Maxamed Xaashi Iyo Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Turkey Ka Furmay Iyo Midnimadii Burburtay

0
541

Picture5Hargeysa (Geeska) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay wada-hadalada Turkiga uga furmay Somaliland iyo Somaliya.

Cabdilaahi Cukuse iyo Eng Maxamed Xaashi, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wada-hadaladan oo ka furmay Magaalada Istanbul, kuwaasi oo ay ka qayb-galayaan laba wefti oo ay kala hogaaminayaan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse, waxa uu sheegay in shacabka reer Somaliland ay dhibaato badan kala kulmeen midnimadii Somaliya, taasina tahay waxa ay Madax-banaanidooda dib ugula noqdeen.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay ka qayb-qaadanayey barnaamijka falanqeynta Jimcaha ee laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC-da, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya wada-hadaladan waxa uu yidhi “Waxaanu rajeynaynaa in wada hadaladani noqdaan kuwa ay ugu waynaato inay sii socdaan, ilaa inta laga gaadhayo dhammaadka iyo su’aasha ah mabaa’diida ay kala qabbaan labada dhinac oo ah waar way burburtay wixii Somaliya la isku odhan jiray, anagu dawladbaanu noqonay, labadii qaybood ee ay ka koobnayd ayaanu dhinac ahayn, idinkuna dhinac baad tihiin, haatan aynu kala faataxaysano mar haddii wixii aynu wada samaynay inaga burburay,laakiin inta intaasi ka horeysa waxa laga wada hadli karaa su’aalo badan oo kale, mida kale Maadaama oo dawladdani tahay mid cusub, shirkan muhiimada koowaad waa inay diyaar u tahay (Wadahadallada)”

Wasiir Cukuse, waxa kale oo uu soo qaaday  “Markii hore xaqiiqo shacabka reer Somaliland sabab u ahaayeen ayaa dhacday, maantana xaqiiqo kale ayaa dhacday oo ah ta keentay inay Somaliland xornimadeedii dib ula soo noqoto, mida kale shantii Soomaaliyeed ee wakhtigaasi la baadi goobayey ciddii iska ilowday ayaa horumar samaysay, waad ogtahay oo Somaliland horumar-baa ka jira, waad ogtahayoo Jabuuti waa dawlad gaar ah, waad ogtahay oo Soomaalida Itoobiya markii ay calankooda xidigtii caddayd ka saareen ee ay Hal (neef geel ah) ku samaysteen ayaa horumarka maanta ka socdaa bilaabmay, markaa cid kasta oo xidigtaa iska ilowdaa horumar-bay samaynaysaa, qoladana waanu kula talinaynaa, ta labaad haddii anaga aqoonsigu nagu gaadhayo boqollaal sanadood waanu sugaynaa”ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo isna doodaasi qaybka ahaa ayaa sheegay in qaabka loo bilaabayo wada-hadalada dawladda cusub ee Somaliya iyo Somaliland aanu ahayn sidii loo baahnaa “Waxa jira tabashooyin badan, waxa jira xasuuq nus milyan qof ah, waxa jira Magaalooyin dhan oo la gurtay, waxa loo baahan yahay in madaxda Somaliya aqoonsadaan dhibaatada dadkan (reer Somaliland) gaadhay waxay tahay, tan ay wadaan maaha mid la isugu iman karo, 8-dii qodob ee lagu heshiiyey qodobka labaad waxa uu ahaa inaan qolana keenin wax carqalad galinaya geedi socodka wadahadallada, Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal-wasaarihiisu waxay ka bilaabeen inay yidhaahdaan Maxamed Cali Samater hala saamaxo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ruwanda iyo Koonfur Afrika, waxa hadalkoodii la galay markay yidhaahdeen dambiilayaashiina maxkamada ayaanu keenaynaa, wixii idin gaadhayna waanu aqoonsanahay, laakiin nin ku leh waxba kuma gaadhin ee kaalay aan ku dilee, ma caqlibaa waxaasi, halkii laga bilaabi lahaa kamay bilaabin oo nimankii hore (Dawladdii Sheekh Shariif) ayaa ka roonaa nimankan maanta jooga ee aad leedihiin waa dawlad, markaa sasabada Ingiriiska iyo Turkigu waxba idin gaadhsiin maayaan ee waxyeeladii aad umaddan u geysateen hala qiro”