Mulkiilaha Hoteelka Hadhwanaag Oo Bille Rafle Ku Maamuusay Hadhimo-Sharafeed

38
2915

Hargeysa(Geeska)-Mulkiilaha hudheelka caanka ah ee  Hadhwanaag Xasan Bulbul ayaa hadhimo sharafeed  ay dad haldoor ah isugu yimaadeen ku  maamuusay Bile Rafle Guuleed oo ahaa mid waxqabad lagu xasuusto xiliyadii uu maamulaayay Hargeysa iyo Burco toddobaatanaadkii.

Bille Rafle Guuleed ayaa muddo haatan joogay magaalada Hargeysa, waxaana kulamo badan oo lagu maamuusaayo u qabtay dadweynaha magaalooyinka Hargeysa,Boorama iyo Burco.

Xasan Bulbul oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, ayaa sheegay in ahmiyada hadhimadu tahay mid uu ku soo dhawaynayo Oday Bile oo uu tilmaamay in lagu xasuusto wanaag iyo wax qabad.

Cali Khaliif Galaydh oo isna ka mid ahaa dadka ka qayb galay hadhimadaas oo isna halkaas ka hadlay ayaa Xasan Bulbul uga mahadceliyay soo dhawaynta uu u sameeyay Bile Rafle.

Marwo Edna Aden, Siyaasi Cabdillaahi-jawaan, Xildhibaan Nacnac, Siyaasi Cabdi Haybe, Axmed Cadare iyo dad kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii wanaagsanaa ee lagu xasuusto Bile Rafle Guuleed.

Ugu dambayn Bille Rafle Guuleed ayaa isaguna dhankiisa ka mahadnaqay in la maamuusay waxaanu sheegay in mudadii uu Somaliland joogay loo maamuusay loona soo dhaweeyay si weyn, waxaanu u mahadceliyay guud ahaan shacabka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here