Muuse Biixi Oo Si Taxadar Leh Uga Hadlay Golaha Wada Tashiga Qaranka Iyo Talooyinka Uu U Jeediyay

0
617

ina biixiHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta qaranka ee dhawaan ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta iyo mujaahidiinta  mucaaradka ah.

Muuse Biixi waxa uu talooyin ku soo jeediyay in dalka loo wada shaqeeyo oo talooyinka lays dhaafsado,dalkuna aanu qaadi karin mudaharaadyo dhibaatooyin wata, waxaanu sheegay in aanay haboonayan in warbaahinta wax lasku maryo. Waxa uu sidan ku sheegay Gudoomiye Muuse Biixi mar uu  u warmaayay Tilifishanka qaranka waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Inay wax dhaliilaan oo ay wax toosiyaan arimaha siyaasadana ka hadlaan waxa  waajibaadkaas iska leh xisbiyada mucaaradka ah oo ay hawshooduba tahay inay waxna sheegaan waxna toosiyaan ,ragii maalintii dhawayd hadlay waa rag odayaal ah oo waa odayaashii waawaynaa ee dalka u soo halgamay ee siyaasada lahaa waanay soo jeedin karaan talo,tilmaana way baxin karaan arimaha dalkana waa ay ka hadli karaan  laakiin waxa haboonayd in laysku yimaado intaas ay ka sheegeen warbaahita ay wax ku toosiyaan,hadii laga dhagaysan waayo ama waxa ay sheegeen wax laga saxi waayo markaas ayaa xaq loo lahaa dhawaaqa dheer.”

Gudoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Anigu waxaan qabaa Kulmiye intuu joogay barnaamijkii dadka uu u balan qaaday in badan ayuu ka fuliyay oo shacbiguna uu markhaati ka yahay,raga halkaas jooga aniga iyo madaxweynuuba afartankii sanadood ee u danbeeyay nolashayadu sidaas ayay isugu marnayd,waxay ila tahay in odayaashaas taladooda waa la qaadan waa laysku iman oo waa lays toosin si wada jir ah ayaa wax loo wada qaban,anaguna warbaahinta ku dhaleecayn mayno mana nihin rag warbaahinta ku wada hadla ee waxa aanu nahay ragii dalka wax u wada qaban lahaa. Waxa laynaga filayaa wax aanay dadku ka naxin umada oo dhan markay arkaan odyaashan waaweyn iyo madaxweynii; anaga oo is tuur tuurayna hadii ay arkaan waa naxdin oo waxba  hagaagimaayaan niyad jabna waa ay abuuraysaa,markaas waxaan rajaynaynaa in talada laga dhagaysan doono, waxaanan leeyahay waxa haboon in sida hagaagsan aynu u wad hadalno.Balaayo aynu maanta mudaharadyo waawey u abaabulno oo dhexdeena aynu isku arbushnaa ma taalo,dalkeenuna maanta ma qaadi karo maalin mudaharaad ah.”