Muuse Biixi Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedihii Ay Mucaaradku Ugu Jeediyeen Warqada Wikileaks

0
488

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa beeniyey warbixin ay soo bandhigtay Wikileaks oo ku saabsanayd xukuumadda Axmed Siilaanyo oo heshiis nidaamka Faderaalka ah la saxeexatay dawlada Somaliya, waxaana uu sheegay in aan warkaasi waxba ka jirin isla-mar-ahaantaana loogga fadhiyo in ay cadayso ciddii afka ka sheegtay, waxa kale oo uu eedo cul culus u soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro isaga oo sheegay in 2001dii uu wakiil Ruushka dawladdii burburtay ee Somaliya u ahaa oo uu Hargeysa gudaheeda ku bixin jiray Fiiseyaasha Ruushka.

Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Horn Cable Tv, waxaana uu ugu horeyn ka warbixiyey ujeedada kulan ay xisbiyada mucaaradku la yeesheen guddida Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

"Guddidu waxay yidhaahdeen oo waa kuwan Guurtidiina waa kuwan go'aan gaadhay, xisbiyaddiina ay mid kale soo jeediyeen ee kee ayaa la raacaya, waxaan u sheegnay in aanu hawshaas weli ku jiro oo aanay welina naga aqbalin Guurtidii, hawshaana in aanan weli go'aankeeda aanan haynin, Guurtidu go'aanka ay joogtana aanu jecel nahay in laga soo dhaqaaqo laakiin sharciyaddii ay weli na hortaagan tahay, ta kale waxaa ay noo tibaaxeen in ay dib u dhacayso diiwaan-galintii la bilaabi lahaa 11ka bisha, sababta oo ah waxaa ay nooggu macneeyeen qalabkan la keenayo serverka ayaa waxaan doonaynaa ayey yidhaaheen in aanu ku dejino sannadka la bilaabaya kuu yahay, waayo haddii la yidhaahdo 2016ka dad ayaa qaan gaadhaya, waana in imika la sii diiwaan galiyaa iyaga oo 15jir ah, haddii 2017ka la qabanayana dadka qaar ayaa qaan gaadhaya oo 14jirka ayaa la sii diiwan-gelinayaa 16ka si uu u gaadho, marka waxaa ay yidhaahdeen dhibaatadaas ayaa na haysata in aanu labada mid aanu bahalkaas ku xidhno iyo haddii laga wareegi karaba".Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo sida oo kale ka hadlaaya warbixintii Wikileiks, ayaa waxaa uu yidhi:"Arrintaasi meel ay naga soo gashaa ma jirto, waa war website lagu qoray, laakiin arrintu waxaa ay noqonaysaa in ninkii afkiisa laga helo uu keeno halkii uu ka keenay, dadka kale iska dhaafe shalay waxaa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Waddani, arrintaas horta maaha arrin Somaliland loo quudho oo Somaliland ayaa la iibinayaa qofka dareenkaas qabaa, waxaa uu u eekaanaya awrkii biyaha kashkiisa ku jira ka dida, waa dareen uu isagu qaadan karo, waxaasi dareen inna soo gali kara maaha Kulmiyena haba sheegin, madaxweynahana haba sheegin, wasiirkii horena haba sheegin, waxaas dareenkeeda maba qabno laakiin waxaan qabaa qolada Waddani ee guddoomiyahoodu arrintaas uu yidhi waxaan qabaa arrintaas isagu waa uu qabi lahaa haddii haddii uu dalka wax ka yahay, waxaan leenahay arrintaas isaga ayaa loogga fadhiyaa cadaynteeda".

Hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaa kale oo uu eedo u soo jeediyey guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland  ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro. "Taariikhda haddii maanta la isu sheegayo ee annaga maanta Kulmiye ahaan waxaas nagu leh 2001kii ama 2002gii safiir ayaa uu ahaa dawladdii afweyne ee dhacday, waa kii halkan Fiisooyinka ku iibin jiray magaalooyinka dhexdooda, ma eedaynaayo se taariikhdiisa ayaan sheegaya, waxaa uu ahaa safaaraddii Ruushka wakiilkeeda Hargeysa ayaana uu fiisooyinka ka bixin jiray, cadaynteeda waa la soo helayaa, maxaa loo heli waayey, maaha tani mid tuhun ah".Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu mucaaradka ka difaacay eeddo ay u jeediyeen wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu ku tilmaamay nin dhallinyaro aqoonyahan ah oo wax badan u qabtay qaranka mudadii uu wasiirka ahaa.