Guddiga Dan Iyo Duco Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

0
523

 

Angoo ah odayaal ka mid ah gudida Dan iyo Duco waxaanu jawaab kooban ka bixinaynaa hadal ku soo baxay mid  ka mid ah wargaysyada oo wax ka sheegayay gudidan Dan iyo Duco, waxa ku qornaa wargayskaas oo Waahen ah maaha wax sal iyo raadtoona leh, Gudoomye ku xigeenka Dan iyo Duco ee uu wargaysku sheegayna waxa uu ku maqan yahay dalka Ingiriiska mudo afar bilood ah.

Madaxtooyada hadii la galo ma kabcadii ayaa duntay,miyaanay dawaladii qarankan xukumaysay ahayn ma waxa jirta cid gaar ah oo ay u xidhantahay madaxtooyadu, waanu galnay, waanan ku noqnoqonaynaa waxaanu u galaynaana waa danta umadda.

Waxaana halkaas ku heshiiyay madaxda gobalka ka tirsan ee qaranka xilka u haysay iyo odayaashii Dan iyo Duco, oo khilaaf dhexyaalay halkaas ku soo afjaray, nabad wax ka wanaagsani ma jirtee qudhaanjooy ku quuso.

Waxa qoray oo ku saxeexan

Muuse Xirsi Abokor  ( Muuse Dalab ), Saleebaan Jaamac Jibriil, Jiif Caaqil Axmed Maxamuud Cawad,Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Yuusuf,Cabdikariin Jaamac Cawad,Cabdilaahi Jaamac Xuseen, Maxamed Faarax Ducaale.