Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Natiijada Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ee Kenya

0
775

“Waxaan doonayaa inaan Somaliland ku hambalyeeyo guusha weyn ee ay ka gaadhay Kenya…” Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Taiwan ayaa guul ku tilmaantay heshiiska Somaliland iyo Kenya ku kala saxeexdeen Magaalada Nairobi, ka dib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tagay Safar qaatay saddex Maalmood.

Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland Lou Chen-hwa oo hadal ka jeediyey Munaasibad Dawladdiisu kaga dhawaaqday Deeq Waxbarasho oo Ardayda Somaliland ku tagayaan Taiwan ayaa sheegay inuu Hambalyo u dirayo Somaliland oo uu sheegay inay guul ka gaadhay safarkii Madaxweynaha ee Kenya.

Lou Chen-hwa  oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan Somaliland ku hambalyeeyo guusha weyn ee ay ka gaadhay Kenya, waxayna Calaamad u tahay guul kale oo ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo daba socda heshiiska ay wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Uhurru Kenyatta.”

Geeska.net/Hargeisa Office