“Murashixiinta Qaarkood, Markay Maansoor Joogaan Waxay Yidhaahdaan Saldhiga Waanu Ka Soo Horjeednaa”Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro

0
582

Hargeysa(Geeska):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si faah faahsan uga hadlay himilooyinka siyaasaddeed ee xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu mustaqbalka dhow ku hoggaamiyo talada dalka Somaliland, waxaana uu sheegay in xisbiga WADDANI ay bud-dhig u tahay siddii loo walaaleyn lahaa shacabka Somaliland bari illaa galbeed isla mar ahaantaana looggu horseedi lahaa horumar iyo weli ba sida oo kale ictiraaf taam ah oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidan ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyey madal uu xadhiga kaga jaraayey xafiis cusub xisbiga WADDANI uu ku yeelan doono degmada 26ka Juun ee Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in doorashada soo socota aan lagu kala badineyn qabyaalad balse lagu kala badinaayo oo keli ah codka shacabka isaga oo sida oo kale na xusay in aan doorasho lagu helayn calamaanta xisbiyada oo la jar-jar jaro iyo weli ba sida oo kale in loo xidho xayawaanada ay ugu horreeyaan eydu.

"Waxa farxad-weyn ii ah in maanta aanu furno xafiiskii ugu ballaadhnaa gobalka Maroodi-jeex oo aanu ka fureyno degmada 26ka Juun, shacbiga degmada ku nool iyagaa xafiiska furtay iyagaa kireystay iyagaa qalabeystay, taasina waxa ay muujinaysaa in ay uf ku yidhaahdeen qabyaaladda lagu la dardaar mayey, waxa ay iska taageen halkii Gaariye iska taagay oo wuxu yidhi uf qabiilka anaa leh, 26ka Juuna sidaas bay wada yidhaahdeen maanta, qoladii lahayd lama soo geli karo oo way takooran tahay indhaha aad ha u kala furaan baan lee nahay maanta, waxaana ay bilow u tahay isu hilowga  iyo isu fur furka iyo walaaleynta Maroodi-jeex, gaar ahaan Hargeysa, waxa aynu walaaleynaynaa shacbiga Somaliland, himilada xisbigaana ayey ka mid tahay in la wada walaaleeyo uma na baahnin in shacabka la kala wada qoqobo, axsaabta na waxa aynu u furanay in aynu kaga baxno qabiilka , waxaanu qabnaa axsaabta qaranka waa aynu wada lee nahay, xisbi degmo u xidhani ma jiro, magaalo xisbi u xidhanina ma jiro. Maanta lagu kala badin maayo in calamada WADDANI laga xado guryaha oo laga goosto se waxa lagu kala badinayaa quluubta shacbiga , doorashada shacbigaa lagu kala badinayaa, ey calanka WADDANI loo xidho lagu kala badin maayo, waxa lagu kala badinayaa cod iyo doorasho , shacbigu na maanta waxa ay dooranayaan Xisbiga WADDANI oo 26ka Juuna uu doortay. Maanta axsaabta shacbigaa kala dooranaya, anagu doorashada ma lihin oo murashaxiintu ma laha oo shacbigaa leh maanta awoodaada na hadaad garan weydo, waxa laga yaabaa in aad in badan aad qoomameyso.".Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro, waxa sida oo kale murashaxiinta qaar uu ku dhaliilay in marka aanay joogin Madaxtooyada ay sameeyaan dhaqano ku lid ah isla mar ahaantaana aanay muujin Karin wakhtiyada ay ku sugan yihiin qasriga Madaxtooyada, waxaana uu yidhi:

"Murashaxiinta qaarkood marka ay Maansoor joogaan waxa ay yidhaahdaan saldhiga waanu ka soo horjeednaa, marka ay Madaxtooyada tagaana waxay yidhaahdaan boqolkii boqol baanu taageersanahay, laakiin shacabkaa qiimeynta leh in aad murashaxiinta kala doorataan idinkaa xaq u leh, waxa se aan rajeynayaa oo aan ku kalsoonahay in 26ka Juun ay kala doorteen xisbiga ay raacayeen, waxaana ay doorteen WADDANI.".

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu ka hadlay xaaladda dalku maraayo gaar ahaan sicir-bararka iyo weli ba sida oo kale saameynta nololeed ee uu ku yeeshay bulshada isaga oo carabka ku dhuftay in maanta la taagan yahay xaalad aan loo sii dulqaadan Karin halka uu dalku maraayo.

