Murashax Cirro Oo Doorashadii Qabsoontay Ku Tilmaamay Inaanay Xor Iyo Xalaal Ahayn

29
3487

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa meel adag iska taagay doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 13 November, waxaanu ku tilmaamay inaanay ahayn doorasho xor iyo xalaal ah.

Cirro oo xalay cawayskii saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu sheegay inuu madmadow badani ku jiray doorashadaas, waxaanu yidhi “Waxaan salaamayaa shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan walaalayaal waxaynu ka wada shaqaynay dhamaanteen inay dalka inooga qabsoonto diiwaangalinta codbixiyayaasha kadibna aynu helno doorasho xor ah oo xalaal ah taas oo aynu bilownay 2013-kii, waxa ayaan daro ah in aanay inoo qabsoomin doorasho xor ah oo xalaal ah 13-Nov-2017. Dhacdooyinka aan soo qaadan doono waxa ka mid ah in la xidhxidhay masuuliyiin iyo taageerayaal tiro badan intii ka danbaysay 13-Nov ilaa maalintii doorashadu socotay, qaar ka mid ahna guryahooda loogu daatay goor habeenimo ah, arintaasi waa arin aan la qabli Karin arintaasi waxay abuuri kartaa xaalad amniga wax u dhinta sidaas darteed waxa aan so jeedinayaa in muwaadiniintaas xoriyadoodii oo taam ah dib loogu soo celiyo.”
Cirro oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Walaalayaal doorashada madaxtooyada ee Somaliland ee inoo qabsoontay 13-Nov waxa ku gedaaman madmadaw faro badan kaas oo dhaliyay musuq maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan degmo doorashooyinka Somaliland, waxaanan tusaale u soo qaadan karnaa dhacdooyinkan maalintii doorashada. Waxa ay goobjoogayaasha xisbiga Waddani ay soo gudbiyeen 1200 oo dhacdo oo isugu jiray dhib loo gaystay iyo hadidaad ama gacan ka hadal iyo khaladaad ku saabsan habsocodka doorashada, waxaad ogtihiin in horjoogayaasha caalamiga ahi ay qireen in carruur da’doodu ay ka yartahay intii loo ogolaa 7 jir iyo dhawr iyo toban jir ay codeeyeen, waxaad la socotaan in komishanka doorashoyinku ay qirteen in buugaagtii qaar ka mid ah ay ka baxeen faraha komishanka suuqana laga soo helay arintaas oo foolxumo weyn ku ahayd doorashada guud ahaan, waxa kale oo la helay sanaaduuq badan oo tirada ku jirtaa ay ka badantahay tii loogu talo galay inay ka codeeyaan, waxa kale oo dhacday doorashadan inay suurto gashay in dad geeriyooday Alle hawnaxariistee ay codeeyeen, waxaanu shacbiga Somaliland iyo teegeerayaasha xisbiga Waddaniba aanu u xaqiijinaynaa in aanan aqbali doonin xaq daro iyo wax sharciga baalmarsan, hasa yeeshee waxaanu ku wargalinaynaa taageerayaasha xisbiga Waddani inaan xaqiijinta helitaanka xuquuqdooda u mari doono dariiq nabad ah.”
Isagoo sii sharaxaya doodiisa wuxuu yidhi “Walaalayaal sida aad ogtihiin waxa dhacay dhib weyn doorashada kadib waxa daatay dhiig muwaadiniin aan hubaysnayan oo waxay galeen jirin ayaa geeriyoday waxa cisbitaalada Burco iyo Hargeysa jiifa dad dhaawac halis ah uu soo gaadhay, dadkaan indhahayga ku arkay wax ka mid ahaa wiil yar oo 13 jir ah oo feedhaha ay rasaasi kaga jirto, waxa ka mid ahaa inan yar oo 13 ahayd oo sida naloo sheegay dhuxul u donaysay reerkooda, alle hawnaxariistee dadka Hargeysa ku geeriyooday waxa ka mid ahaa hooyo meherad yar haysatay oo markaas ka soo rawaxday oo gurigeeda ku socota, taasi waxay na tusaysaa in rasaas aan loo miidaan yeelin shacbiga loo adeegsaday. Arintaas masuuliyadeeda waxaanu saaraynaa arinaas masuuliyadeeda waxaanu saaraynaa xukuumada waxaanuna uga digaynaa ciidamada amaanka inay shacbiga u adeegsadaan rasaas si aanay dhib u soo gaadhin shacbiga ay ka masuulka yihiin amaankooda, walaalayaal maanta uma baahnin inuu dhiig badan daato uma baahnin inay xaalad amni daro ay abuuranto, uma baahnin in walaalnimada iyo midnimada shacbiga Somaliland ay dhib soo gaadho, waxaan uga digayaa masuuliyiinta xukuumada iyo xisbiga Kulmiye inay ka fogaadaan arimaha kicitaanka iyo xaalad abuurka ay faraha kula jiraan oo ay ka mid taay xadhiga aan sharciga ahayn ee masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Waddani iyada oo dalku ku jiro xaalad xaasaasi ah, waxaan u sheegayaa taageerayaasha xisbiga Waddani inay taariikhdu isqorayso caalamkuna soo eegayo Somaliland sidaas darteed laynooga baahan yahay deganaashiyo iyo in aynu wax ka barano waxii dhacay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here