Munaasibad Xadhiga Lagaga Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Kaluumaysiga Loo Dhisay

0
654

 

Picture3Hargeysa( Geeska )- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray dhiseme wasaaradeed oo ay wasaarada kaluumaysigu ay dhisatay, isla markaasna ah wasaarad ay xukuumadu maalgalisay.

Xaflad kooban oo wasaaradu ay u qabatay dabaal daga dhisamahan oo ah mid aad u quruxbadan isla markaasna qalabaysan, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradan waxaana ka soo qaybgalay madaxweynaha Axmed Siilaanyo, gudoomiyaha maxkamada sare,tiro aad u badan oo wasiiro ah iyo mari kale oo shaqaalaha dawlada u badan.

Madaxweyne Axmed Siilanayo ayaa wasaaradan iyo wasiirkeedaba amaanay waxaanu si cad uga hadaly sida ay xukuumadiisu ugu heelantahay in laga faa’idaysto khayaraadka bada,lana barto cilmigeeda.

Sida oo kale wasiirka kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cimaan (Geeljire) ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay da’daal badan ku bixiyeen dhismaha wasaaradan isla markaasna xukuumadu ay maalgalisay ayna wasaaradiisu sare u qaaday dakhliga dawlada dhanka bada ka soo gala, isla markaasna ay da’daal ku baxin doonaan sidii kaluumaysiga sare loogu qaadi lahaa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “ Farxad bay noo tahay in aad maanta nagala soo qayb qaadataan dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Qof walba halkii loo xil-saaray waa inuu hor mariyo, Xukuumad ahaan,  guud ahaan Madaxweyne waa mid inoo ah Siyaasad oo Qof walba halkaa loo xil-saaray inuu horu-mariyo ayay talaabo  yar ka tahay Madaxweyne oo aanu hore u qaadnay, Xarun Wasaaradeed oo ay Xukuumaddu maag-galisay 100 % iyadda oo aan hay’adda laga soo qaadin wasaaradanbaa u horaysay, Fikirradda dhisamaha wasaaradana waxa lahaa  Nin ka mid ah Shaqalaaha Wasaaradayada oo ah Agaasimaha Maamulka.”

Gudoomiyaha is kaashatada kaluumaysatada Yuusuf Canbar oo isaguna dhankiisa halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay taageero badan wakhtigan ka helaan wasaarada kaluumaysiga, waxaanu si cad u sheegay in loo baahan yahay Ia maalgaliyo kaluumaysatada dalka, da’daal badana lagu baxiyo qaboojiyaal iyo baraf dhaliyayaal si loo kaydin karo kaluunka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ugu danbayntii xafladaas furitaanka ah hadal kooban ka jeediyay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxa farxad weyn kuligeen maanta inoo wada ah in aynu furno xarunta wasaarada kaluumaysiga oo runtii ah wasaarad aad u qurux badan  oo daar wanaagsan loo dhisay, kaluunku nicamka alle inuugu nimcaystay ayuu ka mid ayay xeebta Geeska Afrika ugu dheer ayaynu leenahay,waxaynu maanta dunida u dhoofinaa waa xoolo nool waxaynu kari karnaa hadii aynu horumarino oo ka shaqayno oo aynu u soo jeesano inaynu kaluunka u diri karno sida aynu xoolaha nool u dirno, waxaynu u baahanahay in aynu ka shaqayno oo u soo jeesano waxaynu u baahanahay in aynu sida xoolaha u dhaqno oo aynu cilmigiisa iyo aqoontiisa barano, waxaan leeyahay haynoo ahaato go’aan iyo siyaasad in aynu kaluunka ka shaqayno, aad baan ugu hanbalyaynayaa wasiirka iyo wasaaradaba daartan caqiibada leh ee aadka u wanaagsan, waxaanan ku dhiiri galinayaa kana baaln qaadayaa in aynu hawshaas kaluumaysiga ka shaqayno oo aynu u ka dhigno meel ay umadeenu u aydo.”