Muuse Biixi Oo Xilal Cusub U Magacaabay Xafiisyada Xisbiga Ee Togdheer Iyo Widh-widh

0
459

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xoghayaha iyo afhayeenka guddiga fulinta xisbiga KULMIYE ee gobalka Togdheer.

ddd

Qoraal uu Muuse Biixi soo saaray, wuxuu ku yidhi sidan “Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.

1. Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

2. Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Waxa aan u mahadcelinayaa Xoghayihii hore ee Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Cismaan Xirsi sidii wacnayd ee uu waajibkiisa shaqo uga soo baxay muddadii uu xilka hayey, waxaanan u rajaynayaa xubnaha cusub in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen.”

Geesta kale, Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu magacaabay guddoomiyaha xisbiga ee Degmada Widh-widh ee gobalka Buuhoodle, kaas oo uu u magacaabay inuu guddoomiye ka noqdo Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay).