“Cigaal Iyo Rayaale Sharciyo Adag Ayay Ka Soo Saareen Somaliya, Siilanyana Wada Hadal Buu La Furay”

0
621

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa sheegay inay Xukuumaddan Axmed Siillaanyo, tahay Xukuumadda qudha ee jabisay xeer iyo sharci u yaalay dalka, oo ah inay wada hadal aanay la yeelan Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray Somaliya, inay la yeelatay Xukuumaddani, waxaanu tilmaamay in madaxda Xisbiga Waddani aan looga baqaynin inuu dalka dhib u geysto.

img_45fd16-9ee265-95f974-1c97ad-96de1c-a61ed9

Xildhibaan Axmed muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin sharci adag ayey ka soo saareen Somaliya, waxayna sheegeen in qofkii ama siyaasigii taga Somaliya inuu yahay dambiile, dadka iyo dalkaba ka galay dambi qaran, oo madaxbaanidii Somaliland meel kaga dhacay, isla markaana Sharcigu dalku meel adag ka istaagay, iska daa wada hadal ay la yeeshaane, balse Xukuumaddan Siillaanyo si toos ah ayey Somaliya ula hadashay, wada hadalo ayey la yeelatay, waxaana dhab ah in xitaa in tiraba aanu ognahay inay laba jeer lacag ka soo qaateen, sida ay doonaanba ha uga soo qaataane, marka inta ay leeyihiin Xisbiga Waddani ayaa Madaxda Somaliya la shiray, waxa xaqiiqo ah in Xisbiga Kulmiye  dib inoo caliyey, oo isagu wada hadal toos ah la yeeshay Somaliya”.

Xildhibaan Axmed muuse Obsiiye (Axmed Gacan), mar uu ka hadlaayey falalkii waxyeelada loogu geystay qaar ka tirsan Masuuliyiinta Waddani ayaa yidhi “Waxa waxyeelo loo geystay laba Masuul oo ka tirsan Xisbiga Waddani, waxa la gudboon oo ku waajib ah Ciidamada nabadgalyada ee Booliska in la daba galo dadkii waxyeelada geystay, oo sharciga la hor keeno, waxaana Ciidamada guud ahaan kula talinay inay dhex noqdaan, oo aanay cid gaar ah la safan”.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay Xildhibaan Axmed muuse Obsiiye (Axmed Gacan), inay nasiib daro tahay in dad iyagu ku abtirsada  Somaliland, oo aanay jirin cid uga lexejeclo badan, oo halgankii dib u xoraynta Somaliland ka soo qayb qaatay in  looga shakiyo waxaan suurtagal ka noqon Karin, waxaanu xusay in isaga iyo Siciid Sulub iyo afar nin oo kale oo qaarkood dhinteen inay Marxuum Cigaal kala hadleen sidii nabad waarta iyo horumar loo gaadhsiin lahaa dalka iyo dadkaba.