Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay go’aankii ay guddiga horumarinta Sacad Muuse ku taageereen murashaxnimadiisa oo ay qaadaceen garabkii kale ee ka soo horjeeday, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aankaas.
Md. Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay shirka Somaliland iyo Somaliya ku dhex maray wadanka Djibouti, oo uu sheegay in lagu qabtay wadankii ugu haboonaa, isagoo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ku tilmaamay madaxweyne xogogaal u ah qaddiyadda ka dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya. Muuse Biixi oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horayn waxaanu wax ka weydiinay shirka Djibouti ka dhacay, waxaanu yidhi “Horta shirkan Djibouti lagu qabtay waxaan is leeyahay waa dalkii ugu haboonaa ee lagu qaban lahaa, Ismaaciil Cumar Geelana waa ninka ugu xogogaalsan arrinta Somalida, caalamiyan haddii loo eego waa nin og Somaliland iyo Somaliya xidhiidhkooda, waxa ka dhexeeya iyo waxay isku hayaan, arrinta waxa geli kara oo ka garniqi kara qof fahamsan. Markaas arrinka meel wanaagsan ayaa la keenay, waanan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Djibouti inuu arrinta u gacan qaaday, waxaanan ku dhiirinayaa inuu sidaas u sii wado.”
Muuse Biixi, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay inaanu Turkigu faham badan ka haysayn waxyaabaha la isku hayo islamarkaana uu dhinaca Somaliya garabka saarayo, waxaanu yidhi “Sidaad ogtahayna arrinta wada hadalku waxay ka soo bilaabantay shirkii London oo dawladaha Yurub oo ay Ingiriiska iyo Norway ka mid yihiin ayaa bilaabay, laakiin Turkiga ayaa loo raray, waxaana codsaday oo u raray qolada Muqdisho oo uu Xasan Sheekh ka mid yahay, anigu waxaan qabaa inaan Turkigu dawlad xogogaala ahayn, anigu berigii hore ayaan joogay shirkii Turkiga, waxaanay Turkidu ahaayeen niman dacwad dhinaca keliya haya. Madaxweyne Siilaanyo maalintaas si wanaagsan ayuu u garnaqsaday, dabadeed madaxweynaha imika ee Turkiga oo raysalsawasaare ahaa wuu miyirsaday oo wuxuu arkay inuu cidlo gudayo, sidaas darteed waxaan isleeyahay Turkiga waa laga xogogaalsanyahay ismana lihi natiiijo ayaa laga gaadhayaa wada hadalka Turkiga waayo dhinac ayuu u badanyahay, sidaas daraadeed waxa roon in wada hadalada ama Yurub oo xogogaal ahi lug ku yeeshaan haddii kale cidda ugu dhow ee arrintan xalkeeda og ee ka garqaadi kartaa waa Madaxweynaha Djibouti iyo dalalka jaarka.”
Muuse Biixi Cabdi, wuxuu Geeska Afrika su’aalay sida uu u arko go’aanka ay gaadheen guddigii Agabar ee horumarinta Sacad Muuse ee murashaxnimadiisa, wuxuu yidhi “Waxaan qabaa in siyaasadda Somaliland ay ku dhisantahay tahay arrimaha oo gunta laga soo bilaabo, aniga ilama aha in korka wax laga dhiso. Sidaas daraadeed markay tahay wax siyaasiya waxa wanaagsan in loo soo dhiso deg degmo, gobal-gobal, dabadeedna heer qaran. Markaas anigu waxaan u arkaa inay sax tahay in deegaan oo kale ama degmo ay soo bilowdo kala xulida, dunida oo dhana waa sidaas oo haddii madaxda la dooranayo tartan ayaa la soo gala degmo ah, tuulo ah, gobal ah, dabadeedna si qaran ayaa loo gala. Odayaashan oo aan aad u ixtiraamayo waxaan ahaa raggii u tagay ee ay waraysteen ee weliba yidhi wixii aad goysaan waan ogolahay, haddii ay go’aankan gaadheena waan uga mahadnaqayaa oo waan ku raacsanahay haddii ay go’aan kale oo iga soo horjeeda gaadhi lahaayeena sidaas ayuun baan hore u dhiibay kalsoonidii, waayo bini-aadamku wixii uu qaaddi u dhiibo waa inuu aqbalaa.
Markaas maadaama oo rag badan oo isku deegaan ahi uu mid waliba xaq u leeyahay inuu wax yidhaahdo inay u soo fududeeyaan qaranka oo ay iyagu xaggooda wax ka soo dhisaan ayaan u arkaa, haddii Siilaanyo ayaa imika sharaxanee, la yidhaahdo bacda siilaanyo anigu waxaan ku taaganahay inaan ahay guddoomiyihii xisbiga, sida caadiga ahna guddoomiyaha xisbiga ayuun baa inta badan murashax ah. Markaas waxaan u arkaa wax caadi ah oo sida caalamkuba wax u dhiso mutaqbalka laga hadlaayo, waxaanan qabaa inay xil qaranka iyo dadka u dana guteen.”
Muuse Biixi, waxa la weydiiyay bal sida uu u arko dadka iyo siyaasiyiinta la tartamaya ee go’aankaas ka soo horjeestay, waxaanu yidhi “Shir kasta iyo arrin kata oo la galo cid ayaa diidda oo ka cadhoota wax dhibaato ah uma arko, waxaan u arkaa dad fikirkooda cabiray, laakiin go’aanka marka shir kasta la galo ee inta badani meel marto sida caadada inoo ah gar diid waa Alle diid ayaa la yidhaa, dadka badani halkay marto ayaa la maraa. Umad dhan oo deegaanka intaas leeg oo wax garadkeedii iyo odayaasheedii waxay ila tahay ninkii ka cawday in sidii la arki jiray majooratiga la ixtiramo, raggani waa rag qiimo badan oo waxay doonayaan u qalma, waxase aan qabaa in la ixtiraamo majooratiga.”