Muslim, Haddana Taageera Is-Guursiga Dadka Isku Jinsiga Ah: Xogo Cusub Oo La Xidhiidha Duqa Cusub Ee London

0
847

1Qaahira (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afria ka soo xigtay shabakadda Almiri Layt oo laga leeyahay dalka Masar waxa ay soo bandhigaysaa xogo badankooda aanay dad badani ka war qabin oo shabakad Lubes lagu magacaabo oo dalka Faransiiska laga leeyahay ka qortay Saadiq Khaan oo ah duqa cusub ee dhowaan loo doortay magaalada London ee caasimadda carriga Ingiriiska.

In markii abid ugu horreysay duqa London loo doorto siyaasi diintiisu Islaam tahay waxa ay dunida ku noqotay sheeko xiise badan, waxa aana warkaas si aan xad lahayn u baahiyey warbaahinta oo ay ugu badan tahay ta dunida muslimka, iyada oo sidoo kalana doodo xiise leh ka dhex dhalisay dunida muslimka dhexdeeda oo dad badani dib wax isaga weydiiyeen qaab-dhismeedkooda maamul.

Haddaba marka laga tago farxadda dad badan oo muslim ahi ka qabeen in London ay yeelato duq muslim ah, waxaa in badan aan la ogeyn dhaqanno badan oo qaarkood diidayaan Islaamnimada lafteeda oo Saadiq Khan uu leeyahay iyo qaybo ka mid ah hab-dhaqannadiisa iyo taariikhdiisa oo xiise gaar ah leh. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa kuwa ugu mudan arrimahan innaga oo sida ay u kala sahlan yihiin u soo kalah horreysiinayna.

Saadiq Khaan oo ka soo jeeda xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriisku waxa uu boqolkiiba 44 codadkii doorashada duqa caasimadda London kaga guulaystay Zac Goldsmith oo isaguna ahaa murashaxa xisbiga Muxaafidiinta, waxa aanu sidaa ku noqday muslimkii abid ugu horreeyey ee jagadan qabta, iyo weliba siyaasigii ugu horreeyey muddo 8 sano ah ee ka soo jeeda xisbiga Shaqaalaha (Labour) ee jebiya xisbiga Muxaafadka ee muddadaas xuurtada ku haystay.

1. Saadiq oo dhashay sannadkii 1970kii waxa uu ku dhashay kuna barbaaray xaafadda danyartu degto ee Tooting oo ku taalla koonfurta magaalada London. Waxa uu la dhashay lix wiil iyo gabadh. Waxa uu ka dhashay qoys asal ahaan dalka Baakistaan ka soo jeeda oo muslim ah, muddo ka horna u haajiray dalka Ingiriiska, waxa aanu ahaa da’da shanaad ee carruurtooda. Waxa uu qabaa gabadh iyaduna Baakistaan ah oo lagu magacaabo Sacdiyah waxa aanay dhaleen laba hablood.

2. Aabihii waxa ku shaqaysan jiray darawalnmo, waxa aanu waday mid ka mid ah basaska dhaadheer ee London caanka ku tahay, halka hooyadiina ay kaga shaqaysan jirtay dawaar (Dhar-tolidda). Alle ha u naxariisto ee Khaan Aabihii waxa uu dhintay sannadkii 2003dii, ka hor intii aanu Khan ku guulaysan doorashadii baarlamanka oo uu noqday xildhibaan.

3. Waa muslim weliba inta badan laga arko dhaqanno muujinaya in uu ku dhaqmo Islaanimada iyo cibaadooyinka ay waajibinayso. Laakiin waxaa yaab leh in uu aad u difaaco oo weliba fagaarayaasha ka sheego in uu taageerayo is-guursiga dadka isku-jinsiga ah. Waxa uu aad uga xumaaday oo uu si adag u cambaareeyey sawirro ka dhan ah Yuhuudda oo mar uu xisbiga Muxaafidiintu soo bandhigay. Saadiq Khan waxa uu qaaday ol’ole weyn oo uu ku badbaadinayey baar khamriga laga cabo oo ku yaalla xaafadda uu deggen yahay ee Tooting, baarkaas oo qarka u saarnaa in uu xidhmo.

4. Waxa uu ka soo horjeedaa in Ingiriisku uu ka baxo Midowga Yurub, waxa aanu taageeraa siyaasadaha ganacsiga xorta ah.

5. Khan tan iyo carruurnimadiisii waxa uu ahaa feedhyahan, ka tirsan naadiyada feedhtanka, waxa aanu sheegay in dhammaan xubnaha qoyskiisu ay feedhtanka jecel yihiin. Illaa imikana walaalihii oo dhami feedhtanka waa ay ciyaaraan.

6. Saadiq Khan waa dhakhtar ilkaha ah, laakiin waa nin u muuqda in aanu xirfaddaas ku fiicnayn, mid ka mid ah macallimiintiisa jaamacadduna waxa uu mar ku yidhi, “Waxa aad tahay nin aad u dood badan oo shay kasta in laga doodo jecel, maxaad dhakhtarnimada ku falaysaa ee aad jaamacadda sharciga u geli weyday” Hadalkaas macallinka ayaana run noqday oo muddo markii uu baranayey caafimaadka waa uu beddelay oo waxa uu u wareegay dhinaca sharciga, waxa aanu noqday qareen ku xeeldheer xuquuqda aadamaha. Dadka uu difaacayna waxaa ka mid ah Barbar Axmed oo ah saaxiibkiisii carruurnimo oo dalka Maraykanka sannadkii 2013ka loogu xidhay eedo la xidhiidha in uu dhaqaale ku taageeray argagaxisada.