Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay gebo-gebo ku dhowyihiin natiijooyinka degmooyinka doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, ayaa waxa shalay ilaa xalay lagu dhawaaqay natiijada magaalooyinka Burco ee gobalka Togdheer iyo Gabiley ee gobalka Maroodi-jeex.
Burco
Guddiga doorashada ee degmada Burco ee gobalka Togdheer ayaa barqadii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada ee degmadaas iyo sida ay ururada siyaasadu u kala heleen, waxaanay shaaciyeen magacyada murashixiinta ku guulaysatay golaha deegaanka degmada Burco, waxaanay kala yihiin:
Ururka UMMADDA oo helay 18,380,000 oo u dhiganta saddex xildhibaan oo kala ah Muxumed Xasan Jaamac ( Xoday), Rashiid Faarax Gacanlaw,Farxaan Cabdi aw Xirsi
Xisbiga UCID oo helay 7542,000 oo u dhiganta 1 xildhibaan oo ah C/Risaaq Xuseen Faarax Janaale.
Ururka Xaqsoor oo helay 4171,000 oo u dhiganta 1 Xildhibaan oo ah Kayse Cabdi Raage
Xisbiga Kulmiye oo helay 42363,000 oo u dhiganta 7 Xildhibaan oo kala ah Nuux Maxamed Xuseen, Ibrahim Jamac Basaale (Gaboobe),C/Raxmaan Xasan Nuur,Maxamed Axmed Xasan (Diingool), Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi), Axmed Cabdi Dhinbiil, C/Risaaq Muxumed Jamac Aar.
Ururka RAYS oo helay 24577 ,000 oo u dhiganta 4 Xildhibaan oo kala ah Khadar Nuux Siciid,
Siciid Axmed Maxamed Raage, Maxamed Yuusuf Cabdi, Max’ed Aadan Cali
Ururka DALSAN oo helay 2093 ,000 balse kuma guulaysan inuu kursi helo.
Ururka WADDANI oo helay 29461,000 oo u dhiganta 5 xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Cali, Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab), C/Risaaq Xuseen Obsiye, C/Kariin Maxamuud Cabdilaahi, Xirsi Jaamac Cabdi
Gabiley
Guddiga doorashada Gabiley ayaa iyaguna ku dhawaaqay natiijada degmadaas ee doorashadii golaha deegaanka. Natiijadan waxay asxaabta siyaasaddu 21-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Gabiley u kala heleen sidan:-
1)-KULMIYE, waxa uu helay 7 Kursi.
2)-WADDANI waxa uu helay 4 Kursi.
3)-UCID waxa uu helay 4 kursi
4)-RAYS, waxa uu helay 2 Kursi.
5)- DALSAN waxa uu helay 2 kursi.
6)-XAQSOOR waxa uu helay 1 kursi
7)- UMMADDA, Waxa uu helay 1 kursi.
waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada 21-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Gabiley
Kulmiye
1- C/Qaadir Maxamed Faarax
2- Cabdi Ciidle Cali
3- Cibaado Maax Cilmi
4- Shucayb Maxamed Muuse
5- Cali Maxamed Sh,. Saleebaan
6- Max’ed Amiin Cali ALaalle
7- Dr. Axmed Cali Maxamed
UCID
1- Cumar Cali Obsiiye
2- Maxamed-amiin Cumar Cabdi
3- Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal
4- Mahdi Maxamed Xaashi
WADDANI
1- Xasan Axmed Maxamed
2- Cali Maxamuud ismaaciil
3- Iid Xasan Cabdi
4- C/Casiis Cabdilaahi ismaacii
DALSAN
1- Cali Axmed Yuusuf
2- Mustafe Sayid Abokor
RAYS
1- C/Samad Sh. Aadan Ammiin
2- Axmed Siciid Kibaar
XAQSOOR
1- Nimco Axmed Cabdi
UMMADDA
1- Cabdi Yuusuf Daahir