Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Taageerayaashooda Ku Soo Bandhigay Caasimada Hargeysa

0
876

xaqaHargeysa(Geeska)-Murashixiinta urur siyaasadeedka Xaqsoor ee magaalada Hargeysa ayaa maalintii ololahooda ee Axadii doraad waxa ay magaalada Hargeysa ku soo bandhigeen cududa murashixiintooda, iyagoo goobahooda isugu geeyay bulshada ay codka ka doonayaan oo ay khudbado u jeediyeen.

 Murashixiinta ayaa taageerayaashooda uga waramay barnaamijkooda wax qabad haddii ay doorashada ku guulaystaan, waxaanay halkaas ka balan qaadeen inay  dabooli doonaan baahiyo ay sheegeen inay sababtay murashaxnimadooda oo ka jirta caasimadda Hargeysa. Murashixiinta xafiisyadooda waxa ku kormeeray madaxda sare ee urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka waramay aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin dadka ay u soo xuleen inay u tartamaan xubnaha golaha deegaanka Hargeysa.

Dr. Saleban Daahir Dogox, oo ah murashax, ayaa isagu cadeeyay in haddii uu doorashada ku guulaysto uu u tartami doono kursiga maayarnimada caasimadda Hargeysa, waxaanu soo  bandhigay cududa taageerayaashiisa, waxaanu sheegay inuu dal fog oo ah dalka Kanada uga yimid sidii uu wax uga qaban lahaa baahiyaha caasimadda Hargeysa, waxaanu taageerayaashiisa ugu baaqay inay maalinta doorashada codkooda la garab istaagaan.

Musharax Axmed muxumed Muumin(Dalmar), ayaa isna  si wayn ugu mahadceliyay masuuliyiinta Ururka Xaqsoor ee kala soo qayb gashay Munaasibada iyo Taageerayaasha Cududooda muujiyay. Musharax Axmed muxumed Muumin(DalmarO waxa uu Dad waynaha ka codsaday inay codkooda siiyaan, si ay uga mid noqdaan xubnaha Golaha deegaanka islamarkaana wax uga qabtaan Baahiyaha kala duwan ee Caasimada Hargeysa oo uu xusay inay si wayn u dayacan tahay.

Murashax Axmed Cali Muuse, waxa uu taageerayaashiisa u jeediyay barnaamijkiisa wax qabad haddii uu doorashada ku guulaysto, waxaanu sheegay inuu magaalada Hargeysa oo uu ku dhashay uu wax badan ka bedeli doono bilicdeeda haddii uu doorashada ku guulaysto.

Murashax Cabdillaahi Aw Aden, ayaa isagu sheegay inuu khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay hawlaha dawladda hoose ee Hargeysa oo uu muddo labaatan sannadood ku siman ka shaqaynayay, waxaanu sheegay inuu horeba u sii calaamadsaday baahiyaha uu wax ka qaban doono haddii uu doorashada ku guulaysto.

Murashaxad Yurub Abiib Cabdi, oo ah gabadh ka qayb qaadatay halgankii dib u xoraynta dalka, ayaa taageerayaasheeda u jeedisay khudbad, waxaana bandhiga cududeeda kala qayb galay madaxda u saraysa urur siyaasadeedka Xaqsoor oo haweenka ugu baaqay inay codkooda siiyaan gabadhaas dalka u soo halgantay.

Murashax Idiris Jabeel, oo ah macalin muddo dheer ka soo shaqaynayay wasaaradda waxbarashada, ayaa isna ka mid ahaa ragga cududooda muujiyay, waxaanu ka codsaday ardayda guud ahaan Hargeysa inay codkooda siiyaan.

Eng: Xaashi Cumar Cige oo isna hadal kooban ka jeediyay Goobtaasi ayaa ku dheeraaday sida ay doonayaan inay wax uga qabtaan Caasimada hargaysa.waxa uu sheegay inay caasimada Hargeysa u samayndoonaan dhisayn la mida kuwa caalamka islamarkaana ay samayn doonaan Xeerka  Caasimada oo aan ilaa hada jirin. Waxa uu Eng Xaashi inay haddii ay ku guulaystaan Golaha deegaanka Guryo u dhisidoonaan Dadka danyarta ah, sidoo kalena ay dadka Suuqyada ku ganacsada u dhisi doonaan Suuqyo Rasmiya oo ay ku ganacsadaan.