"dhibbaatooyin badan baa shacbiga haysta oo hore KULMIYE u balan-qaadey in uu ka saarayo shacbiga, waxa maanta ugu khatar badan sicir-bararka oo nolosha qof kasta oo muwaadin ah taabtay, wuxu taabtay askariga ciidanka ah ee isagu na jooga Sool, caruurtiisii na joogto Hargeysa, wuxu taabtay ninka shaqalaha ah ee isna boqolka doolar qaata ama ba wax ka yar, wuxu taabtay waalidiintii iyo ardeydii jaamacadaha dhiganeysay,wuxu taabtay wixii guryaha lagu karinaayey, waxaana laga yaabaa in maanta aanay in badani awoodin oo haddii ay laba jeer wax karsan jirtay in ay hal mar wax karsato, waxa maanta la soo gaadhay oo shacabku gaadhay heer ah in aan bas la kireysan karin oo sicirkii basaska la kordhiyey sicir-bararka awgeed, waxaana la ii sheegayaa in ardeydii, shaqaalahii iyo hooyooyinkii ba ay maanta wax ay fuulaan ba la' yihiin degmadan 26ka Juun, taana ma sii wadi karno.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Murashax Cirro oo sida oo kale sii wata hadalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in maanta aan lagu kala badineyn qabyaalad balse lagu kala badinaayo oo keli ah sida loo hanto quluubta shacabka iyo weli ba sida oo kale barnaamijyada xisbiyada.

“Maanta fursad baynu haysanaa oo waxaanu balan-qaadeynaa in aanu fulineyno wixii aanu balan-qaadnay, waxaana kow noo ah in aanu qaranimada iyo midnimada iyo walaaleynta iyo ictiraafka Somaliland ba aanu siino muhiimadda koowaad oo barnaamijka xisbiga na waa ay ku qoran tahay, waxaanu idin lee nahay maanta qabyaalad lagu kala badin maayo ee barnaamijyada ayaa lagu kala badinayaa oo waxaanu lee nahay xisbiyada kale na barnaamijyadii na u soo bandhiga shacbiga, Xamar baa la tagay lagu kala badin maayo, cidna tegi mayso oo anagu na weli ba ma jeclin in aanu xisbiga muxaafadk ah aanu ku eedeyno Xamar buu tegayaa oo maalin dhaweyd saxaafaddaa qoreysay oo lahayd Muuse iyo ninkii odeyga ahaa Farmaajo ba halkaas bay isku arkaayeen, laakiin anagu kumaanan eedeyn se xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ba iyaga oo adeegsanaaya Idaacaddooda iyo Tv-good ab kun jeer bay WADDANI ku eedeeyeen arrimahaas, waxaanan lee nahay waar maanta taa lagu kala badin maayo oo doorashada shacbigaa lagu kala badinayaa ee shacbiga cabashadiisa u dhego nuglaada.".Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyn hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in ciidamada Booliska iyo qaranka ba looga faa’ideysto dano siyaasaddeed isla mar ahaantaana lagu qasbo in ay fuliyaan amaro siyaasaddeed oo aan munaasib ku ahayn in ciidamada loo geliyo, waxaana uu cidda amaradaas fulisa uu u diray fariin ku aadan in ay ka waantoobaan bahdilka ay ku hayaan dhaqanka iyo haybadda suuban ee ay lee yihiin ciidamada Booliska iyo qaranku ba.

"Walaaleyaal waxa aynu u baahan nahay in aynu mideyno shacabkeena in aynu nabad-galyada ilaalino oo ciidanka Booliska iyo ciidanka qaranku ba waxa aanu rumeysan nahay in ay yihiin inamadeenii in ay askartu yihiin askarteenii in ay saraakiishu tahay saraakiisheenii in taliyeyaashu yihiin taliyeyaasheenii, waxaana aanu ugu baaqeynaa in ay arrimaha siyaasadda ka madax banaanaadaan oo ay dhex-dhexaad ka noqdaan, qofka khaladka sameeyana isaga ayaa la la xisaabtami doonaa isaga oo shakhsi ah laakiin ciidanka wax dhibbaato ah uma haysano amarada khaladka ah ee la siinaaya na ha laga daayo iyaga na waxa aanu lee nahay shacbigu waa shacbigii aad u dhaarateen in aad nabad-gelyaddooda ilaalisaan in aad amaankooda ilaalisaan, shacbiga iyo ciidamada na waxaanu lee nahay ha walaaloo baan, maanta waxa aynu iska bedelaynaa waa xukunka KULMIYE oo toddoba sanno hayey talada dalka, waxaana aan u maleynayaa qiimeyn badan shacbigu uma baahna oo waa uu qiimeysan yahay KULMIYE oo haddii shalay ay aqlabiyaddu siisey maanta shacbiga reer Somaliland waxa ay lee yihiin naga dulqaada heeryada KULMIYE.".