Murashax Cirro Oo Ka Digay In La Soo Celiyo Guddigii Nabadgelyada Ee 7 Sannadood Ka Hor La Laalay

0
1039

Hargeysa, (Geeska) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa si adag uga digay in dib loo soo celiyo guddiyadii Nabadgalyada ee mudo todoba sanadood ah uu Madaxweyne Siilaanyo uu digreetadii ugu horaysay uu ku baabiiyey, waxaanu ku tilmaamay gaf sharci oo cid aqbalaysaa aanay jirin.

Murashax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaasi ku daray in guddiyadan nabadgalyada lagaga dhawaaqay markii u horaysay gobolka Togdheer, waxaanu si adag uga digay hagardaamada ay guddiyadani ku yeelan karaan xisbiga Mucaaridka ah iyo in dalka ay doorasho xor ahi ay ka dhacdo.

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Ciro, waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyey Munaasibad balaadhan oo shalay loogu qabtay Hargeysa taageerayaal ka soo jeeda Waqooyiga Hargeysa oo taageeradooda u muujiyey xisbiga waddani.

Murashax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbadaasi kaga hadlay arimo door ah ayaa waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Runtii waxa farxad weyn ii ah in munaasibadan aadka u weyn ee lagu soo dhaweynayo beesha Makaahiil haldoorkiisa intii ka hadhsanayd. Xisbiga Waddani way aasaaseen laakiin intii ka hadhsanayd, hablihii dhalinyaradii, haldoorkii, siyaasiyiintii, dhakhaatiirtii aad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa, waanu uga mahadnaqaynaa Odayaashii iyo dhalinyaradii soo agaasimay munaasibadan.

Munaasibadani sidii aad arkayseen way ka duwanayd munaasibadihii kale in badan way u ekayd laakiin inbay kaga duwanayd, waxay kaga duwanayd in shacbigu uu dareemayo in asxaabta la wada leeyahay, in asxaabta wax lagu darsado. Mararka qaarkood dadku waxay u haystaan in asxaabta waxuun loo soo doonto laakiin waxay inoo fureen bogg cusub oo ah in aduunyo lagu darsado in tacab lagu darsado in guryo lagu darsado, waxay ila tahay inay albaab fiican inoo fureen, taasi waxay xaqiijinaysaa wada-lahaanshaha axsaabta qaranka aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.

Waxa inagu yaraaday wakhtigii waxaynu gudo galaynaa xiligii ololaha rasmiga ahi uu bilaabmayay Sabtida, waxaan isleeyahay shacbi badan, beelo badan, ururo badan oo dhalinyaro iyo kuwo bulsho ayaa kuyuu dheer ku jira, nasiibdaro se xafladihii waynu koobaynaa oo waxa laga yaabaa barito inay ugu dambayso laakiinse siyaabo kale ayaynu dadka usoo dhaweynaynaa, hadii Illaahay ka dhigo.

Somaliland maanta doorashay gelaysaa wax lala yaabo waxa ugu horeeya Kulmiye wuxuu leeyahay isbadal ayaan keenayaa, horta yuu badalayaa isagu? Waxay ila tahay shacbigu wuxuu doonayaa isbadal, cida uu doonayo in la badalaana waa Kulmiye.

Waxaanu shacbigu doonayaa marka aanu dareenkooda eegno in si xor ah loo tartamo oo aan dadka basaska la iska hortaagin oo dadka meelaha maxfalada ee lagu shirayo la iska-hor-taagin, qof waliba xorbuu yahay, ka gurigayga joogaa xisbiga uu galayo xaqbuu u leeyahay, muwaadin kastaaba xaqbuu u leeyahay cida uu dooranayo, waxaynu asxaabta u samaysanayna waa inaynu asxaabta kala galno, imikaba Kulmiye qaar beeshayda ahi way ku jiraan waliba aad ugu ooya, waxaynu doonaynaa hanaankaa aynu qaadanay ee dimuqraadiga ah inaynu ku dhaqano.

Waxaanu leenahay Kulmiyow waynu tartamaynaa anagu cunfi ma rabno, kulama talinayno taageerayaashayada hadal cunfi leh iyo ficil cuni leh midna, waxaynu doonaynaa inaynu doorasho rasmi ah oo xalaal ah oo xor ah galno.

Waxase layaab leh Kulmiye markuu xukunka yimid wareegtadii ugu horaysay ee uu Madaxweynuhu soo saaray waxay ahayd waxa la baabiiyey gudiyadii nabadgalyada oo Kulmiye aad uga caban jiray, waxa la igu yidhi gudiyadii Nabadgalyada dibaa loo soo sameeyey, maantaa lagu dhawaaqay qaar oo Togdheer ayaa lagaga dhawaaqay. Horta marka hore waa sharci daro oo Amarka Madaxweynuhu haduu shaqayn waayo dee waynu iska kala tagaynaa saw maaha, sharciyadeediina waa la baabiiyoo xeerbaa lagu baabiiyey, waxaana loogu talogalay asxaabta mucaaridka intay guddida nabadgalyadu fadhiistaan ay gudoomiyaha gobolka ee xisbiga Mucaaridka, hawlwadeenada ololaha ay xidhaan, wax kale looguma talogalin taas cid caqbalaysaa ma jirto, waanu ka digaynaa, waxaynu doonaynaa in doorasho xor ah aynu galno oo cidina cid aanay muquuninaynin laakiin waxa uu muwaadinku xaq u leeyahay in waraaqda xisbiga uu doono uu ugu rido, wax kale oo aynu u baahanay miyaa jira? Maxaa looga baahan yahay guddiyada nabadgalyada ciidankii Bileysku wuu joogaa, ciidankii Nabadsugidu wuu joogaa, Ciidankii Milatarigu wuu joogaa, masuuliyiintii way joogaan, asxaabtii way joogaan, waxay ila tahay arintaa aad ha looga fiirsado, cid yeelaysaana ma jirto, waana gaf sharci.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).