Nuxurka 10-ka Qodob Ee Ay Wadani Iyo UCID Shalay Sida Rasmiga Ah U Kala Saxeexdeen

0
722

Picture1Hargeysa(Geeska)- Labada xisbi mucaarid ah ee UCID iyo Wadani  ayaa  si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ka kooban 10 qodab oo ay si wada jir ah qalinka ugu duugeen labada gudoomiye ee labadaas xisbi Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Heshiiskan ka kooban 10-ka qodab ayaa dhigaaya in labada xisbi mucaarad ay iska kaashadaan mucaaradada iyo sidii xukuumada loogu ilaalin lahaa dastuurka iyo sharciyada dalka,isla markaasna  ay labada xisbi u joojin lahaayeen is duritaanka ay warbaahinta isu soo mariyaan,ayna gudi anshax marin ah oo labada dhinac ka kooban ay anshax marin doonaan siyaasigii labada xisbi ka mid ah ee ku gafa heshiiskan.

Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada gudoomiye ee labadan xisbi mucaarad ee Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa la filayaa inuu soo gunaando mudadii ay jireen  oo ay labadan xisbi ay iska soo hor jeedeen isla markaasna ay warbaahinta isku weerari jireen.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa heshiiskan si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay kuna tilmaamay mid dalka u faa’ido ah. Sida oo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),ayaa isaguna dhankiisa heshiiskan ku tilmaamay mid xisbi ahaan iyo shaqsi ahaanba uu aad ugu faraxsan yahay,isla markaasna muhiimadu leh dalka.

10-ka qodab ee ay ku heshiiyeen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Wadani  

1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid
2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka

3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka.

4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo
5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin.

6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka.

7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah
8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan
9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka
10.In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.