Naadh-Qaad:- Gabay Waano iyo Dardaaran Ah Oo Uu Tiriyay Abwaan Aadan Tarabi

0
7423

 

Picture1Gabaygan waanada iyo wax-sheega ah ee uu  magaciisu yahay Naadh-qaad, waxaa curiyey abwaan Aadan Tarabi Jaamac. Waxaanu Abwaanku gabaygan kaga hadlaya xaaladda maanta taagan ee dalka. Abwaanku wuxuu waano iyo dardaaran u dirayaa shacabka Somaliland, waxaanu ku bilaabay:

 

Indhoweyd nayaayil gabay;

Niyadda hawraar ma gelin;

Murtida annigow nastee;

Naxwihii igamaanu tegin;

Caawana nabaradda culculus;

Ee aan laysaga tudhayn;

Nacabka kugu wiirsadiyo;

Naxligan kaa hanqadhee;

Narsigu waxuu saran yahay;

Najiido la wada hadliyo;

Naruuradu waa heshiis;

Nayruush maraan eegay xalay;

Agaali-caanodiyo dirirko ku naban;

Haduu naaf-madooba galo;

Koxdin naas-gaal martiyo;

Naar-qaad buu sheegayaa;

Haduu godan-liisaane galo;

Gu’guna raqo-naaska furo;

Dayrtuna nuux-nuuxsatoo;

Mareego-dheer lagu negyahay;

Nimcadaa lagu alla baryaa;

Nabsigu wuu aar-gutaa;

Nasiibka waa lagu samara;

Ilaahay u soo noqdoo;

Nebiga (CSW) ha lagu saliyo.

Inshaaray leeyahiin;

Dadkaa nuurka idin sudhee;

Inkaar haka galabsanina;

Sirtooda ha qaawinina;

Hadaad is-wada nacdaan;

Uur-xumaa lagu naar-galaa;

Nolosha isku saamaxoo;

Ilaahay u soo noqdoo;

Nebiga (CSW) ha lagu saliyo.

Nitaaqada buun-buunintiyo;

Nuxnuxdaa na daashatoo;

Werwer baad nagu disheen;

Mashaqo waan soo marnee;

Ka waantooba murankanoo;

Muraad nin u gaara iyo;

Waxaan macno sii lahayn;

Nabiibiye waa iblays;

Sheydaan nacdal baa ku taal;

Ilaahay u soo noqdoo

Nebiga (CSW) ha lagu saliyo.

Naftuna nolol bay rabtaa;

Noloshu nabad bay rabtaa;

Nabadu caddaalladiyo;

Sinaan, midnimmay rabtaa;

Hadaan waanadaa la maqal;

Wacdiga u dhego-nuglaan;

Abwaan gudban uur-galoo;

Ifkana il-cas soo naq baxoo;

Ahay bayaxow nashiree;

Waxaan nidar eebo maray;

Inaad dib ka qoomayn;

Ilaahay u soo noqdoo;

Nebiga (CSW) ha lagu saliyo.