Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ku Tagaya Dalka Maraykanka Bisha

0
415

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qorshaynaya inuu bisha saddexaad ee sannadkan 2022 uu safarkii ugu horreeyay ku tago Dalka Maraykanka isagoo Madaxweyne ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in la qorsheeyay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  uu safar ku tago dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan.

Wasiir Kayd oo safarradiisii u danbeeyay xog ka siinayay Golaha Wakiillada Somaliland Shalay, ayaa sheegay in la qaban qaabiyay safar uu Madaxweynaha Somaliland ku tagayo dalka Maraykanka, kadib Weftigii ka socday shaqaalaha aqalka Koongaraska Maraykanka ee Somaliland soo booqday.

“Safarkaygii Maraykanka ka dib, waa kuwii yimid weftigii Maraykanka ahaa Somaliland, kuwiina waxay keeneen in aniga iyo Madaxweynuhu aanu Maalin dhaw aanu kulan la yeelan doono Heritage Foundation, taasina ay sii u sii Gogol-xaadhi doonto safar loo qaban qaabiyay in Madaxweynuhu uu ku tago waddanka Maraykanka bisha March..” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Xidhiidhka Somaliland iyo dowladda Maraykanka, ayaa soo xoogaysanaya Maalinba Maalinba ka dambaysa, iyadoo Warbaabin badan oo Caalamiya ay sheegeen in Maraykanku uu danaynayo inuu Saldhig Ciidan ka samaysto Somaliland, taasi oo qayb ka noqonaysa qorsheyaal uu Maraykanku kaga hor-tagayo faro-gelinta Shiinaha ee Afrika, gaar ahaan Dalalka Geeska Afrika ee Somaliland ka midka tahay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office