Muqaallo Humaag Ku Jiro Oo Hadba Sida Ay Kugu Muuqdaan Qofka Aad Tahay Sheegayaan

0
730

Qof kasta oo laxaadka aragga qabaa waxa uu arkaa muuqaallo humaag ku jiro oo marka u horreysa ee uu eego maskaxdu sawirro kala duwan ka qaadato. Waaba sida kurtinkii, bahalka ula ekaaday Cigaal Shidaad, ama xiddigaha qolfoofka neefka Geela ah inoola ekaaday ee aynu u bixinnay awrka cirka. Laakiin hadda arrinta cusubi waxa ay tahay xeeldheereyaasha oo sheegay in hadba sawirka uu muuqaalka humaaggu ku jiraa kula ekaanayaa in laga garanayo wax badan oo ku saabsan shakhsiyaddaada iyo qofka aad tahay.

Qoraal xiise badnaa oo ay arrintan ka samaysay shabakadda ‘Tarbiya Dakiyah’ oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa soo qaadatay sawiro muuqaallo kala duwan laga qaadan karo, kaddibna qof kasta muuqaalka uu moodo ayaa ay u sheegaysaa shakhsiga uu yahay. Haddaba sawir kasta eeg adiga oo aan eegayn waxa ku hoos qoran, kaddibna muuqaalka uu marka koowaad kula ekaado, markaas kaddibna akhri qoraalka ka hooseeya si aad u garato shakhsiyaddaada.

Haddaba muuqaalkan deymadii koowaad haddii aad moodday:

Rah

Dad sawiran la tusay badankoodi deymadii koowaad waxa ay fahmeen in uu yahay rah. Haddii aad ka mid tahay kuwaas raha moody, waxa aad tahay qof furfuran. Waxa aad isku daydaa in aad noqoto qof qof run sheeg badan, in uu dadka kale si toos ah ula macaamilana jecel wax kasta oo dhaca. Dadka kale waxa ay kuu yaqaannaan ruux la isku hallayn karo oo kalsooni mudan. Hadalkaaga kuma badna duurxulka iyo in aad si dadban farriimo ugu gudbiso, sidaas dadku taladaada iyo aragtidaada waa ay qaataan.

Faras

Haddii aad deymadii koowaadba muuqaalkan faras madaxii moodday, waxa aad tahay shakhsu mufakir ah. Maskaxdaadu waxa ay awood u leedahay lafagurka iyo goryfaynta arrimaha.

Ma tihid dadka sida fudud arrinta muuqaalkeeda duleed uun ku qaatay. Waxa leedahay dabeecad aad wax ku naqdiyo karto, waxa aanad doorbiddaa in mawqifka aad qaadanaysaa uu noqdo mid adiga kaa yimi.

.

Haddaba muuqaalkan deymadii koowaad haddii aad moodday:

Saddex Buti

Haddii markii aad sawirkan eegtayba uu kula muuqday saddex xayawaanka butida loo yaqaanno ee cidhifyada adduunka ee barafleyda ah ku nool; macnaheedu waa in qaabka aad u fikirtaa ay tahay qaab lafagur iyo gorfayn ah. Waxa aad tahay dadka nooca jecel in dhibaatada loo xalliyo qaab maangal ah oo nidaamsan. Waxa aad isku daydaa in dhibta aad u qaybiso qaybo (Goballo) kala duwan, kaddibna qayb-qaybtaas loo galo fahamkeeda iyo xal u heliddeeda. Habdhaqankani waxa uu caawiyaa in la fahmo,si wax ku ool ahna loo xalliyo.

Buuro

Haddii qacdii koowaadba aad sawirkan u aragtay buuro, markaad u fiirsatay kaddibna aad aragtay xawaanka butida, waxa aad tahay dadka Alle ku abuuray dareenka iyo garashada sare ee u dhalashada ah, waxa aad kalsooni badan ku qabtaa abuurtaada, inta badanna kalsoonidaas waa aad ku guulaysataa.

Waayoaragnimadaada ayaad u adeegsataa in dhibaatooyinka aad si dhaqso ah u xalliso, inta badanna kuma hungawdid. Awoodaha mujicsada ah ee aad leedahay waxaa ka mid ah in maskaxdaadu ay si dhaqso ah isugu xidhi karto meelaha ay isaga eegyihiin go’aamada iyo dhacdooyinka kala duwani. Arrintani waxa ay caawisaa in si dhaqso ah aad u hesho xalka ku habboon dhibtada ku hortaaalla.

 

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

Laba dabagaalle oo laan geed saaran mise weji haween

Sawirkan dadka badankoodu waxa ay markaba si fudud uga arkayaan laba dabagaale oo laan geed ku fadhiya. Sababtuna waa dadka oo marka horeba u badan. Waa dadka mawqifka ama arrinta hortaalla si duuduub ah markaba isha ugu wada dhufta iyaga oo aanu dadaal ka bixin. Haddii aad dadkan tahay, xirfaddaadu waxa ay kaa caawinaysaa in aad qiimayn karto mawaaqiifta kaa hor yimaadda, in aad aragtida koowaad faham fiican kaga qaadan karto xaaladda la doonayo in aad wax ka tidhaahdo ama dhibaatada la doonayo in aad xalkeeda raadiso.

