Cabdiraxmaan-Cirro Oo Magacaabay Xilal Muhiim Ah

0
559

Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Masuuliyiin uu ku jiro gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

Xilalkan uu magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cirro ayaa waxa ka mid ah Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), halka Mudane Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi, waxa uu isla maanta magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) Iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani oo uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Daahir.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 29aad farqadiisa 2aad iyo qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo.