Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Khudbad Sannadeedka U Jeediyay Labada Gole Baarlamaan Iyo Nuxurka Qodobada Uu Diirada Saaray

0
759

 

baarHargaysa( Geeska )- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u jeediyay labada gole khudbad sanadeedkii 2013-ka, waxaanu khudbadaas si diiran ugaga hadlay xaalada dalka ee dhanka siyaasada arimaha dibada. Waxa uu madaxweynahu ka hadlay aqoonsiga uu maraykanku siiyay dalka Somaliya, fariintii ka dayrisay amaanka Somaliland ee uu dhawaan soo saaray dalka Ingiriisku iyo sida oo kale 5000 oo ka mid ah saraakiisha ciidamada qaranka oo la siin doono darajadii isla sanadkan. Waxa kale oo uu khudbadan madaxweynahu kaga hadlay doorashooyinka soo socda oo uu sheegay in  aan wakhtigooda lagu qaban karin oo uu u saarayo gudi heer qaran ah oo ka soo talo baxisa, dastuurka dalka oo uu soo jeediyay in la furo iyo sida oo kale waxyaabahii u qabsoomay sanadkii ina soo dhaafay xukuumadiisa. Khudbadan uu madaxweyne Axmed Siilanayo u jeediyay labada gole oo wada jira, oo aad u dheerayd, waxa aanu halkan idiinku soo gudiban doona waxyaabihii ugu muhiimsanaa.

 

Nabadgelyada:

Waxaanu Xoogga saari doonaa Adkaynta Nabdgelyada iyo Xoojinta Difaaca Qaranka, waxaana aanu sii xoojin  doonaa dagaalka aanu kula Jirno Argagixisa, Kooxaha Nabadiidka ah iyo Budhcad Badeeda, iyada oo kor loo qaadi doono Tayada Hay’daha Qaranka ee Nabadgelyada u xil saaran, lana xoojin doono Xidhiidhka ka dhexeeya laamaha kala duwan ee  Ammaanka. Waxaa kale oo la sii wadi doonaa Nabadeynta iyo Maamul fidinta Gobolada Sool iyo Sanaag Bari iyada oo xoogga la saari doono sidii loo horumarin lahaa goboladaas.

Arimaha Dibada

Hadaan wax yar ka idhaahdo ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somaliya, arintaasi ma’aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somaliya balse waxay hada agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida ukordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan.

Somaliland iyo Dawlada Maraykanka xidhiidhkii inoo dhexeeyay waxba iskama bedelin,wada shaqaynteenu waa sideedii, waxaad illa dhugataan fariintan oo wasaarada arimaha debadu igasoo gaadhay “U.S. recognition of the government of Somalia will not prevent the U.S. government from engaging in Somaliland nor prevent us from conducting our programs in Somaliland. We made sure to clarify this with the Somali government before deciding to recognize them”.

Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda ka soo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay.

Walaalayaal, baahida ugu weyn iyo shayga ugu muhiimsan ee qarankan Somalilandku naaloonayaa waa aqoonsi iyo ictiraaf uu ka helo dunida, waxaynu soo samaynay dedaal badan iyo dhabar adayg aynu 22 sanadood ku raadinaynay qadiyadeena ummadnimo, waxaana marag-madoon ah in wax weyni inoo qabsoomeen meel fiicana aynu joogno balse waa  masiir umadeed oo inooga baahan tacab intaa kasii badan, dedaalkeena labanlaabno, gacmaha is-qabsano oo si wada-jir ah uga wada shaqayno xukuumad, golayaasha, shacbiga , xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba.

Wax kasta oo qaaliya waxaa lagu gaadhaa, qiimo badan iyo wax qaaliya, umadani waxay madax-banaani iyo gobonimo ku gaadhaysaa iyadoo loo guntado, in garasho sax ah lagu baadi-doono, loo wada fahmo madaxbanaanidu inay tahay masiirka umadeed oo cidkasta xil iyo masuuliyadi ka saarantahay, ma aha wax maalin iyo habeenkeed meel laga soo qaadayo, ma aha wax xukuumadu iska leedahay, waase shaqo loo igmaday, ma aha meel aad mucaaradnimo ka daydo ama aad istidhaahdo cid ku xumee ee waa qaranimadii oo xil baa inaga wada saarandhamaanteen.

