladii noo dhexeeyey Soomaaliya ee soo bilowday 2012-kii. Nasiib darro arrimuhu waxay ka socon waayeen waa xagga Xukuumadda Soomaaliya oo si is-daba-joog ah u baal marta wixii lagu ballamay, iyagoo ujeeddo gaar ah ka leh. Sidaa darteed, waxaan rajaynayaa in UN-tu ay qaadan doonto xilka iyo masuuliyadda ka saaran arrimaha wada hadaladda.”

Gabagebadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu Danjire Nicholas Kay u sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka Madaxweynenimada iyo ta Golaha Wakiillada oo Jam. Somaliland ka dhici doona bisha March 2017-ka. Waxaanu rajaynaynaa in UN-tu doorashooyinkaa ka geysato kaalmo iyo taageero mug leh, oo aad doorashooyinka dalkayagana ugu hagar baxdaan si la mid ah sidaad Soomaaliya ugu heellan tihiin.”