Murashaxii Madaxweyne-Xigeen Ee UCID Oo Ka Hadlaya Xaaladda Dalka

0
1073

Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xisbiyada,  tabashada saami-qaybsiga, dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka, wada hadalada Somaliya iyo qodobo kale.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Axmed Cabdi Muuse Abyan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa  ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Doorashada wakhtigeedii waa la muddeeyey, laakiin waxaa jira arimo farsamo, tusaale ahaan Komishankan  muddo xilkeedkooda iyo wakhtiga ay Guurtidu u asteeyeen Doorashada waxaa u dhexeeyey 12 cisho, qaabkii la isku waafajin lahaana muran baa ka taagan, Komishanka kalena in la balaadhiyo oo sagaal laga dhigo, ayaa wali doodoodu socotaa, oo maantadan (shalay), aanu u joognay Madaxtooyada, oo aanu iskugu nimid saddexda Xisbi, doraadna aanu Madaxweynaha kala hadlaynay oo aanu u joognay, markaas arintan is waafajinta Komishanka iyo Doorashada, waa arin taagan, wejiyo badan baa loo gali karaa, laakiin ka hor dhici maayo, wali bislaynteeda iyo hadalkeedu uu socdaa, waana laba kala duwan, qaabka loo xalin lahaa, fikir iyo afkaar baa jira, maantana la soo gudbiyey, oo haddaba taagan, haddii afkaartaas la iska qaato, oo Gudidyada iyo Madaxweyuhu isla qaatan, waa laga gudbi karaa, wejiyo badan baana looga gudbi karaa, laakiin hadda ku deg degi maayo, kama hor dhacayo,  waxaana filaynaa inuu Madaxweynuhu iskugu yeedho saddexda Xisbi, isaguna uu arimahan uu eego, laakiin qabsoomida Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiiladu jiritaankeena iyo koritaankeena dalnimo waa u muhiim,dib u dhacooduna dhaawac weyn bay inagu noqonaysaa,  Doorashooyinkana dan uma ah oo qudha axsaabta laakiin waxay dan u tahay dalkeena iyo dadkeena, gaar ahaan Gobolada kala duwan ee dalka, madaama dadka la soo dooranayo ay iyagu huwan yihiin magaca iyo masabka dadka kale ee soo doortay, ee degan Gobolada dalka, ”.

Mar uu ka hadlaayey saami-qaybsiga ayaa yidhi “Saami-qaybsigu waa arin muhiim ah, oo taagan, haddii arimahaas laga gudbo, oo arimaha Doorashada iyo farsamadeeda meel la isla dhigo, qodobada ugu muhiimsan ee ku xigaya waa in  saami-qaybsiga la caddeeya, dad badan baa wax sheegaya, deegaamo badan baa wax sheeganaya, wey kala daran yihiin,laakiin waxaa ugu darini waa Deegaanada Barriga, dadka qaar baa leh ilaa saami-qaybsiga la sameeyo oo arinteeda meel la saaro, Doorasho gali mayno, arintaasina waa muhiim, sida aan rajaynayana xal baa loo heli doonaa, oo Madaxweynuhu ama go’aan Madaxweyne ha gaadho, ama si kale ha loo maareeyo, kolay Guddidayada Axsaabta ee Doorashadana ka mid baanu nahay, arimaha socda ee ina hor yaala ayuu saami-qaybsigu ka mid yahay, waana muhiim runtii in saami-qaybsiga la sameeyo, haddii la sameeyn waayana waxa dhici karta in deegaanada qaar aanay Doorashadaba ka dhici weydo, oo ay dadku yidhaadan maxaanu dooranaa, waxba ma haysane”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Kulankii dhexmaray Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Madaxweynuhu uu ka hadlay, wuxuu kula hadlayna waa tii la sheegay, arinta ah la shaqee Somaliya, meel ay ku qoran tahay wali maan arag, laakiin waa arin suuqa ku soo duulay, laakiin arinta ugu muhiisani waa in dib loo istaadho wada hadaladii labada dal, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxay u baahan tahay Gole weyn, oo Wadamo badani joogaan, ama Wadamada Afrika ama Wadamada Yurub qaarkood, gaar ahaan Wadamada adduunka ugu awooda badan, si wada hadaladaas iyagu hadhaw ay markhaati ugu noqdaan, laakin Somaliland iyo Somaliya oo kaliyi qol iskuma soo xidhan karayaan, Somaliyana haddii ay doonayso inay hogaamiso ama maamusho arinta wada hadalada wax suurtagal ah maaha, waaqicina maaha, waayo ninka aad wada hadlaysaan, oo hadalku idinka dhexeeyo haddii uu yidhaahdo aniga wada hadalada wadaya waaqici maaha, siday ay Masuuliyiinta Xamar u fikirayana shaqeeyan mayso, markaas waa in ciddi ku dhex jirtaa, oo awoodo kale oo wax fulin kara, waxna riixi kara waa inay ku dhex jiraan, oo goob joog ahaadan”.

Mar uu ka hadlaayey mashruuca Berbera Corridor  ayaa wuxuu yidhi  yidhi “Mashruucaas iyo mashariic kale oo hadda socda Somaliland muhiim ayay u yihiin, waxayna muujinayaan in loo soo jeestay, Somaliland oo nabadgalayo iyo degaanini ka jirto, waana fursad, waxaana runtii la eegaya inay Doorashooyinkaasi dhacaan, haddii Doorashooyinku dhacaan, arimuhu wey ka sii wanaagsanayaan, oo kalsooni badan oo Somaliland loo qaado ayaa keenaysaa, isku xidhka dhaqaale ee dalkeena cid kasta ayaa ka faa’iidanaysa, xatta alaabta Dekadda ka soo degta Somaliya ayey gaadhaysaa, siday Itoobiya u gaadhayso”

Mar uu ka hadlaayey Xisbi ahaan siday u arkaan khilaafka ka dhex taagan Somaliya iyo  Kenya ayaa yidhi “Wax kasta oo ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, waa dad Somaliya, in lagu soo xudgudbo maaha, ama Jabuuti ha noqoto, ama Somalida Itoobiya ha noqoto, ama Somalida Kenya ha noqoto, ama Somaliland ha noqoto, ama Somaliya ha noqoto, waa dhul Somaliyeed, waa Bad Somaliyeed, dadku Somalidu dawladdo ayey ku kala jiraan, oo Siyaasadu ayaa u kala duwan, halkana waa Somaliland, balse haddana dadku waa dad isku isir ah, waa dad walaalo ah, hawl baa socotay, oo Maxkamad bay ku jirtay, haddii Kenya ay Maxkamada adduunka imaan ku qabato, oo aanay khalad ku socon kamay hor dhacdeen, oo lamay timaadeen talaabooyinkan ay qaaday, oo sida aanu anagu u aragno wey ku deg degtay”.

Ku Xigeeka Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Xisbiga Waddani Ka Dalbaday Inay Soo Cadeeyaan Inuu Xubin Ka Yahay Xisbiga Kulmiye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here