“Muuse Biixi Malaha Sanquuqa Facebook-ga Ah Ee La Been Abuuray”

0
598

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xisbiga KULMIYE ayaa beeniyay sanduuq facebook ah oo uu ku qoranyahay magaca guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanay sheegeen inuu yahay mid been abuur ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Mustafe Iid Maxamed oo ah agaasimaha maamulka iyo xidhiidhka saxafaadda ee KULMIYE, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.  Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.

Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan.”