“Muuse; Dabadii Waxaan U Tartamayaa Hoggaanka KULMIYE”Wasiir Maxamed Aadan Qabo

0
540

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa sheegay in marka uu Muuse Biixi dhamaysto kalkiisa uu isna noqon doono nin u tartama guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Wasiir Qabo oo u waramay weriye Badri oo ka tirsan Star TV, wuxuu sheegay in marka la isugu yimaado shirka golaha dhexe ee u horeeya ee KULMIYE  uu ka mid noqon doono tartamayaasha u ordaya jagada guddoomiyaha.  “Madax qaybeed baan anigu ka soo bilaabay 1991 markii wadanka la soo galay, waxaan soo maray jaran-jarooyin kala sareeya, haddii ay tahay Agaasime waaxeed,haddii ay tahay Agaasime guud, waxaan noqday Badhasaab, waxaan noqday La Taliye, waxaan ahay imika Wasiirkii Qorsheynta, marka dabcan hungurigaasi wuu ugu jiraa,waxaana ka mid noqon doonaa Ragga hanka leh ee hiigsan doona hoggaanka dalka, wax naga hor joogaana ma jiro.” ayuu yidhi Wasiirku isagoo intaas raaciyay  “Xisbi xeer fiican leh, oo laga dhex tartami karo, oo qof walba xor u yahay inuu hankiisa ka dhiibto, marka aad eegto dastuurkiisa, marka aad eegto shuruucdiisa, marka aad eegto nidaamka uu u sameeysan yahay cid uu u xidhan yahay ma jirto, dadka waxaan ka saaraya tushuushka ah in Kulmiye kolba cid loo dhiibo, qaabkii uu tartamay Madaxweyne Siilaanyo, qaabkii uu u tartamay Madaxweynaha mustaqbalka, Muuse Biixi Cabdi, qaabkii qaab la mid uun baanu nahay, nin iyo nasiibkii, nin walba oo uu hunguri hayaa, ka mid buu noqonayaa tartamaayasha. Aniguna waxaana ka mid noqonayaa insha allaah marka ay gaadho goorteeda iyo wakhtigeeda, Muuse dabadii in aan u tartamo hoggaanka Xisbiga Kulmiye, hungurigaasi wuu igu jiraa, waayo sallaan dambe oo ii hadhay ma jiro, waa halkii ugu dambaysay, waxaanu imika ku jirnaa loolan ah in aanu XIsbiga soo saarno, loolankaasi waxa weeye in Kulmiye taariikhdiisu sii jirto, in Xisbigu mar labaad ku soo noqdo saaxada siyaasada iyo hogaanka dalka inuu qabsado mar labaad.”

Wuxuu intaas raaciyay “Marka aanu taas ku guulaysano ayaa wixii dambe tartan iman doonaa mustaqbalka, laakiin imika ujeedada iyo tartanka ugu badani waa in Xisbiga la soo saaro, oo uu Xisbigu noqdo mid ku guulaysta mar labaad hogaanka dalka shanta sanno ee soo socda, kaas marka aanu soo saaro, Xisbigu wuxuu leeyahay Gole Dhexe, wuxuu qabsadaa shir weynayaal, wixii intaas ka dambeeya waa la tartami doonaa, kolay kuwaas waan ka mid noqon doonaa insha allaah”.