Madaxweyne ahaan intii aan xafiiska joogay waxaan qaaday talaabooyin badan waxaan garaacay labaabo badan, waxaana iga go’an in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan dalkan aqoonsi iyo madax-banaani u gaadhsiin lahaa, si aan yoolkaa u xaqiijiya diyaarbaan u ahay inaan hor fadhiisto cid kasta, talaabo kasta oo arintaa lagu gaadhi karana waxaan diyaar u ahay inaan qaado.

Waxaanan ogsoonahay in xilka koowaad aniga iga saaranyahay balse Ictiraafku ma aha wax aniga gacantayda ku jira ee waa wax gacan kale inagaga xidhan, Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.

Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Furitaankii Ururrada Siyaasada

Waxay ahayd Sannad ka hor markii aan madashan aynu fadhino ka ballan qaaday inaan Dalkeena ka qaban doono Doorashadii Golayaasha deegaanka oo aan la qaban muddo Toban sanadood ah.

Aniga oo  si fiican u Fahamsanaa Culayskii Siyaasadeed, Dhaqaale,  Nabadgelyo iyo Bulsho ee ay lahayd furitaanka Urrurrada Siyaasada iyo Qabashada doorashooyinka Dawladaha hoose, iyada oo aynu garan karno legdenka u dhexeeya nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay iyo kan Beelnimo ee ummadeena dhaqanka u ahaa mudada dheer. Iyada oo aynu  wada ognahay tartanka u dhexeeya qaranimada iyo qabyaalada,  waxaa mar kasta noo muuqatay in Qarankan Somaliland ay dantiisu ku jirto Kobcinta geedi socodka Dimuqraadiyada iyo Hirgalinta Doorashooyin joogto ah oo ay dadweynuhu  ku soo doortaan hoggaankooda kala duwan.

Aniga oo tix-galinayay rabitaanka dadweynaha iyo ballantii aanu ummada u qaadnay xiligii ololaha doorashooyinkii Madaxtinimada, isla markaasna si fiican u dersay uguna qancay taladii ay soo jeediyeen 14kii July 2011kii gudigii aan u saaray ka soo talo-bixintii in Ururrada la furo iyo in kale, iyadoo ay gudigii soo bandhigeen in ra’yigii bulshadu u batay in la furo Ururada, Waxaan markaas go’aansaday in Ururradii siyaasada la furo, Muwaadin kasta oo han siyaasadeed lahaana uu fursad u helo inuu dadweynaha fikirkiisa usoo bandhigo oo uu cod weydiisto, marxaladaawaxaan ku dhiiraday in xisbigaygu  la tartamo ururada cusub, arintan oo aan filayo in rag badan oo siyaasiyiin ah ay ku adkaan lahayd hadii ay joogaan halkayga.

Waxa ay Xukuumadu sugtay Amaanka Goobihii Cod-bixintu ay ka dhacaysay oo ka badnaa 1800 oo goobood Si doorashu u noqoto mid xor oo xalaal ah.

Iyadoo xukuumad ahaan nalaga sugayey dhaqaalaha doorashada ku baxaya 25%  ayaa waxaanu bixinay 33% iyadoo weliba aanu ururadii tartamayey  gacan ka siinay gaadiidka muraaqibiinta ay ku qaadayeen oo aanu ka bixinay kharash ka badan Hal Bilyan oo Shillinka Somaliland ah (1000,000,000).

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxa aanu  Mamnuucnay in Ololaha Doorshada loo adeegsado Hantida Qaranka sida Gaadiidka Dawlada, iyada oo aanu Shaqaalaha Dawlada u diidnay in ay sinnaba uga qayb qaataanololaha doorashada,  Xukuumad ahaan waxaanu Ururradii Tartamayay  fursad isku mid ah u siinay adeegsiga Warbaahinta Qaranka.

Waxa kale oo ay Xukuumadu Si Buuxda u Ilaalisay una Xaq-dhawrtay Ilaalinta Madaxbanaanida Gudiga Doorashoooyinka Qaranka si ay guddigaasi u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran, hawlahooduna ay u noqdaan qaar ay u maddax banaan yihiin oo aan cidinna ku faro-gelin.