Murashax C/Qaadir Xasan Faarax oo ka mid ah murashaxiinta ururka Xaqsoor uu u soo sharaxay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Boqolaal ka mid ah taageereyaashiisa khudbad uga jeediyay xafiis uu murashaxaasi ku leeyahay xaafadda Sh. Muuse Ducaale ee degmada Axmed Dhagax. Waxaanu u balan qaaday taageereyaashiisa haddii uu ku soo baxo inuu wax ka qaban doono adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan tahay guud ahaan caasimadda Hargeysa iyo degmadda Axmed-dhagaxba.

Murashax Axmed Maxamed, oo ah ninka ugu da’da yar murashixiinta ururka Xaqsoor ee caasimadda Hargeysa, ayaa u muuqday si weyn ugu diyaar garoobay doorashada, waxaanu sheegay inuu caasimadda Hargeysa kala mid dhigi doono kuwa dunida, haddii uu doorashada ku soo baxo, si gaar ahna wuxuu dhallinyarada uga codsaday inay cokooda siiyaan.

Murashax, Maxamed Axmed Yuusuf (Caano-kariye) wuxuu u khudbadeeyay taageerayaashiisa oo tiro badnaa, waxaanu u soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad ee caasimadda Hargeysa haddii doorashada uu ku guulaysto, isagoo dadweynaha ka codsaday inay codkooda siiyaan. Murashax Caano-kariye, wuxuu sheegay inuu waxqabad dhab ah muujin doono haddii loo doortay golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

Murashax Cabdixakiim Gaaxnuug Gurey, ayaa noqday murashax taageerayaashiisa si weyn loo arkayay Axadii, waxaanu u jeediyay barnaamijkiisa wax qabad oo uu u soo bandhigay, isagoo codsaday in codka la siiyo maalinta doorashada.

Murashax Mubaarik Cabdi Malow, ayaa isagu dhawr xafiis oo kala duwan ka furtay magaalada Hargeysa, waxaanu taageerayaashiisa u jeediyay khudbad uu kaga waramay waxyaabaha u qorshaysan haddii loo doortay mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu sheegay inuu aqoontiisa wax kaga qaban doono waaxyaha kala duwan ee ay ka koobantahay dawladda hoose ee Hargeysa ee uu isu sharaxay.

Murashax Ibrahim Cabdi Maxamed (Weyso), ayaa isagu ka mid ahaa ragga sida weyn ay taageerayaashiisu u muuqdeen Axadii, waxaanu Mr. Weyso sheegay inuu wax weyn ka bedeli doono guud ahaan caasimadda Hargeysa haddii uu doorashada ku guulaysto.

Murashax Cabdillaahi Siciid Faarax, ayaa noqday murashax si weyn loo dareemay cududa taageerayaashiisa uu haysto, waxaanu taageerayaashiisa oo aad u tiro badnaa u jeediyay khudbad dheer oo ay ku ladhnayd barnaamijkiisa wax qabad, marka loo doorto golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu taageerayaashiisa ugu baaqay inay codkooda la garab istaagaan maalinta doorashada.

Mujaahid Deeq Ducaale, oo ka mid ah murashixiinta oo isna si weyn ay taageerayaashiisu isugu soo baxeen fagaaraha garoonka kubadda cagta ee Hargeysa ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay in loo doorto golaha deegaanka Hargeysa, maadaama oo uu ka mid ahaa raggii dhiigooda u huray dagaalkii dib u xoraynta guud ahaan dalka, waxaanu taageerayaashiisa u soo bandhigay barnaamijkiisa.

Sharmaake Muuse Dirir, ayaa isaguna taageerayaashiisa kala hadlay fagaare ay isugu soo baxeen oo ay aad u buux dhaafiyeen, waxaanu Mr. Dirir taageerayaashiisa ka codsaday inay codkooda la garab istaagaan maalinta doorashada.