Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhaxe Oo Saaka Ka Bilaabmaya Dalka

0
629

Picture2Hargeysa(Geeska):-Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee fasalada Afaraad ee dugsiyada sare iyo Sideedaad ee dugsiyada dhaxe, ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabmaya dalka, iyada oo imtixaankaas shahaadiga ah ay guud ahaan u fadhiisanayaan arday tiradoodu dhan tahay 24000 oo arday.

Waxaana maalmahii ugu danbeeyey ay wasaarada waxbarashada Somaliland si aada mashquul ugu ahayd sidii ay hawladeenada ka shaqaynaaya imtixaankaasi ay ugu kala diri lahayd goobaha ay imtixaanadaasi ay ka qamsoomayaan.

Wasiirul dawlaha waxbarashada Somaliland Md.Axmed Nuur Faahiye, oo mar uu la hadlaayey lana sii dar-daarmaayey qaar ka mid ah hawlwadeenada ka shaqeyn doona illaalinta imtixaanaadka oo look ala diraayey qaar ka mid ah gobalada, ayaa sheegay in tirada guud ee sanadkan imtixaanada u fadhiisanaysaa ay tahay 24000 oo arday, waxaana uu tilmaamay in maalintani ay tahay maalin aad ugu weyn qaranka Somaliland maadaama ay tiro intaa leeg u fadhiisanayso imtixaanaadkii shahaadiga ahaa.

"Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan. kuwaasi oo iskugu jira 14000 kun iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah maanta waa maalin qaranka iyo shacabka reer Somaliland ku weyn, oo 24000 kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka, ayna ku soo biiri doonaan saaxadda aqoonta arday cusubi.”.Ayuu yidhi Axmed Nuur Faahiye.

Dhanka kale, waxaa iyaguna maalmahii ugu danbeysay dedaal aad u xooggan muujinaayey ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanada shahaadiga ah ee fasalada sare iyo dhaxe, waxaana si aada loogu arkaayey goobaha wax lagu akhristo iyo sida oo kale masaajidada oo ay si koox kooxo ah iyo kali kaliba wax ugu akhrisanaayeen.