Weji Haween

Dad aad u yar ayaa awoodaya in sawirkan ay ka dhex arkaan weji haween. Dadkaasna in aad u tiro yar oo ka mid ah ayuunbaa awood u leh in ay deymada koowaad ama dadaal la’aan arkaan wejigaas. Haddii dadaal kaddib aad wejigaas marnaba ka arki weyday muuqaalkan, in yar madaxa dhinaca bidix u qallooci, ama sawirka inta aad aad u yarayso ka durug. Waxa aad arki doontaa labada dabagaale oo midkood uu isu beddelay debnihii weji haween, midka kalana uu noqday mid ka mid ah labadeeda indhood.

Haddii aad wejigan aragtay waxa aad tahay qof leh shakhsiyad inta badan ee dadka ka duwan dhinaca maskaxda iyo fikir wanaagga. Waxa aanad awood u leedahay in aad wax ka aragto ama ka dareento meel aan inta badan dadka dhaqso ugu muuqan. Tasa oo aad kaaga caawisa shaqadaada iyo xidhiidhadaada bulsho labadaba.

 

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

Nin muraayadda indhaha sita

Haddii sawirkan deymadii koowaadba uu kula muuqday nin muraayadda indhaha isticmaalaya, waxa aad ogaataa inaad tahay shakhsi jecel in arrimaha uu ka go’aan qaadanayo ama erey ka odhanayo marka hore sawirkooda guud uu wada helo. Ma jeclid in aad qadiyadda marba dhinac ka eegto iyo in aad ku go’aan qaadato arrin aanad xogteeda oo dhinac kasta ah haynin.

Waxa kale oo ay muujinaysaa in aad tahay sakhsi awoodda fikir ee maskaxdiisu sarrayso oo dhowr deymo oo degdeg ah ku aqoonsan kara xaaladda hortaalla, waxa aad awood u leedahay in xogta aad u baahan tahay aad urursato.

Gaadhi

Haddii deymadii koowaadba aad gaadhi aragtay, waxa aad mudan tahay in laguugu majeerto dhugmo iyo fiira dheeri aad si faahfaahsan u fahamto arrimaha. Waxa aad tahay dadka jecel in shay kastaa uu ku socdo qorshe dejisan. Laakiin taasi ma sababto in ay go’aamadu waqti dheer kugu qaataan.

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

Weji dumar

Haddii aad markaba aragtay weji dumar, macnaheedu waa in aad leedahay wacyi iyo dareen mar kasta ku baraarugsan waxa hareerihiisa ka socda. Waxa aad awooddaa in aad si fudud u ogaato xaqiiqooyinka ku xeeran. Taasina waxa ay kaa caawinaysaa in aad mar kasta la soo baxdo natiijo fiican iyo in aad hanato afkaar cusub.

Ubax

Haddii aad aragtay ubax, waxaa laga yaabaa in aad jeceshay dabeecadda iyo deegaanka dabiiciga ah. Waxa aad aad u tixgelisaa dunida kugu xeeran, laakiin haddana waxa aad xariif ku tahay marka aad u baahato in aad si fudud uga baxsato dhibaatooyinka nololeed ee maalinlaha ah.

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

Jiir

Haddii deymada koowaadba aad aragtay muuqaal jiir, macnaheedu waa in aad tahay shakhsi horyaal ah. waxa aad jeceshay in aad arrimaha dhinca togan ka eegto. Laakiin ma tihid dadka fikirkoodu waaqaca ku fadhiyo. Dadkuna inta badan waxa ay kaa amainaan in aad tahay shakhsi murugadu ku badan tahay. laakiin haddana wacyiga dunida ku xeeran aad ugu baraarugsan.

Bisad

Haddii aad sawirkan ka dhex aragtay bisad, macnahu waa in aad tahay qof waaqaca ku dhaqma oo aan jeclayn mala-awaalka iyo filashada. Waxa aad si fiican u taqaannaa waxa aad u baahan tahay. Dhibaatada aad leedahay waa in aad arrimaha isku wada qaaddo oo aanad mararka qaarkood in wanaagsan iyo in xun u kala reebin. Laakiin dhinaca kalana waa arrin togan oo firfircoonidaada ka qayb qaadata.

Muuqaalkanna deymadii koowaad haddii aad moodday:

Gabadh daaqad eegaysa

Haddii aad sawirkan marka hore ka aragtay gabadh daaqad eegaysa, waxa aad tahay dadka nooca inta badan aan dan ka gelin ama indhaha ka laliyo khatarta. Marar badanna waxaaba dhici karta in aad noloshaada khatar geliso adiga oo aan is ogeyn ama ku talagelin.

Marar kale oo badanna waxa aad tahay shakhsi dhayalsi badan, dadka qaarna maangaabnimo yar ku tuhmaan. Dhibtaada ugu weynina waa in aanad waajihi karin cawaaqibka xun.

Qolfoof madax

Aragtida koowaad ma qolfoof madax baad aragtay? Haddii ay sidaas tahay, waxa aad tahay shakhsi noloshiisa oo dhami ku dhisan tahay waaqaca iyo runta ay arkayso oo keliya. Himilo badan kuma kalsoonid, waxa aanad u badan tahay niyad xumada iyo in aanad inta badan samaan filan, gaar ahaan marka aad la macaamilayso dadka aan aad kuu garanayn.

Wax kasta oo wanaagsan haddii aad haysato warwraka ku haystaa waa waxa ka dambayn doona, waayo waxa aad aaminsantahay in waxa wanaagsani aanu waarin.