Khubaro Sancaysay Nin-La-Mood Ku Kacay Lacag Dhan Hal Milyan Oo Doolar

0
478

 

 

Picture2Washington (Geeska)- Sannadihii Toddobaatanaadkii qarnigii hore waxaa dunida oo dhan aad looga xiiseeyey taxane Maraykan ahaa (Musalsal) oo lagu magacaabi jiray Ninkii Lixda Milyan ahaa (The Six Million Dollar Man) oo uu jilaaga weyn ee Lee Majors ku metelayey magaca Steve Austin. Qisada filimku waxa ay u socotaa Austin oo ay soo gaadheen dhaawacyo waaweyn oo uu ku waayey waaxyo jidhkiisa ka mid ah, kadib markii uu la burburay dayax-gacmeed uu saarnaa. Austin dhakhtar casriya ayaa la geynayaa oo waxaa lagu rakibayaa laba gacmood, laba lugood iyo weliba il dhammaantood samays ah hawshaas oo ku kacaysa lacag dhan lix milyan oo doolar, waana magaca uu filimku sito.

Haddaba xilligaa filimku socday cidina ma’ay filayn in run noqon doonto in cilmigu uu sanceeyo xubno dad oo aan aad loga garan kuwa abuurka ah, waase ay dhacday. Koox saynisyahanno ah ayaa ku guulaystay in ay sanceeyaan qof leh waaxyo iyo xubno samays ah oo lacagta lagu sameeyey ay gaadhayso hal milyan oo doolar. Aadame-u-ekahan oo ay saynisyahannadu ugu magac dareen Rex oo ah erey asalkiisu Latin yahay oo macnihiisu noqonayo boqorka, waxa loo sameeyey xubno iyo waaxyo aad loogu ekeysiiyey kuwa dadka oo loo adeegsaday qalabka iyo cilmiga ugu casrisan dunida tiknoolajiyadda. Samayska aadame-u-ekahani waxa uu khubaro badan ku dhaliyey fikirka ah in hadda kadib dadka xubnahooda waayo loo farsamayn karo kuwo samays ah oo aan aad looga garan jidhkooda kale, sida hadda jirta. Rex waa nin, waxa uu leeyahay weji keenna loo ekeysiiyey iyo laba gacmood oo dhaqaaqaya, waxaa la baray in uu xidhan karo muraayadda indhaha oo ah mid isaga si gaar ah loogu talogalay oo u ah indhaha uu wax ku arkayo, muraayaddan waxaa ku samaysan qalab sida kamaradda  ah oo marka uu shay arko ishaarooyin u diraya maskaxda aadame-u-ekahan, oo sidoo kalana leh wadne baytari ku shaqaynaya, iyo sambab.

Rex waxaa curiyey Hugh Herr  oo ah bare jaamacadeed oo u lugo beelay cudur lagu magacaabo Frostbite oo barafka badan ka dhasha.