Muwaadinkii Dacwadda Ku Oogay Cali Samatar Oo Baaq Iyo Qaylo-Dhaan U Soo Diray Dawladda Iyo Shacabka

1
545

Picture4

Cabdicasiis Maxamed Iid, Wuxuu Ka Midyahay Muwaadiniintii Xilka Iska Saaray Hirgelinta Dacwadaas

Hargeysa(Geeska)-Cabdicasiis Maxamed Diiriye ( Cabdicasiis Maxamed Iid) oo ka mid ah labadii muwaadin ee reer Somaliland ee dacwada kaga oogay dalka Maraykanka Cali Samatar, ayaa xukuumada Somaliland qaylo dhaan  ugu soo jeediyay inay arimaha faraha la soo gasho, isla markaasna wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ay qoraal ugu soo dirto in aan Cali Samatar la siin wax  xasaanad ah.

Dawladda Somaliya, ayaa dhawaan wasaaradda khaarajiga Maraykanka ka codsatay in xasaanadii loo soo celiyo Maxamed Cali Samatar, oo lagu helay dambiyadii xasuuq ee uu ka gaystay Somaliland. Laakiin garyaqaanadii difaacayay dadka Somaliland ayaa la legdamaya burinta qoraalka dawladda Somaliya.

Cabdicasiis Maxamed Iid, waxa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland iyo dawladuba inay u babac dhigaan dawlada Somaliya isla markaasna sida ugu dhakhsaha badan looga hadlo xasaanada ay Somaliya soo dalbatay In la siiyo Cali Samatar, waxaanu xusay inay arintan wakhtigan la lagdamayaan looyaradoodii.

Cali Samatar ayay dawcad madaniya oo dalka Maraykanka ay kaga fureen Cabdicasiis iyo muwaadin kale oo reer Somaliland ah waxa ay aakhirkii ku guulaysteen in Cali Samtar xansuuq lagu helo laguna xukumo 21 milyan oo dolar. Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo arintaas ka hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Kiiskaas waanagii ku guulaysanay 21 milyan oo doolar ayaana lagu xukuamay Cali Samatar sheeko dhamaatayna waa ay ahayd laakiin waxa dhacday in dawlada cusub ee Somaliya ka dhalatay ay warqad u soo qortay Maraykanka warqadaas oo ay leedahay ninkaas xasaanad hala siiyo, runtiina waxaanu arinkaas u aragnay gardaro cadaan ah oo lagu soo qaaday shacabka Somaliland oo aan anaga oo kaliyaata nalagu soo qaadin. Dad shacab ah oo xaqoodii kala dhacsanaaya waxa ay dawladi warqad ugu soo qorto qof waa faduul iyada oo hiil u ah. Markaas haddana soo gaabiyo waxaanu uga fadhinaa dawlada Somaliland oo aanu ka codsanaynaa in sida ugu dhaqsaha badan leh inay warqad ugu soo qorto wasaarada arimaha dibada Maraykanka, taas oo ay ku leedahay dadkani waa dad shacab ah oo is ashkateeyay ninkanina waa dhagar qabe danbigiina lagu helay, waxaanu codsanaynaa in aanay dawlada Maraykan wax xasaanad ah siin.”

Ugu danbayntii waxa uu Cabdicasiis hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “ Wali qoladayada looyarada ahi way la rafanayaan rinkan cusub mana garanayano waxa ka soo baxi doona, laakiin waxay nagu yidhaadeen wax macquul ah maaha waxan ay dawladu soo qor qortay, laakiin mar hadii uu jiro awood ay leedahy wasaaarada arimaha dibada waxa dhaci doona war uma hayno, markaas  waxaanu uga  baahanahay taageero dawlada Somaliland iyo dadka shacabka ah ee reer Somaliland arinkuna waa uu ka soo baxay shaqsiyaad oo waxa meeshii yimi dawlad ninkii aanu waxii uu danbi gaystay ku cadaynay ee aanu tobanka sano daba soconay leh hala sii daayo oo faraha halagala baxo markaas dawlad dawlad ayaa u babac dhigi karta waxaanan rajaynaynaa in dawlada Somaliland ay sida ugu dhakhsaha badan arinkaas uga hadasho waxaana uga qabto oo ay u wajahdo iyo inay dadka reer Somaliland fariimo u diraaan wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka, waa inay dawlada Somaliland arinka si dhakhso  ah faraha ula soo gasho oo ay u jawaabto iyaduna dawladaas.”

Comments are closed.