Xogtii Cod Bixiyayaasha Degmada Axmed Dhagax Oo Laga Waayay Koombiyuutarka Iyo Jawaabta Guddiga Doorashooyinka

1
714

 

doorashoaHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in la xaliyay khalad ku yimid xogtii la geliyay Koombiyuutarka lagu ururinayo xogta cod bixiyayaaha degmada Hargeysa ee koomishanka doorashooyinka.

 

Gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu war helay in xogtii cod bixiyayaasha degmada Axmed Dhagax ee maalmihii u dambeeyay lagu ururinayay Koombiyuutarka aanay ku jirin, taas oo guux badan gelisay bulshada magaalada Hargeysa, waxaanay guddiga doorashooyinku kulan deg deg ah isugu yeedheen ururada iyo xisbiyada doorashada ka qayb galayay si loogu wargeliyo khaladka dhacay.

Guddoomiye xigeenka guddiga doorashooyinka Md. Cali Khadar (Cali-Kubad), ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xal laga gaadhay khaladkaas dhacay oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid farsamo oo aan wax saamayn ah ku yeelan Karin natiijada doorashada ee degmada Hargeysa, waxaanu intaas raaciyay in dib loo hawlgeliyay muraaqibiintii ururada siyaasadda goob-jooga uga ahaa tirinta codadka degmada Hargeysa ee ka socotay xaruntga guddiga doroashada si ay mar labaad goob joog uga noqdaan dib u tirinta codadka degmada Axmed Dhagax ee xogtoodii laga waayay Koombiyuutarka. “Shacabka war khaldan ayaa la geliyay, waxase aan cadaynayaa in guddiga doorashadu ay Kitaab ku dhaarteen oo aanay shacabkooda dulmiyayn, markaas khaladkaas waa la saxay, waxaana hadda [xalay] loo fadhiyaa in Koombiyuutarka dib loogu xareeyo. Mar kale waxaan cadaynayaa in waxa dhacay aanu ahayn wax weyn oo natiijada doorashada waxyeeli kara.” Ayuu yidhi guddoomiye xigeenka guddiga doorashadu, oo intaas raaciyay inay bulshadu is dejiso.

Warkan ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay si weyn loogu hadal hayay goobaha lagu kulmo ee ay bulshadu isugu timaado, iyadoo su’aalo la iska weydiinayay sababta keentay in komishanka doorashooyinku aanay khalad noocan oo kale ah hore uga sii diyaar garoobin, maadaama oo ay suurtogal tahay in xogta Koombiyuutarka lagu hayo lagu xafido xog kaydiye labaad oo la isticmaalo haddii khalad ku yimaado mid ka mid ah kombiyuutarada xogaha lagu ururiyo.

Comments are closed.