Waxaa dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay doorashadii golayaasha degaanka, taasoo ay ku tartameen 7 Xisbi/Urur, waxaana gebagebadii ku guulaystay sadexda Urur ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.Waxaa hadhay 4 Urur iyo 1865 Xildhibaan, halkaas oo aad ka dareemi kartaan baaxada hawsha doorashada aynu kasoo gudubnay.

Somaliland waxay halkan kusoo gaadhay siyaasi u tudha  iyo oday samo-talis ah, waxaan jecelahay inaan hortiina uga soo jeediyo hambalyo, bogaadin iyo amaanba Hogaamiyayaashii Ururadii tartanka ku hadhay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” iyo Ismaaciil Aadan Cismaan oo u aqbalay natiijadii si sharaf lehna kana tegay tabashadoodii.

Diiwaan Gelinta iyo Doorashooyinka:

Sidii aan ku xusay khudbadaydan waxaa inasoo gudagalay wakhtigii doorashada Golaha Wakiilada oo ku beegan dabayaaqada sanadka 2013, iyadoo wakhtigii doorashadii golaha guurtiduna ay ku beegantahay sanadka 2014 wakhtigii doorashada madaxweynuhuna ay ku beegantahay sanadka 2015 waxaa kale oo loo baahanyahay in la qabto iyana diiwaangelinta muwaadiniinta (Civil Registeration) doorashooyinka ka hor, iyadoo aynu ognahay muhiimada doorashooyinku u leeyihiin qarankan.

Waxay u muuqataa in aanay suurtagal ahayn in labadaa sanadood gudohood lagu qabto diiwaangelin iyo sadex doorasho, hawshaas oo umuuqata inay qarankan ku tahay culays iyo dhiigbax, si arintan xal loogu helo waxaan u saari doonaa gudi qaran waxaana aynu kaga gudbi doonaa talo loo dhanyahay. Inaga oo ka duullayno waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay Doorashooyinkii deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay, waxaanu qaban-doonaa in dalka laga hirgaliyo Diiwaan gelin dhamaystiran, taasoo aanu miisaaniyada sanadkan ugu darray $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar).

Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah.

Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Dastuurka

Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, si arintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad. Sidoo kale in doorashada golaha guurtida laga dhigo, Xulis ee aanu doorasho ku iman si aanay meesha uga bixin tayadiisa iyo ka qayb qaadashada beelaha yaryari.

Darajada Ciidamada

Anaga oo fahamsan masuuliyada naga saaran sidii aynu kor ugu qaadi lahayn haybada  Ciidamadeena kala duwan, waxaanu diyaarinay dhammaan Derajadii Ciidamada, waxaana miisaaniyada sanadkan 2013 ku jirta gunooyinkii Taliyayaasha ciidamada, Saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo inta derajada mutaysatay in ka badan 5000 oo sarkaal iyo sarkaal xigeen ku waasoo midkasta lagu jaan-goyn doono derajada uu sito.Derajo-siinta ciidamadu waa himilo uu qaranku muddo dheer ku taamayey waxaana aan ku kalsoonahay in bixinta derajadu aykor u qaadi doontaa Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo karaamadeena Qaranimo.Waxa kale oo guul noo ah in Saraakiil tiro badan oo ka tirsan ciidamadeena kala duwani ay Tababarro ku soo qaateen dalal debada ah.

Horumarka Sool iyo Sanaag Bari

Anigoo garwaaqsan dibu dhaca adeega bulsho ee ka jira gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhuudle waxaanu sanadkan u qorshaynay 38 mashruuc oo horumarineed oo u sii gaar ah goboladaas, kuwaas oo lagu horemarinayo adeegyada bulshada, kor uqadista shaqo abuurka iyo wax soo saarka, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan 9 Bilyan Somaliland Shillin oo u dhiganta $1,300,000 USD (Hal Milyan iyo Saddex Boqol oo Kun), waxaana ay u kala qaybsanaan doonaan sidan:

Gobolka Sool 15 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $500,000 USD (Half Milyan),Degaanka Sanaag bari 15 Mashruuc oo ay ku baxayso kharash dhan $500,000  USD (Half Milyan),Gobolka Buuhoodle 10 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $300,000 USD.

GEBOGEBO

Waxa aan hortiina ka balan qaadayaa sidii aan horeba ugu shaqaynayay inaan dhawro madaxbanaanida garsoorka, xilka golayaasha sharci dejinta, ilaalinta xuquuqda aadamaha, xoriyatul qawlka iyo kaalinta saxaafada madaxa banaan.

