Is-diiddooyinka aragtida reer galbeedka ee xorriyadda hadalka
Waxa keliya ee sawirgacmeedyadan aflagaadada ahi caddaynayaan waa ceeryaanta awalba inoo muuqatay ee ku gedaaman nooca ay tahay xorriyadda ay ku andacoodaan, dunidana ugu baaqaan. Dhinaca kalana waa hal dersi oo aynu ka baranayno sida uu damiirkii xalnaa dunidan uga guuray.
Waxaa laga yaabaa in ruux aan dhugmo fog u yeelan sida wax u socdaan, dhacdadan maantana aan la akhriyin kuwii ka horreeyey uu si fudud isaga rumaysto in furfurnaanta bulsho, xorriyadda warbaahinta, hadalka iyo fikirku ay yihiin mabaadii’ reer galbeedku si cilmiyeysan uga soo shaqeeyeen oo ay naftooda iyo ummadaha ay ugu baaqayaanba ku wanaajinayaan. Amaba in aamusnaanta reer galbeedka ee ku aaddan wargeysyada aflagaadada Nebi Muxammed (SCW) faafinayaa ay ula muuqato in ay tahay xorriyad dhowris, iyo in ay dalalkoodu ku dhaqmaan nidaam xor ka dhigaya diimaha oo dhan, dadkana afkooda aan ood saari karin. In taasi ay bar-kuma-taal tahay caddaynteeda waxaa inagaga filan sida ay hoggaamiyeyaashooda ka aamusan ama uba siddiiqaya aflagaadada ay warbaahintoodu kula kacayso diinta dad tiradooda ka badan tahay boqollaal Milyan oo ruux (Islaamka), ay miciyo libaax ula soo baxaan haddii wax dacaayad u eeg laga qoro diinta dad tiradoodu aanay ka badnayn Toban Milyan oo ruux oo keliya (Yuhuudda), markaasuu afarta jiho ee dunidaba isaga yeedhaa buun dhiillo sida oo ka digaya in Yuhuud nacayb la maqlay. Aynu tusaale ku kaabno warkeenna;
– Dowladda Ingiriiska oo diiddan xorriyadda ay warbaahintu u leedahay in ay faafiso wararka xaqiiqada ah ayaa dagaal adag ku qaadday wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalkaas, waxa aanay ku qasabtay in uu burburiyo kombiyuutarro uu wargeysku ku kaydin jiray dhukumantiyada sirta culus ah ee uu fashiliyey Edward Snowden oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka, laakiin markii dambe go’aansaday in uu sirta fashiliyo. Sirtan oo aan ahayn ribayn iyo been ee ahayd hadallo iyo qoraallo run ah ayaa si loo hubiyo in la tirtiray, Kombiyuutarrada burburintooda waxaa si toos ah u maamulayey tifaftirayaasha wargeyska waxaana goobjoog ka ahaa sarkaal sirdoon oo ka wakiil ahaa dowladda Ingiriiska. Hadda u fiirso, dowladdu ma’ay hor-istaagin in wargeysku qoraalladaas faafiyo oo keliya balse xitaa waxa ay ka taxaddartay in wargeysku uu qoraalladaas sirta ah kaydkiisa ku haysto.
Buug uu muddo kadib dhacdadan ka qoray warfidiyeen ka tirsan wargeyska The Guardian ayaa uu ku sheegay in wargeyska the Guardian uu go’aankan burburinta kombiyuutarrada qaatay kadib markii ay xukuumadda Ingiriisku si cad ugu hanjabtay in haddii aanay sidaa yeelin ay maxkamad horgeyn doonto. Xoghayaha golaha wasiirrada Ingiriiska Jeremy Heywood oo ah masuuliyiinta dowladda ee aan la dooran ninka ugu darajada sarreeya dalkaas ayaa si toos ah tifaftiraha wargeyska The Guardian ugu hanjabay in uu joojiyo isla markaana tirtiro dhukumantiyadaa sirta ah ee uu Snowden ka helay. “Sidan (In aad joojisaan) axsaan ayaa aynu ku samayn karnaa, haddii kale sharciga ayaanu idin horgeyn doonnaa… Dad badan oo xukuumadda ka tirsan ayaana aaminsan in ay waajib tahay in la idinka xidho wargeyska” ayaa uu Jeremy ugu hanjabay tifaftire Alan Rusbridger, waxaana yaab leh in marka uu sidan leeyahay uu awood ka haystay raysalwasaare David Cameron oo la sheegay in uu isagu si shakhsi ah ninkan u soo diray. Maalmo yar kadib ayaa haddana Oliver Robbins oo ah ku-xigeenka la taliyaha amniga ee raysalwasaaraha Ingiriisku waxa uu si toos ah ugu hanjabay wargeyska The Guardian oo uu ku xigeenka tifaftirihiisa ku yidhi, “Haddii aydaan iska soo celin dhukumantiyadaas, dad kale ayaanu arrinkiina kala hadli doonnaa isla caawaba” markii Robbin la weydiiyey in hadalkaas uu uga jeedo in ay xidhi doonana wargeyskan haddii aanu sida ay doonayaan yeelinna, waxa uu ku jawaabay, “Waaba waxa aan leeyahay” [Tixraac: The Guardian, 31 January 2014]
Is burintiisana: Raysalwasaaraha Ingiriisku haddii uu shalay warbaahinta dalkiisa ugu hanjabayey in uu xidhi doono haddii ay burburin waayaan kombiyuutarradooda ay ku kaydsan yihiin dhukumantiyadaasi ama ay faafiyaan, laakiin 18kii Bishan Jeenawri 2015ka, kii hore ma’uu ahayn, mar uu la hadlayey barnaamijka Face the nationa ee talefishanka CBS oo laga leeyahay dalka Maraykanka waxa uu ka hor yimid fikirka wadaadka ugu sarreeya kaniisadda Kaatoliga oo isagu hore u naqdiyey sawirrada nebi Maxamed lagu aflagaadaynayo ee wargeyska Charlie Hebdo uu faafiyey. Isaga oo iska dhigaya nin xuquuq la diiddan yahay difaacaya ayaa uu si kibir leh Cameron u yidhi, “Waa in aynu aqbalnaa in wargeysyada iyo majalladuhu ay daabici karaan wax dad/qof kale weerar ku ah, balse aan xuduudka sharciga ka baxsanayn” taas oo uu ku muujinayo in sawirrada nebi Muxammed (SCW) lagu aflagaadaynayaa ay dad (Muslimiinta) ka cadhaysiinayaan laakiin sharciga xorriyadda hadalka aanay ka hor imanayn, waxa aanu hadalkiisa ku sii daray, “Aniga ka siyaasi ahaan, shaqadaydu ma’aha in aan wargeysyada u sheego waxa ay tahay in ay daabacaan iyo waxa ay tahay in aanay daabicin”
– Hoggaamiyeyaaha reer galbeedka ee jecel xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahintu waxa ay mar kasta mawqif aad u adag iska taagaan warbaahinta dunida saddexaad, gaar ahaan dunida muslimka ee ku dhiirrada in ay baahiyaan wararka caadiga ah ee ay ka soo xigtaan hoggaamiyeyaasha islaamiyiinta iyo falalka ay ku kacaan kooxaha ay ugu yeedhaan argagaxisada. Tusaale kooban aynu u soo qaadanno mawqifka ay iska taageen siyaasadda warbaahineed ee talefishanka caanka ah ee Aljazeera oo xaruntiisu tahay dalka Qatar: La Soco