Beesha SUBEER AWAL Oo Mowqif Cad Iska Taagtay Kulankii Axadii Lagu Qabtay Hargeysa

0
510

Hargeysa (Geeska) – Beel-weynta SUBEER AWAL, ayaa Shir ballaadhan oo Salaasadii Shalay ku qabteen Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ku Cadeeyay Mowqifka ay ka taagan tahay Suldaan Toddobaadkan lagu Caleemo Saaray Hargeysa, kaasi oo Cid gaar ahi doonayso inay ku carqaladeyso Saldannada Subeer AWAL oo uu Wakhtigan Hoggaamiyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi.

IMG_0045

Kulankan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 50 ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer ka kooban tahay, oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Boqorro ay Wehelinayeen Hal-doorka Siyaasiyiinta Beesha, Xildhibaannada Golayaasha kala duwan ee Qaranka, Dhallinyaro iyo Waayeel tiro badan, ayaa waxa Beeshu kaga dhawaaqday in Suldaanka Guud ee Beesha Subeer AWAL yahay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, iyagoo sidoo kalena Ceeb ku tilmaamay in Cid Dan gaar ahi lihi isku deydo inay Nusqaamiyaan Hoggaaminta Saldannada SUBEER AWAL.

Madasha Shirkani ka dhacay oo uu fadhiyey Suldaanka Guud ee Subeer AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, ayaa waxa ugu horeyn hadallo ka soo jeediyay Madax-dhaqameed ka socday Beesha Ciise Muuse (Subeer Awal), kuwaasi oo si cadho leh uga hadlay muranka la gelinayo Saldannadda Beesha, waxayna sheegeen inaan Cid gaar ahi Go’aan ka gaadhi karin Saldannadda Subeer Awal, maaddaama oo ay ka dhexeyso Beelo badan.

Suldaan Shariif Batuun oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Arrintii dhacday waxaynu ka leenahay Subxaanallaah, maaddaama oo ay tahay Arrin ku soo booddo ah oo ka duwan Arrimihii aynu iskugu iman jirnay. Saldannada ballaadhan ee Beesha Subeer Awal Ciddii soo hadal qaadeysaa waxay ku soo hadal qaadi kartaa meel Subeer Awal u dhan yahay, waayo? Waa mid aynu wada leenahay, Ciddii gaar u soo hadal qaaddaa wixii laga Xukumaa bay leeyihiin, waa inaynu isku tixgelinayaa, iyadoo lagu kala maqan yahay Cidna gaar uma qaadan karno oo waa wax aynu leenahay Bari iyo ilaa Galbeed. Anigu waxaan Caddeynayaa in halkii Cabdirisaaq uu Suldaan Xasan ugu Wareejiyey Suldaannimada ay u dhamaayeen Salaadiinta kale ee Subeer Awal bari illaa Galbeed, waxaana goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland. Ninkii hadlay wuu iska hadlay..”

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, ayaa isaguna sheegay, “Hadh-cad buu Cabdirisaaq noogu yeedhay Hargeysa oo uu yidhi ka warama Xasan baan ku wareejiyey Suldaannimadiiye, waanu Baarignay Annaguna. Saldannadan Nin malaha, taajirna malaha, Qabiil gaar ahina malaha ee waa Saldannadii Subeer Awal, haddii wax la beddelayo annaga ayuun bay naga imanaysaa, Arrin Siyaasadeed maaha ee waa Arrin dhaqan, markay dhaqan tahayna waa in marka hawl jirto loo yeedho wixii dhaqan ah ee Magaca Subeer Awal sita, Maantana Saldannada Xasan baa inoo jooga, markaa in la soo hadal qaado Maaha..”ayuu yidhi.

Suldaan Xasan Hobo-hobbo oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Ciise Muuse, ayaa isaguna Madashaa ka sheegay, “Annagu waanu barbar taaganahay Saldannada Subeer Awal, Xilka Subeer Awalna wuxuu dusha ka saaran yahay Suldaan Xasan, Ceel-garde iyo halkii kale ee Subeer Awal leeyahay Cidna uga Habran mayno. Annaga wixii Salaadiin ahaan la noo doortay waanu uga dambeynaynaa Suldaan Xasan, Dawlad iyo Siyaasi midna uga dambeyn mayno, Innagana ILAAHAY Tawfiiqdeenna ha hagaajiyo. Beesha Subeer Awal Suldaan Guud bay leedahay oo muran kama taagna, waana Suldaan Xasan, Siyaasadna ma geyo, Cidda siyaasadeysaana waa Dad is-ceebbeeyay.”ayuu yidhi.

Suldaan Ismaaciil Cali Barkhad, ayaa isaguna sheegay in Ciddii ka shaqeysay Suldaankii la sheegay in Hargeysa lagu Caleemo-saaray ay burburinayo Saldannadda Subeer AWAL, laakiin aanay waxba yeeli karin, “Ciddii Arrinkaa keentay waa dhaqan burburin, wax meesha yaalla oo la caqbalayana Maaha, Saldannada Subeer Awalna waa Soo jireen, waxaana Suldaanka la beddeli kara Geeri, Ciddii lahayd baana beddeli kara. Falkani waa Arrin Soomaali oo dhan ku cusub oo Isaaq ku cusub, laakiin Cidda Suldaan Xasan ku faro-gelisay Hoggaaminta Dhaqan ee Subeer Awal derajo ayay u kordhiyeen.”ayuu yidhi.

Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-Madow), oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Beesha Subeer AWAL, ayaa sheegay in Tirada Dadka iskugu yimid kulanka lagu Caddeeyay Mowqifka Beesha Subeer AWAL ee Suldaanka Hargeysa lagu Caleemo muujinayso in laga soo horjeedo Ninkaa la Caleemo Saaray, waxaanu yidhi, “Innagu la murmi mayno Cidda Subeer Awal muransiinaysa, Saldannada Subeer Awal halkii ILAAHAY dhigay bay taallaa. Waxaan leeyahay Ilaa Xalay (Habeen hore) ayaa Gaadiidku isa soo daba socday Waddooyinka Burco, Berbera iyo Galbeedka, Madasha aanu joogno Dadka fadhiya tiradooda waad arkaysaan, waxaan leeyahay qudhaanjooy ku quuso.”

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye oo lagu Casuumay kulankan, ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Faca-weyn ee Saldannadda Subeer AWAL, “Saldannada Subeer Awal waxay ka mid tahay Saldannadaha ugu faca weyn Saldanadaha Soomaalida, gaar ahaana Somaliland waa Saldannada labaad. Saldannada Subeer Awal maaha Saldannad Suldaan u ah Subeer Awal oo keliya ee waxay Saldannad u tahay Soomaalida oo dhan, waxaanu leenahay Saldannadani maaha Saldannad la taaban karo, waa Saldannad Sharaf iyo Cissi ILAAHAY siiyey. Saldannada Subeer Awal waa Saldannada ay Saldannadaha kale ee Dalkani ku hoos jireen, markaa u ogolaan mayno Cid ehelkeeda ah iyo Cid ka fog midna inay fara-fareyso, in Cid sharafteeda wax u dhintana lama ogola, ILAAHAYNA Raali ka noqon maayo.”ayuu yidhi, Suldaan Naasir.

Mujaahid Ibraahim Xuseen Cabdillaahi (Dhaga-weyne), oo ka mid ahaa Hal-doorka Madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Wixii dhacay maaha wax Beesha Subeer Awal ku tashatay, maaha wax dhaqankeenna ahaa, intaas oo Sannadood bay soo jirtay Saldannada Subeer Awal waana lama taabtaan, ceebbaa ILAAHAY la damcay wixii waxaa ka shaqeeyay, wayna dhaceen isma ogee. Dadka halkaa iskugu yimidna waa Markhaati ILAAHAY isku soo ururiyey oo waxay ka jawaabayaan wixii dhacay..sidaas ayaan Cidna ugu dhawaan karin Saldannada Subeer Awal, Ceebna waxay la taallaa Ninka Shirkan ka maqan.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Suldaanka Subeer AWAL uu ka dhexeeyo Ummadda, sidaa daraadeed aan la siyaasadeyn karin, “Suldaankaasi Ummad buu ka dhexeeyaa, Ummaddaa uu ku dhexeeya ee Subeer Awal ayuun baa leh Go’aanka, Beel gaar ahi malaha, Qoys malaha, Nin kale oo wax doonayaana malaha. Waxaan Suldaan Xasan ugu duceynayaa in ILAAHAY gargaaro oo uu hawshiisa sii wato oo aanu dhagna u dhigin waxaa xumaanta wada, waayo? Ma geyo..”ayuu yidhi.

Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa isaguna yidhi, “Saldannada Subeer Awal Cidna Xagtin yar gaadhsiin kartaa ma jirto”

Gabogabadii Kulankan, waxa hadal kooban oo Duco iyo Mahad-naq ah ka jeediyay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waxaanu yidhi, “Waxaan u Mahad-naqayaa Dadka Subeer Awal iyo Xulafadooda Maanta (Shalay) muujiyey Hiilka intaas leeg iyo Taageerada, Sharafta iyo Cissiga ay u hayaan Saldannada iyo Taashkooda laba taabtaanka ah. Waxaan u Mahad-naqayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo Siyaasiyiinta Subeer Awal ee hadlay. Dhagax weliba halkii la dhigay ayuu yaallaa, Saldannada Subeer Awal way Abtirsatay, Xeer bay leedahay, xeerkeeda waxa Saldhig u ah inay Wiil iyo Walaal ba wada qaado.”

Suldaanku wuxuu sheegay in Cid kasta oo shaqeysay Suldaanka la daba wado ee Hargeysa lagu caleemo Saaray ay is-gawracday isla-markaana aanay Saaxadda ku raageyn, “Waxaan duco idiinku guntayaa dad iyo duunyaba in ILAAHAY idin barakeeyo, Nusqaantaa Ciddii keentay Maanta way is gowracday, Cid kasta oo Arrinkaa ka shaqeyseyna Saaxaddana way ka baxaysaa.”ayuu yidhi.