“Agaasimaha Shaqo Qaran, Waa Nin Muwaadin Ah, Wax Qabad Ayaanu Muujiyay”

0
1135

Maxamed Cabdillaahi Uurcade

Hargeysa (Geeska)- Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa soo dhaweeyey qorshaha shaqo qaran ee Xukuumaddu wado, waxaanu tilmaamay inuu qorshahani yahay qorshe aad u fiican, oo ka madhan qabyaalad iyo eex, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Hay’adda Shaqo Qaran Mu’adinka.

Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa issgoo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Arinka shaqo qaran, waa arin aan wali hore u dhicin, oo muhiima oo geesinimo ah, wax yarna maaha in tiro aad u badan oo dhalinyaro ah in meel la iskugu keenay, oo la shaqaalayey, oo Somaliland laga soo ururiyey, waxaana ka sii qiimo badan imtaxaanka ay ku soo baxeen, ee aanay reer hebelinimo aanay ku soo bixin, waxaanu ku soo daalnay rere hebel baa la siiyey iyo reer hebel baa la qadiyey, Madaxweynahana aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa, hawshana waa hawl qaranka loo qabtay ee maaha hawl cid gaar ah loo qabtay, Agaasimaha Shaqo Qaran Mu’adinka aad iyo aad baan u aqaana, isku fasalna waanu ahayn, runtiina Agaasimaha Shaqo Qaran, waa nin wadinaya, oo dalkan wax badan u soo qabtay, muddadii yarayd ee uu xilka hayeyna si fiican buu uga soo dhalaalyey waajibaadkiisa qaran ee loo igmaday, fikirkan shaqada qarana aad iyo aad baan ugu bogaadinayey, shaqaalaha dawladdana sida loo qaatay ee gobolada looga qaatay, runtii waxay suurtagashay in laba walaalo ahi inay xafiis wada fadhiisan karaan, oo shaqana wada gali karaan, horena Somaliland ugamay dhicin”

Mar uu ka hadlaayey mashruuca waddada Berbera Cooridoor ayaa yidhi “Mashruuca Berbera coordoor, wuxuu bilaabay wakhtigii Daahir Rayaale, EU-da ayaa dhisaysay, Berbera Coodirdoor, oo Dekaddan iyo mashaariicdani may jirin,wakhtigii ay Xukuumaddii Axmed Siillaanyo dhalatay, ayaa Hay’addii Waddooyinka meesha laga saaray, oo waxa la hoos geeyey Madaxtooyada, dabadeed arintaasi halkaas ayey ku baabaday, Golihii Deegaanka ee Hargeysa, ee kuwan ka horeeyey, ayaa bilaabay in Berbera Cooridoor intan Hargeysa ku aadan ee waddada cusubi marayso inay baneeyaan, waddadu waxay ka soo leexaynaysay Dhakhtarka Shifo, ilaa Haleeya, Goluhuna wuxuu baneeyey ilaa inta ku aadan Beerta ina Jaamac Badmaax, meel ku dhaw, dadkii halkaas degaana waan xasuusta oo si layaab leh ayey u soo dhaweeyeen, oo ay tahay in loogu mahadnaqo, oo noqonaysa ilaa iyo 21 km, ilaa intii Daahir Rayaale waddada la waday tan ayey ahayd, ilaa iyo intii aynu dalka soo galay Xukuumaddii timaadaba, Waddooyinka waa la kab-kabaayey, kab-kabkana dadku dhibaato ayey kala kulmayeen, oo marba meel baa jabta, markaas waxa muhiim ah haddii ay dhaliili jirtaba waxa dhaliisha iska leh Golihii uu hogaaminayey Cirro, maxaa yeelay heshiiska la soo kordhigay wax la yidhaahdo waddo cusub oo ku jirtay oo la ansixiyey may jirin, kolay in waddo caalamiya oo lagu kalsoonaan karo, oo dalka laga dhisaa muhiim bay ahayd, maantana haddii ay inoo timid waa nasiib aad iyo aad u wanaagsan, aadna waanu u soo dhaweeynaynaa, waxaana intaas raaca todoba biriish, oo marka uu roob da’o galbeed ilaa bari khasaare nafeed iyo khasaare maalba wey ka dhici jireen, laakiin mar haddii biriishyo laga dhisayo waan soo dhaweeynayaa”

Uurcadde mar uu ka hadlaayey Farmaajo ayaa yidhi “Ninka Farmaajo la yidhaahdo, ee gurigaasa lagu ilaaliyo, waxaan leeyahay Somaliland loogama baqaayo Farmaajo iyo cid la mid ah inay wax yeesho, Somaliland may goosateen haddii aanay Wadankeeda difaaci karin, waxaana wanaagsan inuu Farmaajo taas fahmo uu khiyaaliga la baxo”,

Mar aanu wax ka weydiinay xukunkii Maxkamadda iyo halka uu ku dambeeyey ayaa ku jawaabay “Cirro ayaa ambiil qaatay, ee isaga ayaa la weydiin doonaa sababta uu ambiilka u qaatay”

Dhinaca kale wuxuu soo dhaweeyey biyo balaadhinta Magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in Magaalada Hargeysi ay sii fidayso, dadkeeduna sii badanayaan, isla markaana hadda aanay haysan biyo ku filan, balse wuxuu si gaar ah u sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo qorshaha Xukuumadda ee ah biyo balaadhinta Magaalada,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here