Waxaan aaminsanahay in ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeeshaan talada dalka iyo horumarkiisa kaalin mug leh oo firfircoon, taas oo ay markhaati u ahayd xeerarkii aan usoo gudbiyay golahan ee arinta ku saabsanaa, wax ka badalka da’da ay dhalinyaradu kaga qayb gali karto doorashada golayaasha deegaanka oo aynu ka dhignay 25 sanno idinku aad ogolaateen.

Waxaa aan idiin soo gudbiyay xeerkii kootada siinayay haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay doorashada golayaasha deegaanka oo aydaan waafaqin, waxa aan mar labaad idinka codsanayaa inaad dib u eegtaan inta ka horaysa doorashada golaha wakiilada, si ay haweenkeena iyo dadka laga tiro badan yahay uga muuqdaan golayaasha la soo doorto ee qaranka.

Waxaad ogsoontihiin jidkii dheeraa ee uu Dalkeena Hooyo soo maray,waxaad ogtihiin in aynu nahay Qaran isku tashaday oo iyaga oo aan dunida ka helin Aqoonsi caalami ah iyo kaalmo dhaqaale oo muuqata, dalkoodii dib u dhistay. Waxaynu muddo 21 sanadood gudahood ah dhisanay Dawladnimo buuxda oo Dimuqraadi ah, nabadgelyo, kala dambayn iyo Dhaqaale muuqda oo aynu abuuray,hormar dhinac kasta ah oo aynu ku talaabsanay,Waxaynu gaadhi doonaa insha alaahu wakhti aan fogayn horumar ballaadhan.

Waxaa hubaal ah in ay innoo soo socdaan maalmo iyo Sannado badan oo Barwaaqo aynu ku noolaan doonno, waxaynu gaadhi doonnaa yoolka aynu higsanayno oo ah aqoonsi uu qarankani ka helo dunida.Maanta Somaliland loo war wari maayo maraxalado badan ayay soo martay oo fulaygu shakiyay, sidii aan hore u sheegay boqol sanadood haday gaadhayso qadiyada madaxbanaanida Somaliland waa muqaddas, waxaanan ku kalsoonahay inaynu si wada jir ah uga wada gudbi doono caqabad kasta oo inaga hortimaada.

Waxaad dhamaantiin tihiin geesiyaal ay taariikhdu xusi doonto, waxaad muujiseen Dedaal, Wadaniyad iyo Isku Kalsooni, waxaanad dhabar-adayg iyo Samir kaga soo gudubteen duruufo aad u adkaa oo uu Qarankeenu soo maray muddadii aynu la soo noqonay madax bannaanideena. Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland waa mid ku timi Rabitaanka Shacbiga Somaliland;Waa Madaxbanaani ay u soo mareen Jid dheer oo dhib badnaa,Waa Madaxbanaani aanay cidna u daba-fadhiisanayn; waa madax banaani ay uhuri doonaan naf iyo maalba,waa Madaxbanaani ay Difaacan doonaan, Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Militari ahaanba haddii ay kallifto.

Waxaan ugu baaqayaa Caalamka Nabada iyo Horumarka Jecel in ay tixgaliyaan go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Somaliland.Madaxda reer Soomaaliya Waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wixii dhaawici kara Qodobadii ka soo baxay Shirkii London, isla markaasna ay garawsadaan in Qaranka Somaliland Madaxbanaanidiisu ay tahay mid Muqqadas ah oo aan Gorgortan gali karin, loona baahan yahay in laga shaqeeyo wixii Deris wanaag, Saaxiibtinimo iyo Wax wada qabsi ah ee dhex mari kara labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu danbayn Waxaan u soo jeedinayaa Shacbiga qaaliga ah ee reer Somaliland inay gacmaha is qabsadaan, sii laban-laabaan dedaalka ay ugu jiraan xoojinta Nabadgelyada, Horumarinta Dalka iyo ka Hortagga shirqoollada cadowga iyo wax kasta oo tafaraaruq iyo qaybsanaan ku keeni kara wadajirka Bulshadeena.Waxaana mar kale hortiina ka ballan-qaadayaa inaan sii laban-laabi doono dedaalka aanu ugu jirno Horumarinta dalkeena iyo ka midho dhalinta qadiyadeena.