Muslimiinta Shiinaha Oo Dhalinyaro U Badanaya Iyo Rajada Islaamka Ee Mustaqbalka Dalkaas Oo Korodhay

0
635

Beijing (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan la faafiyey ayaa xaqiijisay in tirada dhalinyarada dalka China ee diinta Islaamka rumaynayaa ay aad u sii kordhayso,  marka la barbar dhigo sida ay diimaha kale dalkaas ugu faafayaanna uu Islaamku yahay diinta ugu faafitaanka badan.

Cilmibaadhistan oo ku salaysnayd tirokoob lagu eegayey xaaladda diimaha ee dalka China ee sannadka 2015ka waxaa sameeyey xarunta daraasaadka iyo cilmibaadhista qaranka ee dalka China oo magaceeda loo soo gaabiyo (NSRC) oo hoos tagta kuliyadda Falsafadda ee jaamacadda Umadda. Cilmibaadhistan oo socotay muddo laba sano ah ayaa caddaysay in dadka haysta Mad-habta Protestant ee diinta Kiristanku ay maamulaan kaniisadaha iyo goobaha cibaado ee dalkaas ugu tirada badan, halka dadka Buddhism ka aaminsanina ay yihiin guud ahaan kuwa ugu tirada badan dalkaas. Laakiin warka muhiimka ah ee daraasaddani sheegtay ayaa ah in dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 30 jirka ee muslimiinta dalka China ay gaadhay boqolkiiba 22.4, taas oo aad uga badan tirada dhammaan dhalinyarada qaata diimaha kale ee dalkaas ka jira. Halka dadka haysta diinta ugu badan dalkaas oo Buddhism ka ahina ay boqolkiiba 54.6 yihiin dad da’doodu kor u dhaaftay 60 jir.

Tirada muslimiinta dalka China waxa ay hadda kor u dhaaftay 50 Milyan, in kasta oo tirokoobyada dawladdu aanay dhaafin 24 Milyan, laakiin marka la eego tirada guud ee dadka dalkaas oo aad u badan, waxa ay ka noqonayaan 1.8 keliya, waxase la saadaalinayaa in haddii xawaaraha korodhka ee uu Islaamku imika ku socdaa sidaa sii ahaado in sannadka 2030 ay ku kordhaan ugu yaraan 6 Milyan oo qof.

Dawladda Shuuciga ah ee China ayaa guud ahaanba dagaal adag kula jirta dhammaan diimaha soo degey, oo ah Islaamka, Kiristanka iyo Yuhuudda, tusaale ahaan muslimiinta dalkaas waxaa laga mamnuucay in ay bisha Ramadaan soomaan, sidoo kale waxa ay dawladdu dumisaa kaniisadaha oo ay ka saarto ama Mucatabka, ganaax lacageed iyo xabsina waxaa la isugu dartaa masuuliyiinta dawladda ama xisbiga talada haya ee la ogaado in uu diin saddexdaas ka mid ah galay.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Jazeera waxa uu intaas ku daray in dalka China in kasta oo uu xidhiidh fiican oo wada shaqayneed la leeyahay ururka Iskaashiga Islaamka, waxa uu illaa hadda si adag u diiddan yahay in uu wax xidhiidh diblumaasiyadeed ah la yeesho Maamulka Vatican ee looga taliyo Mad-habta Kootaliga ee dunida.