Nin Wejigiisa Ugu Deeqay Muwaadin Dab- Damiska Ka Shaqayn Jiray Oo Wejiga Ka Gubtay

0
516

Picture11New York (Geeska)- Qalniin lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee weji qof loogu beerayey ayaa ay dhakhaatiirta cisbitaalka Rodibog ee magaalada New York ku shaaciyeen in ay ku guulaysteen in 41 jir ah ay ka beddeleen wejigiisii hore oo googo’ay kuna beereen weji cusub.

Ninkan wejiga loo beeray oo lagu magacaabo Patrick Hardison ayaa sannadkii 2001dii mar uu hawl badbaadin dab-damis ka qayb galay waxa uu si weyn uga gubtay wejiga waxaana soo gaadhay dhaawac googooyey wejiga gebi ahaan muuqaalkiina beddelay.

Warmurtiyeed ka soo baxay xaruntan caafimaad ayaa lagu sheegay in dhakhaatiirtu ay qalniin socday 26 saacadood oo shaqo aan kala joogsi lahayn ah kadib ay ku guulaysteen in qaybo badan ay ka beddelaan wejiga Hardison  ee gubtay, waxaana ka mid ah sanka, labada dhegood, gadhka iyo labada dhaban.

Professor Eduardo Rodriguez oo ka tirsan cisbitaalka ayaa sheegay in

 

 

qalniinkan laga faa’iday waayo-aragnimo cusub  oo u faa’ido ah qalniinnada wejiga lagu beddelayo, marka loo eego baaxadda neerfayaasha iyo xididdada muhiimka ah ee la rarayeyna uu noqonayo qalniinkii ugu weynaa ee sidan loogu guulaysto.

Ninkan wejiga laga beddelay ayaa lagu xidhay weji uu ku deeqay ciyaaryahan tartanka baaskiilka caan ku ah oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo shil baaskiil oo uu galay kadib intii aanu dhiman ku dardaarmay in wejigiisa iyo xubnihiisa kalaba dadka u baahan loogu deeqo, nasiib wanaagna waxaa wejigii nasiib u yeeshay Patrick oo baahi weyn u qabay. Patrick in ka badan 70 qalniin oo wejiga ah ayaa uu galay intii ka dambaysay gubashadiisa, tan u dambaysay ee wejiga cusub lagu xidhay ayuun baana ay dhakhaatiirtu u aqoonsadeen in uu yahay kii saxda ahaa eek u habboonaa maadaama oo wejiga meelihii dhaawacu ka gaadhay ee awal la karkarayey hadda la beddelay