Muran Ka Dhashay Gabadh Uu Dhalay Madaxweynaha La Doortay Ee Maraykanka Oo Iyada Iyo Ninkeedu Ka Qayb Galeen Kulankii Uu La Yeeshay Raysalwasaaraha Japan

0
696

1New York (Geeska)- Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald J. Trump ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee diblumaasiyadeed khamiistii toddobaadkii hore la qaatay raysalwasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe oo uu ku qaabilay satiisa dheer ee Trump Tower oo ku taalla magaalada New York.

Kulanka labada hoggaamiye oo qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo, kadib ayaa raysalwasaaraha Shinzo Abe oo ka hadlay uu ku tilmaamay mid aad u togan oo midho dhal ahaa, in kasta oo aanu ka warramin tafaasiisha waxa ay ka wada hadleen.

Haddaba isla markii sawirrada kulankan laga baahiyey dibadda u soo baxeenba  waxa uu muran xoog leh iyo hadal hayn badani ka dhalatay sababta gabadh uu dhalay madaxweynaha la doortay iyo saygeedu ay goob joog uga noqdeen kulankan oo ahaa kulan madaxeed diblumaasiyadeed.

In kulankan ay ka qaybgasho Ivanka Trump iyo saygeeda Jored Kushner ayaa dad badani ay is weydiiyeen sababteeda, iyada oo weliba la og yahay in Ivanka oo ah 35 ay maamusho ganacsiga iyo qayb ka mid ah shirkadaha Trump oo ay xilkooda la wareegtay tan iyo markii uu ku guulaystay madaxtinimada dalka Maraykanka. Dad badan oo arrintan diiddan ayaana qoraalladooda ku tilmaamay in ay tahay calaamad muujiaysa in ay inantani noqo dooto Marwawada koowaad ee dadban. Halka Jored Kushner na ay warbixinaha warbaahinta Maraykanka qaarkood sheegeen in loo magacaabay ka mid noqoshada hawlwadeennnnada Donald Trump, halka warbaahinta qaarkeedna ka sheegtay in Kushner loo magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee ee madaxweynaha la doortay, suurtogalna ay tahay in sababta xilkaas uu shirkan kaga qaybgalay. Si kastaba ha ahaato ee sharciga dalka Maraykanka ayaa shuruudo adag iyo digniino badan ku ladhay in madaxweynaha Maraykanku uu qof qaraabadiisa ka mid ah u magacaabo xil rasmi ah oo dawladda ka mid ah.

Dhinaca kalana talefishanka CBS ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in Trump uu doonayo in uu dalbado in labadiisa wiil ee Donald Jr. iyo Eric iyo sidoo kale inantiisa Ivanka iyo ninka uu sodogga u yahay ee Kushner lagu daro dadka ilaalada adag la siiyo. Caadi ahaan madaxweynayaasha Maraykan loogama baran in ay carruurtooda ku daraan liiska dadka la siinayo ilaalada adag ee gaarka ah ee guriga Cad.