Wasiirka Caafimaadka Oo Furay Shir Lagu Gorfaynayo Siyaasada Fayo-Dhowkra Qaranka

0
584

 

xigHargaysa ( Geeska )-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xoog) ayaa magaalada Hargaysa ka furay Shir lagu gorfaynaayo Siyaasadda Fayo-dhawrka Qaranka. Waxaana shirkan taageeraysa hay’adda caalamiga ah ee Caritas.

 

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Wasaarada Caafimaadka waxa  ka qayb galay Hay’adda Caritas, Who, Wasaaradaha Waxbarashada, Deegaanka, Hawl wadeenada Caafimaadka ee Gobollada iyo Ururada Wadaniga ah.

Shirkan lagu gorfaynaayo siyaasada fayo dhawrka ee qaranka ayaa ah mid ay wasaarada caafimaadka ka taageerayso hay’ada Caritas, waxaana la damacsan yahay in shirkan ay ka soo baxdo siyaasad lagu hago fayo dhawrka  qaranka, iyada oo wakhtigan ay guud ahaan dalka ka jiraan fayo dhawr xumo iyo waliba dhibaatooyin waxyaabaha ay isticmaalayaan dadku ka soo gaadhay deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay hay’addaha gacanta ka gaystay qabsoomida shirkan oo ahmiyad balaadhan u leh sidii loo heli lahaa Siyaasad qaran oo ku wajahan Fayo-dhawrka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee  Dr. Xuseen Muxumed Maxamud (Xoog) ayaa ka waramay baahida loo qabo sidii loo heli lahaa siyaasad heer qaran ah oo si dhab ah uga turjunta fayo-dhawrka, isla markaana ay bulshadu ku gaadhi karto horumar, Wasiirku waxa uu u mahadceliyay hay’adda Caritas oo Wasaaradda Caafimaadka gacan ka siisay dejinta siyaasadda lagu hago fayo-dhawrka bulshada.Wasiirka Caafimaadku waxa uu kula dardaarmay xubnaha kulankan ka qayb-qaadanayay sidii ay u soo saari lahaayeen fikrado wax ka tara Siyaasadda qaran ee fayo-dhawrka.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagaga midho dhaliyo siyaasada fayo dhawrka qaranka, taas oo lagaga hortagaayo dhibaatoyinka caafimaad daro iyo waliba kuwa deegaan, waxanay sahlaysaa in hay’adaha kala duwan ee dalka ka hawlgala iyo xukuumadaba la mideeyo hawlgaladooda ku waajahan fayo dharka.