Dr. Axmed Xuseen Ciise  Oo Ka Hadlay Khilaafyada Ka Taagan Maamulka Dugsiga Abaarso Tech

1
5053

 

Picture2Hargeysa(Geeska)- Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Dugsiga Muranka badani ka taagan yahay ee Abaarso Tech, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka baahsan ee hadheeyey  Dugsigaas.

Dr Axmed Xuseen  Ciise oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u sheegay inaan waxa  haatan la isku haysto ee khilaafku ka taagan yahay aanay ahayn cidda iska leh mulkiyadda Dugsiga, balse ay tahay  sida iyo qaabka loo maamulayo.

 Dr Axmed xuseen  waxa uu sheegay inay iska caddahay cidda Dugsiga xaqa u leh, taana aanu muran ka taagnayn, balse waxa la isku hayaa ay tahay, “waxa lagu celcelinayaa in la isku hayo lahaanshaha Abarso Tech, la iskuma Hayo lahaanshaha Abaarso Tech. maalintii la furayey jaamacadda waxa goog-joog ka ahaa salaadiinta dalka, madaxda golayaasha, xildhibaano, wasiirro iyo marti sharaf badan, aniga ayaa hagayey shirkaa furitaankiisa, si cadna waan u sheegay cidda Abaarso Tech leh iyo sifaha macaash ma doonka ah ee aanu u samaynay, waxana
arrintaa sii xoojisay Go’aan Guddi oo ka timi aragti madaxweynuhu saxeexay, waxase dhab ahaan khilaafku salka ku hayaa sifaha maamulka iyo barbaarinta ee Abaarso Tech, mana jirto adduunka goob wax barasho oo qof kaliya la siiyo maamulkeeda iyo madaxbannaani bilaa xad ah” ayuu yidhi Axmed Xuseen Sidoo kale waxa uu  Axmed  ku dheeraaday qaabkii iyo sidii ay dugsiga uu ku hirgalay iyo waliba sida ay ku timi lacag farabadan oo dugsigaas
la geliyey, waxana uu yidhi, “ Abaarso Tech waa dugsiga ay muwaadiniinta Somaliland uga qayb qaateen si aan hore loo arag, shirkadda MSG waxay bixisay  $250,000, iyadoo sanad walba Dugsiga ugu ballan qaaday inay siin doonto $100,000. Shirkadda Dahabshiil waxay bixisay $110,000, oo kocnton ka mid ahi uu ahaa dayn aan anigu magacayga ku soo qaaday, kuna baxday dhismaha Dugsiga oo wali lacagtaa la igu leeyahay, machadka aan maamulo ee IPRT waxay ka heshay dawladda Ingiriiska lacag dhan $225,000  oo dhamaan gashay dhismaha dugsiga, $80,000 waxa na siisay Hay’adda Bisha cas, halka  anigu aan gaar ahaan u bixiyey $7000 oo qayb ka mid ahi ahayd ganaax Deegaanku igu xukumay inaan siiyo labadii muwaadin  ee markii hore dhulka ku deeqay oo shaqadii aanu ugu balan qaadnay aan dugsiga ka helin.”

Dr Axmed waxa uu tilmaamay in lacagta ay muwaadiniinta Reer Somaliland Dugsigaa Geliyeen ay ku bixiyeen Kalsooni iyo ballanqaad uu isagu shacabkiisa u muujiyey walina ku maqan yahay, isagoo arrintaa sharraxayana waxa uu yidhi, “isku gaynta lacagta ay reer Somaliland geliyeen waxay gaadhaysaa $700,000.lacagtaasina iskamay iman ee  waxay ku timi kalsooni ay I siiyeen dhamaan dadkaasi, Bile iyo Jonathon-na may aqoon manay arag() ninka maraykan ah ee haatan dugsiga gacanta ku haya.”imikana intooda badani ma yaqaanaan inay sheegtaan ama maldahaan cidda dhab ahaan keentayna wax dhab ahaan loo dulqaadan karo maaha, dadka reer Somaliland-na way ku mahadsan yihiin, ballantaan hore ugu qaaday ee ahayd in taageeradooda laga midho dhalin doonana wali way ii guntan tahay.”

Dhinaca kale Dr Axmed  oo ka hadlaya nin maraykan ah oo sheegta mulkiyadda Dugsiga Abaarso Tech iyo sidii uu wadanka ku yimi ama ku soo dhexgalay hindisaha lagu hirgelinayey Dugsigan, ayaa yidhi, “Billeh Cismaan oo aan saaxiib ahayn muddo dheer, ayaa horaantii 2007-dii ii sheegay inuu jiro wiil maraykan ah  oo uu eddadii qabo oo
uu Adeer u yahay, isla markaan shaqadii ka fadhiistay oo doonaya inuu Dugsi samofal ah furo, isagoo I weydiiyey inaan arrintaa diyaar u ahay, waxana aan Bile usheegay inaan arrintaa diyaar u ahay oo aniguba ku talo jirey farsamada lagu barto hirgeliyo xidhiidhna la sameeyey deeq bixiyayaal. Intaa ka dib Willkii uu Bile Adeerka u ahaa oo ah Jonathon Starr ayey Ha’adda aan maamulo ee  IPRT martiqaad u fidisay, fiisana u soo saartay, muddo ka dibna sidaas ayuu wadanka ku yimi, anigaana waday oo geeyey goobtan Dugsiga laga dhisay  iyo goobo kale
oo badan ba.”

Waxa kale oo uu Dr Axmed sheegay wiilkii wadanka sidaa ku soo galay, islamarkaana uu isagu gadhwadeenka u ahaa uu Haatan ku doodo nin Dugsiga iska leh oo hanta badani ka gashay, taasina aanay macquul ahayn oo Dugsiga ay dhigtaan Ubad yar yar oo aanay sinaba suurto gal u ahayn in si buuxda loogu wareejiyo nin Ajaanib ah.

Ugu dambayntii Axmed Xuseen Ciise waxa soo jeediyey inuu ku kalsoon yahay inuu ku qanacsan yahay  qaabka ay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebistu soo jeediyeen ee ah in Maamulka Dugsiga loo dhiibo cid dhexdhexaad ah oo aan Labada nin haatan ku muransan midna ahayn, iyaguna (Jonathon iyo Axmed Xuseen) ay ka mid noqdaan Board-ka sare ee Dugsiga Dusha ka maamulaya. Waa markii ugu horraysay ee uu Dr Axmed Xuseen Ciise Si Toos ah uga hadlo muranka iyo isqabqabsiga ragaadiyey Dugsiga Abaarso Tech oo beryahaaba laga dayrinayey  habkiisa maamul, iyo waliba arrimo xaasaasi ah oo ay dadka Deegaanku ka sheeganayeen dhaqanka macalimiinta ajaanibka ah ee Dugsiga wax ka dhigta.

Comments are closed.