Nafaqaynta Ilmaha Iyo Nooca Cunto Ee Saddexda Sano Ee U Horreeya Noloshiisu Waxa Ay Saamayn Ku Leedahay Waxbarashadiisa Iyo Fariidnimadiisa Dambe

0
574

8Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in nidaamka nafaqaynta ee ilmaha, iyo cuntada maalinlaha ah ee uu cunayaa ay si weyn raad ugu yeelato heerkiisa waxbarasho iyo guud ahaan garaadkiisa ama fariidnimadiisa. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu waliidiinta kula taliyeen in ay u dhugmo yeeshaan nafaqaynta ubadkooda, ka hor inta aanay u dirin waxbarashada, si maskaxda ilmuhu waxbarashada ugu diyaar ahaato heerkiisa waxbarashana u fiicnaado.

Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa iyaduna muujisay in nooca cuntada iyo nidaamka nafaqo ee carruurtu uu saamayn ku leeyahay heerka fariidnimada ilmaha. Cilmibaadhistan dambe oo ka soo baxday jaamacad ku taalla dalka Finland, natiijadeedana uu baahiyey wargeyska Daily Mail ayaa sheegaysa in ilmaha saddexda sano ee noloshiisa ugu horeeya cunto barashada kadib, la siiyo khudradda noocyadeeda kala duwan, kalluunka iyo cuntada firiga ah (Waddanigeenna oo kale), isla markaana laga ilaaliyo hilibka badan ee xoolaha, cuntooyinka sonkorta bada, iyo noocyada dufanka keena Kalastaroolka, sannadaha dambe ee cimrigiisa lagu arko fariidimo muuqata, marka la barbar dhigo carruurta la da’da ah, ee aan cuntooyinkan la siin ama ay ku yaraayeen.

Cilmibaadhistu waxa ay sheetay in cuntada caafimaadka qabtaa ay saamayn toos ah ku leedahay maskaxda. Cilmibaadhistu waxa ay tijaabo shaybaadh ku samaysay 161 carruur ah, oo da’doodu u dhexeyso Lix illaa Siddeed sano, sidoo kalana heerka waxbarashadoodu uu u dhexeeyey saddexda darajo ee fasalka ugu sarreeya, waxa aana la isku xidhay heerkooda waxbarasho iyo nidaamkooda nafaqo qaadasho ee saddexdii sano ee ugu horreeyey noloshooda, taas oo aakhirkii keentay natiijadan.

Daraasaddan uu wargeyskan Geeska Afrika natiijadeeda Afsoomaaliga u rogay ayaa hoosta ka xariiqday in tijaabooyinka la sameeyey ay caddaynayaan in carruurta la siiyo cuntooyinka aynu kor ku soo xusnay ay darajooyin sare ka galaan waxbarashada, si gaar ahna ugu fiican yihii wax-akhriska.

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in nimdaaka nafaqo ee qofku uu saamayn ku leeyahay xaaladdiisa nololeed ee noloshiisa oo dhan, waxa aana jira tobannaan cilmibaadhisoodoo muujinaya saamaynta uu nidaamka nafaqo iyo nooca cunto ay si toos ah u saamayn togan ama taban ugu yeeshaan caafimaadkagudu ee qofka, laakiin tani waa daraasaddii ugu horreysay ee si toos ah isugu xidha cuntada ilmaha la siinayo saddexda sano ee cimrigiisa ugu horreeya iyo heerka fariidnimadiisa iyo weliba darajada uu ka noqonayo waxbarashada.